Cuntooyinka Qalaad: Horumar mise Dibudhac

  1. Hordhac

Taariikh ahaan, dhaqanka cuntada qalaad wuxuu dib ugu noqonayaa soogelitaankii gumaysiga ee dalkeenna. Baastada oo ka mid ah cuntooyinka ugu caansan ee laga isticmaalo dalkeenna ayaa ka mid ah kuwa soo galay waayahaas. Cuntooyin kala duwan ayaa wixii markaa ka dambeeyay siyaasabo kala duwan u soo galayay dalka, haba ugu badnaadaan kuwa ku soo gala qaab ganacsi, kuwaasoo ay dadkeennu la qabsadeen isticmaalkooda.  Dowladdii Kacaanka ayaa mar isku dayday in ay yarayso isticmaalka dadka Soomaaliyeed ee cutooyinka dibadda, ayadoo la dhiirrigeliyay soosaarista iyo isticmaalka cuntooyinka dalka. 

Haseyeeshee, wixii ka dambeeyay burburkii dowladnimada waxaa xarkagoostay soogelitaanka cuntooyinka qalaad, kuwaasoo ka imaanayay dalal kala duwan. Maanta waxaa suuqyadeenna ceegaaga noocyo fara badan oo cuntada qalaad ah, kuwaasoo suuqa ka saaray cuntooyinkii waddaniga ahaa.

Guud ahaan, dadyowga adduunku waxay leeyihiin dhaqanno cunto oo kala duwan, waxayna cid waliba ku faantaa cuntooyinka ay ayadu soo saarato iyo farsamada cuntakarinta ee hiddaheeda ka midka ah. Adiga oo aan meel fogba aadin, waxaa daliil kuugu filan dalalka deriska ah. Itoobiya waxay caan ku tahay canjeel-daafida, oo ah cuntada rasmiga ah ee ay sida joogtada ah u cunaan dadkeedu heer kasta iyo dabaqad kasta oo ay yihiin. Sidoo kale, Kiiniya waxay dadkeedu caan ku yihiin “Ugaallida” oo laga sameeyo gallayda. Dhaqanka cunto ee ay ummadi leedahay wuxuu ka mid yahay waxyaabaha xoojiya qarannimada, wuxuuna muhiim u yahay dhaqaalaha dalka iyo caafimaadka dadka. 

Qormadan kooban waxaan ku falanqaynaynaa cuntooyinka qalaad ee dalkeenna soo gala, annagoo eegayna ilaha ay ka soo galaan,  waxyaabaha fududeeya iyo saamayntooda .

  1. Noocyada Cuntooyinka Qalaad ee la Keeno Dalka

Cuntooyinka qalaad ee dalka la soo geliyo waxay ahaayeen kuwo marba marka ka dambaysa sii kordhayay laga soo billaabo waagii gumaysiga. Gaar ahaan, waxay cuntooyinkaasi dalkeenna ku soo bateen laga soo billaabo xilligii burburka. Uma baahnin inaan taxno magacyada cuntooyinka qalaad ee dalka laga isticmaalo, si aan fikrad uga helno xaddigooda,oo waxaa ku filan xaqiiqada ah inay yihiin waxa ugu badan ee maanta lagu iibinayo dukaamada iyo suuqyada casriga ah (Supermarkets, hypermarket) ee ay dadweynahu ka adeegtaan. Cuntooyinka dalka sida: digirta, meseggada, gallayda, moxogga, waambaha, iwm waxaa  laga helaa suuqyadii hore, kuwaasoo u muuda kuwo laga sii guurayo isticmaalkooda.  Cuntooyinka qalaad ee dalka la keeno waxay isugu jiraan kuwo bisil iyo kuwo ceeriin, waxaana ka mid ah: quutuldaruuriga (bariiska, baastada, digirta), khudaarta (yaanyada, baradhada, iwm), miraha (cambaha, liinta, qaraha, iwm), hilibka (digaagga, kalluunka, iwm,), suugada (maraqdigaagga, iwm), noocyo kala duwan oo caano ah,ukunta iyo waxyaaba kale.

