ISTICMAALKA TELEEFANNADA CASRIGA AH

Taleefannada casriga ah waxa loo tixgaliyaa in ay yihiin aalado isgaarsiineed, kuwaasoo muhiim u ah bulshada. Sannadihii ugu dambeyay taleefannadu waxay noqdeen qayb ka mid ah baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada. Waxaa aad u soo badanaya dadka isticmaala taleefoonnada casriga ah, iyadoo dadka qaar ay la qabatimeen isticmaalkooda isla markaana ay u arkaan aysan ka maarmeyn. Dasaarasad laga sameeyay dadka ku nool Maraykanka ayaa cadaynaysa in 46% dadka haysta telefoonnada casriga ahi aanay ka maarmi karin isticmaalkooda oo ay si xawli ah ula qabatimeen.

Dhalinyarada Soomaaliyeed badankoodu waxay wataan teleefanno casri ah, waxaana lagu tartamaa qaadashada taleefoonnada casriga sida Iphone-ka, Samsung-ka iyo IWM. Waxa hubaal ah in ay fududeeyeen howlo badan oo markii hore adkaa bulshaduna dhib badan ka mari jirtay. Sidaa awgeed, adeegsigoodu wuxuu si weyn ugu faafayaa adduunka oo dhan marka la barbardhigo teleefannada adeegoodu xaddidan yahay oo ay ka mid yihiin kuwa aan ku shaqeynin Internet-ka.

Teleefannada casriga ah waxay bulshada Soomaaaliyeed u fududeeyeen howlo ay ka mid yihiin ganacsiga iyo xiriirka Bulshada. Basle dhanka kale, waxay horseedeen dhibaatooyin caafimaad iyo bulsho. Qormadan waxaan ku eegi doonnaa faa’iidada iyo khasaaraha ay leeyihiin telefoonnada casriga ah.

Faa’idooyinka Isticmaalka Teleefannada Casriga ah

1. Fududeynta xiriirka bulshada

Teleefannada waxay fududeeyaan xiriirka qoysaska iyo saaxiibbada. Waa aalad isgaarsiintii ka dhigtay mid fudud oo goorkasta iyo goobkastaba la awoodi karo. Waxay fududeeyeen is dhexgalkii bulshada, maadaama qofkasta ay jaanis u siiyeen in uu si fudud oo aan culays lahayn ula xiriiri karo qofkasta oo jooga carro-edeg, isagoo adeegsanaya habka muuqaalka, fariimaha codadka iyo qoraalka. Sidaa darteed, waxaan oran karnaa isticmaalka teleefannada casriga ah waxay faa’iido weyn u leeyahay xiriirka bulshada, maadaama uu soo kordhiyay iska warhayn joogto ah. Tusaale, adiga oo beertaada jooga ayaad kula xiriiri kartaa qoyskaaga hab maqal iyo muuqaal ah, halkaasna aad kala socon karto xaaladdooda, adiga oo aan wax dhib ah dareemin. Sidoo kale, xiligaan casriga ah, waxay fududeeyaan guurka iyo hasaawaha iyadoo wiil jooga Maraykanka iyo gabar joogta tuuladii ay ku dhalatay halkaa iska shukaansan karayaan, kuna dhameeysan karayaan guurkooda. Sidoo kale taleefoonnada casriga ah waxay bulshada ugu jiraan kaalin muhiim ah madaama ay xiriirka bulshada ay ka dhigeen mid sahlan oo maanta qofkasta ku ciil bixi karo, kagana bogan karo xiriirka qofka uu la macaamilayo si fudud oo aan kharash badan ku baxayn.

