Nolosha qalinjebinta jaamacadda ka dib

Hordhac

Waxbarashada waxaa lagu qeexaa furaha nolosha marka laga eego isbeddelka caqli, maskaxeed, habdhaqan iyo noololeed ee ay ku keento qofka wax bartay. Dhanka kale, waxbarashadu waxay leedahay heerar kala duwan, oo marka Soomaaliya loo eego ka soo bilaabata: dugsi qur’aan, dugsi hoose, dugsi dhaxe, dugsi Sare iyo ugu dambayn heerarka kala duwan ee jaamacadda.

Maqaalkaan waxaan si gaar ah uga hadli doonaa noolasha ka dambeysa marka uu ardaygu soo dhammeeysto heerka koowaad ee jaamacadda iyo habfakarkiisa noolasha sugeeyso jaamacadda ka dib.

Xaalka waxbarasho ee jaamacadda

Marka ardaygu soo dhammeeyo labo iyo toban sano oo waxbarasho dugsi sare ah kadib, waxaa u bilaabata afar sano oo waxbarasho jaamacadeed ah, inkastoo ay jiraan jaamacado saddex sano ku bixiyo shahaadada jaamacadda. Inta lagu guda jiro waxbarashada jaamacadda, ardayda waxa ay daboolaan siddeed simistar oo halkii simistarba lagu qaato maaddooyin qiyaas ahaan u dhaxeeya 6 ilaa 9 maaaddo, taaso oo la micna ah in afarta sano ardaydu qaataan celcelis ahaan 48 ilaa 72 maaddo. Simistar walba waxaa ku jira labo imtixaan oo kala ah: kan dhaxe iyo midka dambe. Sidoo kale waxaa jira labo soojeedinno oo uu macalinka u diro ardayda inay sameeyaan, si ay darajo ugu helaan.  

Haddaba marka intaas laga soo tago, nasiibdarrada ugu wayn ayaa ah, maaddooyinkaas tirada badan ee aan kor kusoo xusay in haddii la baaro aan laga soo heleyn ama ay aad ugu yar yihiin wax la xariira hal-abuurnimada, shaqo abuurka iyo wacyi dhisidda ardayga si loogu diyaariyo suuqa shaqo ee ka horreeya. Afarta sano ardayda waxay kusoo qaataan latacaalidda waxa la soo meeriyay iyo diyaarinta imtixaanaadka ay galayaan.

Wacyiga ardayda

Xilliga ardaydu ay ku jiraan waxbarashada jaamacadda waxa ay iskugu jiraan labo nooc oo kala ah: [1] kuwo shaqeeya [2] kuwa aan shaqayn. Tirada ugu badan ee ardayda waxbarashada jaamacadda ku jiro waa kuwa aanan shaqayn, iyadoo duruufaha aysan u shaqayn lagu soo koobi karo:

  • Ardayda qaar oo aaminsan in aysan isku wadi karin waxbarashada jaamacadda iyo shaqada,
  • Jaamacadaha qaar oo saacadaha waxbarashadu aad u dheertahay taas oo ardayga aanan siinayn waqti uu ku shaqeeyo, iyo
  • Kuwa aaminsan in haddii shahaaddo jamacadeed aysan wadan wax fursad ah u heysan shaqo, isla markaana ay tahay in ay sugaan shahaadada jaamacadda.

Dhicina kale, ardayda qaar waxay aaminsanyihiin in nolosha oo dhammi ay u dhimantahay, marka ay jaamacadda soo dhameeyaanna ay heli doonaan shaqada riyadooda ah, gadan doonan gaari cad, nolasha quruxdeedana ay ka xigto soo afmeeridda waxbarashada jaamacadda iyo ku gudbidda darajo aad u sareeysa, si suuqa shaqada marka la tago aanan looga darajo badin, heer ay  gaareen  marka macalinku maaddadii lagu saxaayay 100% uu siiyo 99% inay ku doodaan “Macallin maxaa nooga jaratay halka daraja?, Natus warqaddii aad noo saxday” iyo wixii la mid ah. 

