Tilmaamaha Hoggaamiyaha Wanaagsan

Hordhac

Marka laga hadlayo hoggaamiyaha wanaagsan haddii aan nahay ummad Muslim ah, waxa tusaale iyo tilmaan inoogu filan Rasuulkeenna Muxammed (N.N.K.H), kasoo kulansaday dhammaan sifooyinka iyo dhaqamada looga baahanyahay hoggaamiye. Hoggaamiyuhu wuxuu kaalin ka qaataa horumarka qaybaha kala duwan ee bulashada uu hoggaamiyo. Dhanka kale, si loo gaaro hadafyada iyo howlaha horyaal hoggaamiye walba waxa ay ku xiran tahay, hadba kartidiisa iyo xirfaddiisa hoggaamineed.

Qoraayaal iyo khubaro kala duwan ayaa si mug leh uga hadlay tilmaamaha hoggaamiyaha wanaagsan. Si kastaba ha ahaatee, hoggaamiyaha wanaagsani wuxuu leeyahay tilmaamo lagu garto, iyadoo aan tilmaamahaas ka xusi karo:

Aragti fog: Hoggaamiyaha wanaagsani wuxuu leeyahay aragti hoggaamineed oo cad, taasoo uu la wadaago dadka uu hoggaaminaayo. Waxa kale, oo uu leeyahay karti uu ku falanqayn karo xaaladaha taagan si istiraatiji ah, una qorshayn karo mustaqbalka. Waa mid leh aragti wax lagu dhiso, iyadoo aragtidiisa hoggaamineed ay dhiirigelin u noqoto dadka kale, taasoo keenta in ay dhigtaan summad ay tilmaansadaan iyo waddo ay qaadaan si mustaqbalkoodu u hagaago.

Daacadnimo: Marka laga hadlayo hoggaamin wanaagsan waxa lagamamaarmaan ah qofka hoggaamiyaha ah inuu leeyahay daacadnimado uu shaqadiisa si hufan ugu guto, bulshadana ugu adeego si cadaalad iyo sinnaan leh.

Geesinimo: Hoggaamiyaha wanaagsan waa qof geesi ah, kalsooni badanna naftiisa ku qabo, kaasoo awood u leh inuu qaato go’aanno adag oo uu uga gudbi karo qataraha iyo caqabadaha soo wajaha, isagoo si xilkasnimo ay ku jirto ugu dhiirada hirgelinta hadafyadiisa.

Ixtiraam: Hogaamiyaha wanaagsani waxa uu dadka kale ula dhaqmaa, si sharaf iyo xushmad leh, wuxuuna soo dhaweeyaa aragtidooda, taas oo abuuraysa dhaqan ixtiraam iyo wax wada lahaansho.

Naxariis: Hoggaamiyaha wanaagsani wuxuu daneeyaa wanaagga iyo guusha dadka kale, isagoo dhegaysta ​​baahiyaha dadka uu hoggaamiyo, wuxuuna qaada tilaabooyin uu ku caawinaayo bulshadiisa.  

Adkaysi: Hoggaamiyaha wanaagsani waa mid u adkaysta marxaladaha adag, diiradana saara ujeeddooyinka mustaqbalka fog.  

Gunaannad

Hoggaamiyaha wanaagsan waa mid kulansaday tilmaamo tira badan, kuwaas oo hal qoraal lagu soo koobi karin. Hasayeeshee, hoggaamiye waxa laga rabaa in uu yeesho aragti hoggaamineed, daacadnimo aan eex lahayn, geesinimo ku dhiirasho leh, adkaysi uu ku gaaro ka mira dhalinta yoollalkiisa, ixtiraam iyo naxariis uu u muujiyo bulshada uu hoggaamiyo. Dhanka kale, tilmaamaha uu qaadanaayo hoggaamiyaha wanaagsan waxay ku xiran tahay shaqsiyaddiisa iyo aragtidiisa hoggaamineed.

 

 

Saalax Cabdiwali Baarbe

Madaxa waaxda ICT-da ee Xarunta Dhaxalreeb

12 maarso, 2024