  1. Siyaabaha ay Cuntooyinka Qalaad Dalka ku soo Galaan

Cuntooyinka qalaad waxay dalka ku soo galaan siyaabo kala duwan, waxaana ka mid ah:

  • Ganacsi

Xaddiga ugu badan ee  cuntooyinka qalaad ee ceegaaga suuqyadeenna wuxuu dalka ku soo galaa qaab ganacsi, waxaana laga soo dhoofiyaa meelo kala duwan oo dunida ka mid ah. Ganacsiga gaarka loo leeyahay wuxuu xarkagoostay wixii ka dambeeyay burburkii dowladnimada, dalkuna wuxuu noqday meel ciddii xoogaa lacaga heli kartaaba ay soo dejin karto wixii ay doonto, maadaama aan wax xaddidiyaa jirin.

Ayadoo aan la abaaldhacayn, oo ay jiraan qaar nadiif ah oo si wanaagsan u ganacsada, islamarkaana dalka soo geliya cuntooyin uu u baahanyahay (sida qamadida), waxay u badantahay in qaar badan oo ka mid ah ganacsatadu ay fiirsanayaan danahooda gaarka ah, aysanna dhowrayn sharciga, xilkasnimada, akhlaaqda iyo danta guud  midna. Mar haddii aan la xakamaynayn, waxay noqdeen kuwo dalka keena wax kasta oo ay u arkaan inay faa’iido ka heli karaan, ayagoo aan u aabbayeelayn.  Intaa waxaa dheer, cuntooyinka qalaad ee ay dalka soo gelinayaan waxay u sameeyaan xayaysiin iyo ammaan xad-dhaaf ah, si ay suuq ugu sameeyaan, taasina waxay kedisaa dad badan oo Soomaaliyeed oo ay ku jiraan danyartu.

  • Mashaariicda samafalka

Hay’adaha samafalka waxay ahaayeen il kale oo ay cuntooyinka qalaad  ka soo galaan dalka, ayadoo  dalka imaan jireen shixnado raashin  oo samafal ah, inkastoo ay hadda yaraadeen. Waxaa xataa jirtay dood muddo socotay oo ku wajahnayd raashin ay dalka soo gelin jirtay hay’adda ‘Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP’, taasoo lagu eedeeyay inay dalka keenaysay shixnado galley ah, ayadoo ku soo beegaysay xilliga ay soo go’ayso middii dalka, taasina ay niyadjebisay beeraleydii , ayna hoos u dhigtay guud ahaan waxsoosaarkii beeraha ee dalka. 

  • Howlgalka ATMIS

Howlgalka Nabad-ilaalinta ee ‘ATMIS’ wuxuu ka midyahay ilaha ay ka soo galaan cuntooyinka qalaad, ayadoo qaddar ka mid ah cuntooyinka loo keeno ciidamada shisheeye ee ka tirsan howlgalkaas, oo u badan miraha iyo cuntada gasacdaysan, ay si uun ugu soo gudbaan suuqyada Magaalada Muqdisho.

  1. Waxyaabaha Kaalmaynaya Faafidda Cuntooyinka Qalaad

Dalabka iyo faafidda cuntooyinka qalaad waxaa kaalmaynaya dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin kuwa soo socda:

Saamayntii gumaysiga

Ujeeddooyinka gumaystayaashii ku soo duulay ummaddeenna waxaa ka mid ahayd inuu beddelo dhaqamada ummadaha ku nool dhulalka uu gumaysanayay.  Gumaystuhu wuxuu dadka ka dhaadhiciyay in waxa uu la yimid ay ka wanaagsanyihiin wixii ay dadku hore u  haysteen ee ay yaqaanneen, asagoo ku indhasarcaadiyay qalab iyo alaado uu la yimid, kuwaasoo waagaas ku cusbaa carrada, sida: baabuurta, diyaaradaha iyo waxyaabo kale. Fikraddaas khaldan, oo ku guulaystay inuu ku abuuro dadka ayaa ah mid ilaa maanta ay dadku ka xoroobi la’yihiin.

