Saameynta Isbeddelka Cimilada iyo Sugnaanta Cuntada Soomaaliya
Hordhac
Isbeddelka Cimilada waa mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waa weyn ee maanta dunidu la dhibaatooneyso sidii wax looga qaban lahaa. Marka cimiladu isbedesho waxaa bata kuleeylka, qabowga, sidoo kale waxaa sara-ukaca heerka biyaha badda. Isbeddellada ku yimaada cimilada waxay si qotodheer u saameysaa waxsoosaarka beeraha iyo Xoolaha. Gobal kasta oo adduunka ka mid ah, Alle wuxuu is waafajiyay xaaladaha cimilada iyo noolayaasha ku nool sida dhirta, iyo xayawaanka. Marka ay xaaladahaasi isbeddelaan xitaa wax yar, dhirta iyo xayawaanka ku nool si weyn ayey u saameysaa, qaarkood waxay noqdaan kuwo waxsoosaarkoodu yaraado, halka qaar kalana ay baaba’aan.
Dalalka adduunka isbeddelka cimiladu si isku mid ah uma saameyso; qaarkood waaba kuwa ka qayb qaata in ay cimiladu isbeddesho oo waa dalalka horumaray warshadahana leh. Inkaastoo iyagaba isbeddelku saameyo haddana waxaa dhihi karnaa iyaga ayaa qayb ka qaatay. Balse dhan kale, waxaa jira dalal iyagu wax badan aanan ku darsan isbedelka ku yimaada cimilada hadana ah kuwa ugu nugul Saameynta ka dhalata. Soomaaliya oo ah dal ku yaala Geeska Afrika, muddana kusoo jiray dagaallo sokeeye waxay ka mid tahay dalalka aadka ugu nugul isbeddelka cimilada waxayna uga sii dartay xaaladihii awalba murugsanaa ee ka jiray, kuwaasoo ay ugu horeeyaan saboolnimada, deganaan la’aanta Siyaasadda, amnidarrada iyo cunno yarida.
Soomaaliya waxaa kusoo noqnoqday abaaro, macluul, iyo fatahaado kuwaasoo galaaftay nolosha kumannaan qof, malaayiin qofna barakiciyay, taasoo sameyn ku yeelatay sugnaanta cuntada ee dalka. Maqaalkan waxaan u eegi doonaa Xiriirka ka dhaxeeya isbeddelka cimilada iyo sugnaanta cuntada Soomaaliya, anigoo ka fiirin doono dhinacyo kala duwan oo ay saameysay iyo xalalka suurtagalka ah.
Maxaa la dhaha sugnaan cunto?
Sugaanta cuntada waxaa loola jeedaa xaaladda dadka oo dhan ay waqti kasta awood dhaqaale ugu heli karaan cunto ku filan, nadiif ah, nafaqana leh.
Xaalka Cuntada ee Soomaaliya
Soomaalidu inta badan waxay ahaayeen dad ku nool miyiga isla markaana iskugu jiro xoolodhaqato iyo beeraleey. Waxsoosaarkoodu wuxuu ku tiirsanaa xoolaha iyo beeraha. Beeraleydu waxsoosaarkooda labo ayey u qaybin jireen. Qayb waxay u reebi jireen reerkooda, si ay ugu noolaadaan uguna moodaan xilliyada abaaraha. Halka qaybta soo hartana ay magaalooyinka u suuqgayn jireen. Dhanka kale, xooladhaqatu waxay ahaayeen kuwo ku tiirsan waxsoorsaarka xoolaha sida caanahana, subagga iyo iibinta xoolaha nool iyagoo kusoo beddelan jiray raashin sida Masagada, Galeyda, Sokorta IWM.