2. Horumarinta Ganacsiga

Koboca iyo horumarka ganacsiga waqtigan dambe, waxa sal u ah isticmaalka aaladdaha tiknoolajiyada ee ay kamid yihiin telefoonnada casriga ah. Si la iskugu xiro macmiilka iyo ganacsadaha waxa muhiim ah in la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya. Arrintaasna waxa suurtagaliyey internet-ka iyo teleefannada casriga oo si joogta ah looga isticmaalo goobaha ganacsiga. Tusaale, ganacsadaha raba in uu alaab iyo adeeg cusub usoo gudbiyo macaamiishiisa, si fudud ayuu isagoo isticmaalayo teleefoonkiisa gacanta ugu soo faafin baraha bulshadu ku wada xiriirto si maqal Muuqaal, iyo qoraal ah kagana iibsan karaa macaamiishiisa. Baraha uu kusoo gudbin karo adeeggiisa gacansiga waxaa ka mid ah WhatsApp, Facebook, Telegram, Instagram, iwm. Intaa waxa dheer oo ay teleefannadu u qabtaan ganacsiga waa in ay xoojiyeen iska warhaynta shaqaalaha, la socodka arrimaha shaqada iyo wax ku kala iibsiga hab online ah. Waqtigan casriga ah, waxa muuqata in teleefannada carsiga ah ay lafdhabar u yihiin horumarka ganacsiga, islamarkaana ay noqdeen aalado fududeysay isku xirka macmiilka iyo ganacsadaha oo markii hore aad u adkaa.

3. Horumarinta Nidaamka Waxbarashada

Horumarka laga gaaray casriga tiknoolajiyadu waxay soo kordhiyeen in teleefoonnadu ay waqtigan fure u noqdaan horumarinta waxbarashada bulshada. Sida aan ka wada warhayno, tobannaan sano ka hor, waxbarashadu way ku adkeyd, mana u fududeyn in qofku si sahlan aqoon ku kasban karo, ilaa uu u safro meel dheer isagoo bixinaya lacag aad u farabadan. Balse, waqtigan dambe, arrintaas waxa fududeeyay teleefannada casriga ah. Waxa jira kumannaan hay’ado waxbarasho oo isticmaala Apps (Application), kaas oo ay ku shubaan cilmigii ay diyaariyeen, qofkastana meesha uu joogo wax ka baran karo, ka dib marka uu lacagta bixiyo ama iibsado xirmooyinka aqoonta. Sidoo kale, teleefannada casriga waxay wakhtigaan fududeeyeen in si lacag la’aan ah wax looga baran karo baraha bulshada haddii aad internet haysato. Tusaale, waxa jira casharro badan oo aad ka heli karto Youtube-ka iyo mareegaha kala duwan, balse waxa kaliya ee aad u baahan tahay ay tahay teleefan casri ah, si aad u daalacato casharrada halkaas ka buuxa. Dhanka kale, haddaan fiirinno, waqtigii uu dilaacay Covid-19, nidaamkii waxbarashada dunidu wuu isbeddelay, maadaama goobihii waxbarashada ay xayirmeen. Iyadoo waxbarashadii waxa loo beddalay hab fogaan-arag ah (Online). Taas oo sahashay adiga oo gurigaaga jooga, shaqadaadana iskaga jira, in aad haddana wax ka baran karto teleefankaaga gacanta. Telefoonnada casriga ah waxay sahleen waxbarashada, waxayna qofkasta oo waxbarashada jecel haystana teleefan siiyeen fursad uu naftiisa ku hormarin karo, aqoontiisana ku dhisi karo isaga oo aan wax dhib ah la kulmin  minankiisa iska jooga.

Khasaaraha Isticmaalka Teleefannada

1. Khataraha caafimaad ee dhanka indhaha

Taleefannada casriga oo la isticmaalo saacaddo badan oo joogto ah, wuxuu dhaawacaa aragga qofka. Dadka sida joogtada ah u isticmaalaa, waxay ka cawdaan cillado ay kamid yihiin indho-gudduudka, cuncunka, indho-biyoodka iyo qallaylka guddaha indhaha laga dareemo. Dawashada muuqallada gaar iyadoo la isticmaalaayo teleefoonnada casriga waxay qayb ka qataa hoos u dhaca aragga sida ay xusaan dhakhaatiirka indhaha. Cilmibaaris arrintan la xiriirta oo lagu sameeyay ardayda dhigata jaamacad ku taal dalka Sacuudiga ayaa muujinaysa in 90.84% ay isticmaalaan telefoonnada casriga ah. Intaa waxa dheer in 66% kamid ah ardayda ay la dhibaateysan yihiin xanuunnada indhaha, sida: qaleelka iyo indho ilmeynta. Waxaan oran karnaa waxa jira xiriir ka dhexeeya cabashada indhaha ee dhallinyada iyo isticmaalka joogtada ah ee telefoonada casriga ah, waana arrin u baahan in lagu sameeyo cilmibaaris mugleh. Waxaa jira digniino badan oo waqtigaan soo baxaya, kuna aaddan in laga foojignaado khataraha ku gaddaaman caafimaadka indhaha ee ka yimaadda daawashada shaashadaha telefoonada casriga ah.