  • Isufuranka dunida

Horumarka tiknooloojiyadeed, qalabka wax lagu daabulo (containers) iyo siyaasadaha baayacmushtarka dunida  oo la fududeeyay ayaa sababay in shixnaduhu si raqiis ah, dhakhsina leh isaga gooshaan dacallada dunida. Taasi waxay fursad siisay shirkadaha ay dalalkoodu ku horumareen warshadaynta, kuwaasoo awood u yeeshay inay gacanta sare ku yeeshaan tartanka ganacsiga marka la barbardhigo dalalka soo koraya ee aan warshadaha lahayn. Taasi waxay suuqyadeenna u nuglaysay soogelitaanka cuntada qalaad iyo guud ahaan waxsoosaarka shisheeye.

  • Qurbajoogta

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa dalka ka qaxay dagaalkii sokeeye dartiis. Dadkaasi  waxay marti u  noqdeen oo ay dhexgaleen ummado shisheeye oo naga dhaqan duwan, haba ugu badnaadeen reer galbeedkuye, waxayna dalka ku soo noqdeen ayagoo xambaarsan dhaqammada dadyowgaas. Qurbajoogtu waxay dalka ku sameeyeen maalgelin ay ka mid yihiin maqaayadaha cuntadu. 

Guud ahaan, ujeeddooyinka muhiimka ah ee ay dalalka horumaray ee reer galbeedku ay ka leeyihiin soodhowaynta qaxootiga waxaa ka mid ah faafinta dhaqanka (cultural diplomacy). 

  • Tabardarrida dowladda

Sida aan wada ognahay, waxaa dibudhis ku jira hay’adihii dowladeed ee ku burburay dagaalladii sokeeye. Inkastoo ay jiraan hay’adihii iyo shuruucdii tayadhowrka, haddana waxaa muuqata inay dalka soo gelayaan cuntooyin ay aad u liidato tayadoodu. Sidaas darteed, dabacsanaanta nidaamka dowladeed wuxuu fududeeyay in dalka la soo geliyo cuntooyin ay tayadoodu liidato iyo kuwo sharci ahaan mamnuuc ah. Waxaa kaloo aan jirin ama waxtar ahayn siyaasadihii dhiirrigelin lahaa difaacina lahaa waxsoosaarka Soomaaliya.

  • Wacyiga shacabka oo hooseeya

Guud ahaan, dadweynaha ma haystaan fikrad sax ah oo la xiriirta cuntooyinka qalaad ee ay iibsanayaan. Waxaaba suurtagal ah inaysan xataa qaarkood ogaan karin xaaladda uu ku suganyahay shayga ay iibsanayaan: ma dhacay?  tayaadiisu maxay tahay?  iwm, sababtoo ah wax ma akhriyaan. Intaa waxaa dheer, oo uguba sii daran, waxaa dadka badankiisa ka dhaadhasan in guud ahaan waxyaabaha dibadda laga keeno ay ka wanaagsanyihiin waxa ka soo baxa dalka. Sidoo kale, dareenka iyo fahamka waddaniyadeed ee bulshada oo hooseeya ayaa qayb ahaan  sabab u ah in cuntooyinka qalaad ay suuq ka helaan dalkeenna. Cuntooyinka qalaad waxay hadda ku faafeen dhulka baadiyaha ah, halkaasoo uu ku yaraan jiray isticmaalkoodu.