Nolasha dhabta jaamacadda ka dib

Wacyi la’aanta ardayda xilliga ay ku jiraan waxbarashada jaamacadda waxay dhaxalsiisaa kusoo-dhaxdhicidda hirar tartan iyo cariiri ka jira suuqa shaqada, kaasoo u horseeda waxbarasho hor leh oo ay u galaan wacyiga ka jira suuqa, aadna uga duwan casharradii loo dulmari jiray iyo imtixaannadii la qaybi jiray si darajo fiican loo keeno. Tani waxay ardayda qaar u horseeddaa in ay suuqa shaqada bannaanka ka joogan muddo la’eg ama ka badan tii ay jaamacadda kusoo qaateen, kuwa kalana waxay galaan tahriib iyo inay naftooda qatar galiyaan, halka qaar kala ay hoos geeyso odayaal qabiill oo aan waligood wax baran iyo xildhibaan bulshadiisa marka uu xil ka doonaayo ugu sheekeeya inuu wax u qaban doono, marka uu xilka soo helana taleefoonka ku dhageeysta ciddii soo wacda.

Nolasha dhabta ah ee suuqa shaqada waa mid wajiyo badan balse xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta ayaa ah, in suuqa shaqooyin kala duwan ay yaalaan, oo aan la dhihi karin wax fursad shaqo oo jiro malaha. Shaqooyinkaas waxa ay iskugu jiraan kuwo dabada kula jira qaraabo si hoosana loo kala tuurta iyo kuwo u baahan inaad codsato kadibna aad la kaashato asxaab iyo dadka suuqa kaaga horreeyay.

Sannadihii ugu dambeeyay waxaa aad u soo batay xarumo isugu jira hay’ado, jaamacado, iyo isbitaallo ardayda siiya fursado shaqo iyagoo isla markaana ka caawiya baabuur raaca oo inta badan u dhaxeeya $50-$100 dollar. Inkastoo dhammaan xarumaha aysan wada laheyn dhaqankaan: waxaa jira kuwo marka ardaygu u yimaado ku dhaho “Saddex bil si bilaash ah noola shaqeey ka dib ayaan shaqaale rasmi ah kuu qaadan doonnaa.” waxana ugu badan isbitaallada oo waxaa marqaati u ahaa dhowr arday oo muddo sannad iyo ka badan ballanqaadyo noocaas ah lagu waday kadibna lagu dhahay shaqo idiinma heeyno ee iska baxa. Sheeko caan ah ayaa jirta oo xarumaha shaqooyinka bilaashka bixiya ee aan kor kusoo xusay ay adeegsadaan oo ah ” shaqaale si bilaash noogu shaqeeyo weeyn meeynno ee nala joog ama iska tag” sida asxaab badan iiga soo wariyeen goobaha shaqada, si gaar ah xarumaha caafimaadka.

Gabagabo

Si looga baxo caqabadaha wacyi la’aanta ardayda ka soo qalinjebiya jaamacadaha waxaa lagama maarmaan ah:

 [1] In lagu soo daro manhajka waxbarashada jaamacadaha maaddooyin la xariira hal-abuurka shaqo, iyo xirfadaha looga baahanyahay suuqa shaqada,

[2] Wacyigalinta ardayda xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta suuqa shaqada, caqabadaha jira  iyo sida looga gudbi karo,

 [3] In jaamacadaha manhajkooda ku daraan ugu yaaran labada bil ee ugu dambeysa waxbarashada jaamacadda ardaydu helaan tababar shaqo oo loogu diro hay’adaha iyo goobaha ganacsiga si ugu yaraan inta aysan shahaadada qaadan usoo u ogaadaan waxa suuqa ka jira, khibrad yarna uga helaan.

 [4] In ardayda marka ay soo dhameeyaan jaamacadda xitaa raadiyaan shaqooyinka iskaa wax u qabso ah ee loogu shaqeeyo bulshada ama hay’adaha, iyagoo xisaabta ku darasanaayo in shaqooyinkaas aan xuquuqda badan lahayn lagala kulmo xadgudubyo iyo daryeel la’aan balse dhanka kale ay ka heli karaan khibrad shaqo oo aad u sareeysa iyo xalinta caqabadaha la xariira goobaha shaqada.

[5] In dowladdu la socoto heshiisyada shaqaaleeysiinta goobaha shaqada bixiya, sidoo kalana dowladdu dejiso shuruuc lagula xisaabtamo hay’daha dadka shaqaaleeysiiya laguna ilaaliyo badqabka shaqaalaha.

[6] In dowladdu sameeyso ugu yaraan xafiis cabasha qaba oo shaqaalahu la soo xariiri karaan haddii ay la kulmaan xadgudubyo ama si aan haboonayn looga baxo heshiiskii lala galay, sidoo kalana xafiisku awood u yeelan karo inuu booqdo goobaha cabashadu ka timid si ay usoo wareeystaan shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha.

Cabdiraxmaan Mustaf Cabdullaahi

Cilmibaare Xarunta Dhaxalreeb

4 Maarso, 2024