Xilligii dowladdii dhexe marka ay yimaadaan abaaro iyo fataaho dadka ay saameyaan waxay kaalmo ka heli jireen dawladda balse burburkii dowladnimada ka dib waxaa dalka ka biloowday dagaalo sokeeye kuwaas oo meesha ka saaray inta badan mashaaricdii beeraha iyo xoolaha. Intaas waxa siii dheer isbeddelka cimilada oo sababay abaaro, fataaho iyo isbeddel ku yimid xilli roobaadka. Tani waxay keentay in dadkii xoogga u ahaa waxsoosaarka dalka isla markaana magaalooyinku ku tiirsanaayeen waxsoosaarkooda ay noqdaan kuwa kasoo barakaca deegaanadooda iyo noolashii miyiga isla markaana soo doorbiday noolasha ay ku noolyihin dadkii ay wax usoo waxsoosaari jireen. Hadaba taasi waxay sababtay in dalka ay soo wajahdo cunno yari aad u ba’an iyadoo dad gaaraaya 4.3 milyan oo qof cunno yari ba’an ay qarka u saaran yihiin halka 1.5 milyan oo caruur heeyso nafaqadarro (IPC, 2023).
Isbeddelka Cimilada iyo Sugnaanta Cuntada Soomaaliya
Soomaaliya dhaqaalaheedu wuxuu ku tiirsan yahay waxsoosaarka beeraha iyo Xoolaha iyagoo GDP dalka ka ah 75% (AFDB, 2023). Sidoo kale warbixin ay soo saareen World Bank iyo FAO 2018 waxay ku xuseen 93% waxa ay Soomaaliya u dibadda u dhoofiyo in ay ka yimaadaan xoolaha iyo beeraha.
Beeruhu waxay ka mid yihiin meelaha ugu daran ee ay saameeysay isbeddelka cimilada. Dalka waxaa soo maray hirar is xigxigay oo leh abaaro, fatahaado iyo Ayaxa guur guura ah oo khalkhal wayn u geeysatay waxsoosaarka beeraha. Meelaha ugu nugul fataadaha waa dulka ku teedsan labada wabi ee Jubba iyo Shabeelle, halkaasoo marka kasta oo uu wabigu soo fataho, biyuhu horay usii qaadaan dalaggii beeraleydu beerteen iyagoo qasaare wayn kala kulma. Dhanka kale waxaa isbeddelay xilli roobaadkii waxana 20kii sano ee lasoo dhaafay dalka soo maray 14 abaar, si guudna qasaaraha dhaqaale isbeddelkacimiladu u geeystay GDP-ga wadanka waxaa lagu qiyaasaay 15% sida ku xusan warbixin ay soo saareen Golaha Dhaqaalaha Qaran Nofeembar 2023.
Waxsoosaarka xoolaha waa mid ka mid ilaha dhaqaale ee ugu waa wayn dalka waxana dhibaateeyay abaarihii is xigxigay taasoo saamayn ba’an u geeysatay baadkii iyo biyihii ay ku noolaan jireen. Sidoo kale xoolodhaqatadii ayey ku sababtay in ay kasoo hayaamaan miyiga iyagoo soo doorbiday noolasha magaalada oo qaarkood maqal maahe waligood aynan sawiran ku noolaashaheeda.
Kalluumaysiga, Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer Afrika iyadoo dhererkeeda lagu qiyaaso 3333km, waxaana ka buuxa kheyraad dabiica ah oo uu ugu horreeyo kalluunka. Hadaba waxsoosaarka Kalluumaysiga dalka oo markii horaba caqabado ay ka mid yihiin kalluumaysi sharci darro ah, kaabayaasha dhaqaalaha oo liita, qalab yari, farsamo yari iyo IWM, waxaa ugu sii daray isbeddelka cimilada iyadoo dabeeylaha, sara-ukaca biyaha badda iyo hirarka aadka u balaan ay caqabad ku noqdeen soo jilaabasha kalluunka taaso dadkii ku tiirsanaa Kalluumaysiga dhib weyn horseedday.