  1. Saamayta Xun ee Cuntooyinka Qalaad
  • Caafimaadka

Cuntooyinka qalaad ee dalaka la soo geliyo waxaa ka mid ah qaar ay tayadoodu liitado, sida qaar dhacay oo aan la isticmaali karin, qaar ka samaynsan ama ay ku jiraan waxyaabo mamnuuc ah oo aan la oggolayn, dhibaatada ay u gaysan karaan caafimaadka dadka darteed. Inkastoo aanan helin cilmbaaris laga sameeyay arrintaas, haddana waxay u badantahay in cudurro badan oo ka dhashay cuntooyinkaas ay ka jiraan dalka. Noocyo ka mid ah cuntooyinkaas waxay yimaadaan ayagoo gasacadaysan, ayadoo la ogyahay dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhalan kara isticmaalka cuntada gasacadaysan.    Cuntooyinkaasi waxay meesha ka saareen ama ciriiri geliyeen cuntooyinka dalka ee cusub (fresh), tusaale ahaan, yaanyo shiishiidka.

  • Dhaqaalaha

Cuntooyinka qalaad  waxay dhibaato ballaaran ku hayaan dhaqaalaha dalka marka la eego dhinacyada soo socda:

  • Waxay hoos u dhigeen waxsoosaarkii dalka, maadaama ay suuqa ka saarayaan dalagyadii iyo cuntooyinkii kale ee ka soo go’ayay dalka. Tusaale ahaan, maanta waxaa maqaayadaha iyo dukaamada dalkeenna lagu harqiyay digaag iyo ukun dibadda laga keenay, ayadoo ay muuqato inuu sii dabargo’ayo digaaggii ay dhaqan jireen dadka Soomaaliyeed.
  • Cuntooyinka qalaad waxay shaqala’aan ka dhigayaan dad badan oo isugu jira beeraley, kalluumaysato, xoolaley, farsamayaaqaanno, iwm. Tusaale ahaan, macmacaannada lagu iibiyo maqaayadaheennaa waxay u badan yihiin qaar dibadda laga keenay, kuwaasoo ay ka shaqeeyaan dad shisheeye ah.
  • Waxay xaalufiyaan lacagta adag ee aadka noogu yar, taasoo ay ka dhalanayso inay hoos u sii dhacdo awooddii horeba u liidatay ee wax-soo-iibsashada, taasoo muhiim u ah helitaanka waxyaabaha muhiimka u ah waxsoosaarka dalkeenna, sida qalabka beeraha, warshadaha, iwm.
  • Dhaqanka

Saamayta cuntooyinka qalaad waxaa ka mid ah inay wiiqayaan af Soomaaliga. Gaar ahaan, waxay halis ku hayaan ereybbixinta af Soomaaliga, tusaale ahaan: Cake (Doolsho), Chicken (Digaag), Chips (Baradho shiilan), Laxmandi (Hilib solan), Mandanzi (Bursaliid), Burger (Ismaris), iwm. Markasta oo mid ka mid ah cuntooyinka dalka ay kaalinriixdo cunto qalaad, waxaa sidoo kale, meesha ka baxay eray af Soomaali ah, taasina waxay wiiqaysaa hodontinimadii afkeenna hooyo.

  1. Gabagabo

Cutooyinka qalaad  waxay ahaayeen kuwo si sii kordhaysa ugu soo qulqulayay dalkeenna ilaa xilligii gumaystaha, waxayna noqdeen kuwo uu dadkeennu la qabsaday. Cuntooyinkaasi waxay hadda gaareen meeshii ugu sarraysay, ayagoo ku faafay dalka oo dhan, islamarkaana suuqa ka saaray cuntooyin badan oo waddani ah, oo ahaan jiray quutuldaruuriga rasmiga ah ee dadka Soomaaliyeed. Waxay khatar sii kordhaysa ku hayaan dhaqaalaha, caafimaadka iyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed.

  1. Talabixin

Maadaama uu qulqulka cuntooyinka qalaad dhibaato ku hayo dalkeenna waxaa habboon in laga sameeyo cilmibaaris qotadheer, si loo iftiimiyo dhibaatada cuntooyinkaas ee muddada dhow iyo mudddada fog,  loona qaado tallaabooyinka lagama maarmaanka ah.

***********************************************

Cabdullaahi Yuusuf Ibraahim

Maareeyaha Barnaamijyada Dhaxalreeb

——————————————————————————-

qalin.xarrago@dhaxalreeb.org.so