2. Carqaladeynta Shaqada

Dhibaatada ka faa’idaysi la’aanta wakhtiga waxa sababta ugu weyn leh isticmaalka macnodarrada ah ee teleefannada casriga ah, kuwaas oo lumiya waqti badan oo qofku wax fiican ku qabsan lahaa. Marka laga yimaado ardayda iyo carruurta oo waqtiga ugu badan ku bixiya isticmaalka teleefannada casriga ah, haddana waxa xaqiiq ah in dad badan oo waaweyn ay la dhibaateysan yihiin maareyn la’aanta dhanka isticmaalka teleefannada casriga ah. Waxa uu ku hayaa carqaladeyn joogto ah, taas oo uu hoos u dhigay heerka waxqabadkooda. Tusaale, waxaad arkaysaa qof shaqo ku jira, oo haddana ku foorara teleefanka, qof gaari wada oo ku mashquulsan teleefanka, xataa qof waardiye ah oo halkii uu amaanka goobta sugi lahaa, ku mashquulsan daawashada muuqaalo madadaalo ah. Waxa la sheegaa in ay arirntani saameyn badan ku leedahay shaqo joojinta dhallinyarada, markii uu hoos u dhacay heerka waxtarkooda iyadoo loo aaneynayo isticmaalka badan ee teleefanka. Waxa jira talooyin habboon oo qofka lagula talinaayo in uu waqti xadidan u qoondeeyo isticmaalka teleefanka casriga ah, si uu uga baaqsado ka mashquulidda howlihiisa gaarka ah. Waxa cad oo muuqata in ay bulshadu aad u la falgalayso isticmaalka teleefannada casriga ah, waxase muhiim ah in laga digtoonaado oo waqti gaar ah loo sameeysto, si aanu kaaga mashquulin howlaha hortabinta kuu leh.

Gabogabo

Adeegsiga taleefannada casriga ayaa wax badan inoo fududeeyay nolosheenna, Waxay ka dhigeen mid fudud oo aan culays lahayn, waxayna isku fureen dunnidii kala xirnaan jirtay. Teleefannada casriga ah waxay ka mid noqdeen baahiyaha aasaasiga ah ee qof walba u baahanyahay maanta. Isticmaalka teleefannada casriga waxa laga dhaxlay faa’iido badan oo aan horey loo haysan, sida: Kobcinta ganacsiga, fududeynta xiriirka bulshada iyo horumarinta waxbarashada IWM. Nicmo kastaa nusqaanteeda ayay leedahee, dhanka kale waxay keeneen khasaare joogto ah oo nolosha la xiriira, sida: caafimaad daro, wakhti lumis iyo horumar la’aan IWM. Sidaa darteed, si looga faa’iideysto, loona yareeyo khasaarahooda, waxa muhiim ah in loo isticmaalo si taxadar leh oo ay xikmad iyo caqli masuulnimo xambaarsani ku dheehan tahay.

  1. Cabdikariim Maxamed Axmed
  2. Miski Xaashi Isaaq
  3. Maxamed Cali Mahadale
  4. Yaasmiin Cumar Cali

References:

Smith A., McGeeney K., Duggan M. US Smartphone Use in 2015. 

Issa, L. F., Alqurashi, K. A., Althomali, T., Alzahrani, T. A., Aljuaid, A. S., & Alharthi, T. M. (2021). Smartphone use and its impact on ocular health among university students in Saudi Arabia. International Journal of Preventive Medicine, 12(1), 149.