Aniga iyo Qoraalka
“Qalinkaa wax suureeya
Kugu sima halkaad doonto
Saaxiib kal furan weeye
Sunto fara-ku-hayntiisa
Weligaa ha sii deynin”
@ Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”
Badaha qoraalka waxaa ugu tunweyn labada badood ee kala ah: Qoraal akadeemig ah iyo mid farsamo. Waa marka aan ka eegno dhanka qabdhismeedka, se siyaabo badan oo kale ayaa qoraalka loo kala saaraa, iyadoo ay ku xirantahay ujeedka laga leeyahay. Waxaa ka mid ah qoraal wax lagu soo bandhigayo, mid wax looga raaridayo qofka, iyo mid wax lagu warinayo.
Qoraalku waa xujo qofku garaadkiisa ku shiilo, kadibna uu weel ku shubo sidaasna dadka u hordhigo. Qoraalku si isku mid ah dadka uma wada saameeyo. Dadka qaar waa la koraan, sida Geoge Orwell uu ku sheegay buuggiisa “Why I Write”. Dadka qaar waxay wax u qoraan si aan dareen ku lammaaneyn, kuwa kalana madadaallo iyo marxalad ku mood. Qaar ayaa u qora si ay kaga bogsadaan xaalad ay markaas la tacaalayaan, halka ay jiraan kuwa jecleysta xanuunka maskaxeed ee haya in ay ereyo u beddelaan, si ay deggenaasho u helaan.
Ujeeddooyin intaas ka badan ayaa wax loo qoraa, kuwaas oo ay ugu horreeyaan: in farriin cid kale loo gudbiyo, in jiilalka soo socda taariikh loogu reebo, in aqoon lagu kala qaato, in xogo la isku dhaafsado, in dareen bulsheed lagu cabbiro iyo in cid loogu qareemo. Yaanan illaawin, dad ayaa wax u qora si ay xoolo ugu helaan.
Badahaas qoraalka qofba meel ayuu kaga dabaashaa, waana hadba tan uu xirfad iyo xeeldheeri u leeyahay. Aan kuu warramo aniguna, laakiin ii oggoloow in aan dhawr sadar ka hormariyo xiriirka naga dhexeeya qoraalka. Waxaad suureysataa adiga oo aan waxna qorin, waxna akhrin oo laguu dhiibay warqaddaan aad hadda akhrineyso! Maxaad dareemi lahayd? Maxaase iska kaa beddeli lahaa? Waxba waaye jawaabtaadu!
Qoraalku waa nooc ka mid ah dareennada uu qofku wax ku cabirro, ku arko, ku maqlo, kuna dhadhamiyo. Waa dareen qofka lihi uu ku dareemi karo waxa dhinacyadiisa ka dhacaya, kuna gudbin karo waxa uu qof ahaan ama bulsha ahaan dareemayo. Waxaan dhihi karnaa waa dareen dheeri ku ah shanta (5) dareeme ee dadku leeyihiin. Waa dood kale, kaligii ma shaqeyn karaa iyo siduu u shaqeeyaa? Waxaase hubanti ah in ay kala duwantahay kolka lagu soo hordhigo qoraal adigoo akhris-qoraal awooddeed leh iyo adiga oo aan waxna qorin, waxna akhrin.
Inta aanan u guda gelin xiriirka naga dhexeeya aniga iyo qoraalka, aan ka warramo waxa uu i taray qoraalku qof ahaan. Qoraalku waxa uu isiisay nolol xorriyad leh, xakamo leh, xamaasad xiiso huwan leh. Qoraalku waxa uu ii noqday wehel aan kaga dhuunto duruufaha ku gedaaman nolosheyda. Waxa uu gaashaan iiga noqday wax kasta oo nolosheyda la degi lahaa. Maalin aan garab u baahnaa ayuu ii noqday saaxiib aan u sheegto waxa aan gudaha ka dareemay, isaguna dibadda u soo bixiyay isagoo kaalma ka helaya qalinka. Kol walba oo aan dareemo tallan gudaheyga ah ama aan wax aanan heli karin jeclaado in aan helo, qoraalku waa halka aan ku soo bandhigo. Waa saaxiib aan duruufeheyga u sheegto, si aan ku bogsoonayana ugu soo bandhiga. Waxaan isweydiinayaa, haddii aanan waxba qori aqoon lahayn, shaqsiyaddaanna aan lahaan lahaa, side ayaan noqon lahaa? In aan maryaha tuuran lahaa ayaa ii soo bexeysa. Waxaa laga yaabaa in aad ka badbadis u aragto halkaas, runtuse waa in qoraalku uu wax badan iga horjoogsado. Baahiyaha nafsadeed ee qoraalku iga daboolo, la’aantiis culays ayay igu ahaan lahayd in aan maareeyo. Waa hubanti in qoraalku qofka kaallin mug leh ugu jiro, waxayse u badantahay in aan loo fiirsan. Waxaad suureysataa, adiga oo laabta wax ka raba, waxaas helistooduna aysan sinnaba u suurtagaleyn. Waxaad tijaabisaa in aad waxaas sida aad u dareemeyso warqad ugu qortid, waa hubanti in culeys weyn kaa degayo.
Aniga iyo qoraalka waxaa naga dhexeeya xiriir laba wax oo kale aan ka dhexeyn. Ma rumeysanaysaa sheekadeydi ugu danbeysay ee aan ugu magac daray “Wixi aan heystayba adaa qaatay (You Took All I have)” ama middii aheyd, “Yaa Qoraalkeyga iga iibsada” sida ay dareenkeyga ula falgaleen, sida aan dareemay kolkii aan dhammeeyay ee aan qalinka iyo warqadda isdulsaaray. Nafiska aan dareemay miyaan dareemi lahaa, haddii aan xeebta tegi lahaa, ee aan sanka ka buuxsan lahaa urta dabeysha biyaha maanyada wadata? Ma dhici lahayn. Aniga qoraalku waa u qareemeheyga, waa quudiyaha maskaxdeyda, waa dabiibaha dareemaheyga, waana dejiyaha uurkeyga.
***********************************
Cali Xuseen Axmed
calikey1995@gmail.com