Isku geeynta dhammaan caqabadahaas kala duwan ee uu isbeddelka cimiladu ku keenay waxsoosaarka ilaha dhaqaalaha ee dalka iyo noolasha dadkii ku tiirsanaa ilahaas waxaa ka dhalatay cunno yari, faqri iyo barakac aad u balaaran, iyadoo malaayiin qof ay u dhintaan cunno yari awgeed halka kuwa kala ay kasoo barakacaan deegaanadooda. Dadka Soomaaliyeed waxay muddo lasoo daalaa dhacayeen sidii ay ugu gudbi lahaayeen dhibaatooyinka cunno yarida iyo ku tiirsanaanta kaalmada shisheeye balse awood yarida dawladda, amni xumada iyo sii socoshada abaaraha iyo fataahada waxay u muuqataa in ay safarka halgan ee ay ugu jiraan isku filnaansho cunto ay sii dheereeyn doonto.
Gunaanad
Isbeddelka cimiladu waxa ay khataro dhinacyo badan leh ku keentaa sugnaanta cuntada iyadoo saameyso waxsoosaarka beeraha, Xoolaha iyo kalluumaysiga, taasoo kordhisa dhibaatooyinka la xariira in dadku helaan cunto ku filan, nadiif ah, nafaqana leh.
Soomaaliya muddadii burburka ay ku jiray waxaa soo maray abaaro iyo fataaho badan kuwaasoo dhib weyn u geeysatay ilaheeda dhaqaale sababayna hoos u dhaca waxsoosaarka dalagga beeraha, xoolaha iyo kalluumaysiga. Tani waxay dhaxalsiisay dadkii ku tiirsana ilahaas in ay kasoo barakacaan dhulkii ay deganaayeen isla markaana soo doorbidaan noolasha magaalada, waxayna keentay cunno yari soo wajahda dadka Soomaaliyeed.
Si wax looga qabto xaaladda sugnaan la’aanta Cunnada Soomaaliya waxaaa lagama maarmaan ah
- In la kordhiyo maalgelinta kaabayaasha beeraha, oo ay ku jiraan hababka waraabka iyo helitaanka abuurka horumarsan, si kor loogu qaado waxsoosaarka beeraha iyo u adkaysiga isbedelka cimilada.
- In la dhiirigeliyo maalgashiga kaabayaasha kale sida dhaqashada xoolaha iyo kalluumeysiga, kuwaasoo bulshada u noqon kara ilo kale oo ay dakhli ka helaan.
- Hagaajinta waddooyinka si fudud waxsoosaarka suuqyada loogu soo gaarsiiyo taasoo yareyneysa kharashka safarka kusoo gala.
- Xoojinta iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha dowladda, NGO-yada, deeq-bixiyayaasha, iyo bulshooyinka maxalliga ah si hirgelinta mashaariicidda iyo waxqabadyada ku habboon wax ka qabashada cunta yarida Soomaaliya lays kulana meel dhigo, looguna fuliyo sida ugu fiican.
Tixraac
AFDB. (2023). Dakar 2 Somalia Food and Agriculture Deliverable Compact. African Development Bank . Retrieved from https://www.afdb.org/en/documents/somalia-country-food-and-agriculture-delivery-compact
IPC. (2023). Acurate Food Insecurity and Acurate Malnutrition Analysis. Integrated Food Security Classifaction. Retrieved from https://www.ipcinfo.org/fileadmin/user_upload/ipcinfo/docs/IPC_Somalia_Acute_Food_Insecurity_Malnutrition_Aug_Dec2023_Report.pdf
NEC. (2023). STATE OF THE ECONOMY REPORT: An Annual Report to the President by the National Economic. National Economic Council. Retrieved from https://nec.gov.so/wp-content/uploads/2023/12/State-of-the-economy-13-Dec-23_.pdf
World Bank, F. (2018). Agriculture Remains Key to Somalia’s Economic Growth and Poverty Reduction. World Bank. Retri
eved from https://www.worldbank.org/en/news/press-release/2018/03/28/agriculture-remains-key-to-somalias-economic-growth-and-poverty-reduction
Cabdiraxmaan Mustaf Cabdullaahi
Cilmibaare Xarunta Dhaxalreeb
22 Abriil, 2024
