Hordhac
Horumarka reer miyiga, ma aha oo kaliya kobac dhaqaale; waxa uu kor u qaadaa habnololeedyada bulshada oo dhan. Waxa uu kobciyaa u adkeysiga caqabadaha, sida abaaraha. Nolasha aasaasiga ah ee reer miyigu waxa ay ku tiirsan tahay Xoolaha, Beeraha iyo Kheyraadka dabiiciga ah. Iyadoo dadka miyiga ku nool ay muddo dheer la kulmayeen dhibaatooyin kala duwan.
Soomaaliya oo ay tobannaan sano ka jireen colaado dabadheeraaday iyo xasillooni darro siyaasadeed, kuwaas oo khalkhal geliyay habnololeedkii iyo dadaalladii horumarineed ee reer miyiga, taasoo sabab u noqotay barakaca dad badan oo ku nool miyiga.
Miyiga Soomaaliya waxa uu leeyahay muhiimad gaar ah, waa dhabbo gogol xaar u noqon karta, lagana horumarin karo dhaqaalaha Soomaaliya. Qormadani waxa ay diiradda saaraysa muuqaalka murugsan ee horumar la’aanta miyiga Soomaaliya. Qormadu waxa ay isku xiraysaa laga soo bilaabo dadaalladii horumarineed ee reer miyiga, caqabadaha hadda jira, iyo waddada loo mari karro sidii loo horumarin lahaa bulshada reer miyiga oo dhaqaalaha Soomaaliya lafdhabar u ah.
Dadaalladii horumarineed ee reer miyiga
Dadaalladii horumarineed ee ugu waa weynaa ilaa hadda, waxaa laga xusi karaa ololihii Horumarinta Reer Miyiga ee bar ama baro. Ololahan oo qabsoomay inta u dhaxeysa 1974 – 1975, wuxuu ahaa olole waxbarasho oo dadka reer miyiga ah qorista farta Soomaaliga lagu baraayey. Wuxuu ahaa barnaamij qaran oo ummadda Soomaaliyeed tusay kalsoonida ah in ay bulshadu wax qabsan karto. Olalahan oo lagu xoojinaayay barashada qoristii afka hooyo, ayaa waxa ka shaqaynaayay macalimiin iskaa wax u qabso ku shaqeynaayay.
Caqabadaha haysta bulshada reer miyiga
Inkastoo ay meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah ay ka jiraan horumar la’aan, haddana miyigu waa meesha ugu daran oo ay ka jiraan caqabado dhan dhaqaale, bulsho iyo deegaanba. Waxa hoos u dhac wayni ku yimid dhaqaalihi iyo waxsoosaarkii dadka reer miyiga taasoo keentay in la waayo wixii la cuni lahaa iyo wixii la cabi lahaaba. Waxa dhammaaday xoolihii, waxaana yaraaday waxsoosaarkii dalagga. Nolosha kajirta miyiga waa mid adag xiligan kuna tiirsan magaalada. Iyadoo waayadii hore reer miyigii ku tiirsanaan jireen waxsoosaarkooda.
Hadda waxa adag helitaanka adeegyada aasaasiga ah sida daryeelka caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha. Halka dhaqashada xoolaha iyo waxsoosaarka beeraha ay caqabad ku yihiin arrimo ay ka mid yihiin; biyo yari iyo xaalufinta deegaanka oo ay ku jiraan xaalufinta dhirta iyo nabaadguurka carrada. Intaa waxaa dheer, abaaraha soo noqnoqday iyo isbeddelka cimilada oo ah kuwa aad u badan, khatarna ku ah habnololeedka miyiga. Dhammaan wax ka qabashada caqabadahan waxay u baahan tahay daraasad iyo faham qotadheer.
Ugu dambeyntii bulshada Soomaaliyeed miyi iyo magaalaba badi nolashoodu waxa ay ku tiirsan tahay Xoolaha nool iyo waxsoosaarka Beeraha, taasoo ay lafdhabar u yihiin reer miyigu. Miyigu waa isha dhaqaale ee ugu wayn Soomaaliya, waxana uu wajahayaa caqabado waa wayn, kuwaas oo u baahan in wax laga qabto. Iyadoo aan ognahay horumarinta reer miyiga in aysan ahayn arrin sahlan oo si degdeg ah loo xalin karo dhammaan caqabadaha ka jira, haddana waxa lagamamaarmaan ah ka go’naansho, qorshe horumarineed, iskaashi bulsho iyo maamul. Bulshada miyiga ku nool waxa ay u baahan yihiin in laga horumariyo adeegyada aasaasiga ah sida waxbarshada, caafimaadka iyo ceelal biyoodyo. Waxa sidoo kale horumarin u baahan waxsoosaarka xoolaha, beeraha iyo in la xoojiyo ilaalinta deegaanka.
****************************************************
Maxamed Cali Mahadale
Kaaliye Cilmibaare
18 Maarso, 2024

The great