Ogow Hibadaada: Biyo Sacabbadaada Ayaa Lagaga Dhergaa!

Qof kasta oo nool wuxuu u baahanyahay inuu camal ama fursad shaqo haysto. Fursadaha ugu badan ee dunidan maanta ka jira waa in la abuuro ganacsi. Qofku markuu abuuro ganacsi cusub oo aan hore u jirin ama ka yara duwan kuwa jiray ayaa la odhan karaa hal-abuure ganacsi. Hal-abuure ganacsi in la noqda maaha wax fudud, waaney ka adagtahay inaad dukaan ama bakhaar furato. Waxay ubaahantahay inaad dadka ka dhaadhiciso adeegga ama alaabtaada cusub ee aad soo kordhisey. Waxa laga yaabaa inaad macaamiilba u weydo ganacsigaaga. Sidaas darteed qofka doonaya inuu hal-abuure ganacsi noqdo waa:

  1. Inuu ahaado qof garwaaqsada in ganacsigiisu waxsoosaaro ama waxsoosaari waayo.
  2. Inuu adkeysi ulahaado dhibaha soo wajaha ganacsiga aad abuurtay.
  3. Inuu xasuusto in wax walbaa u baahan yihiin samir iyo dulqaad oo dhibaato kastaa tahay wax laga baxo, oo aan lagu waarin.
  4. Inuu la wadaago guulaha dadka kale, si ay kuu xasuusiyaan marka guuldarro ku soo wajahdo  oo aad ka bixi karto dhibka ku heysata.

Tallaabooyinka laga doonayo inuu qaato qofka ganacsi bilaabaya

Wax kasta oo la bilaabo waxay u baahanyihiin dabeecado iyo habdhaqan gooni ah oo fududeyn kara in guul laga gaadho waxqabadkaas. Tallaabooyinka ugu muhiimsan waxaa ka mid ah:

B. Adigu isbaro; Is weydii qofka aad tahay. Isbaro, oo ogow waxaad ku fiicantahay, ee aad ganacsi ka samayn karto. Ganacsigu wuu ka hawl badan yahay, shaqada caadiga ah, marka aad sameyso ganacsi ama adeeg aad ku wanaagsantahay sida Xisaabiyanimo, Maareeyanimo, Injineernimo ama Dhakhtarnimo, IWM.

T. Iska hubi nooca ganacsiga; isweydii dhawr su’aalood ka hor intaanad ganacsi ama shirkad abuurin sida;

  1. Maxaa kugu riixaya inaad ganacsi sameyso, ma waxaad doonaysaa inaad ku taajirto, mise inaad xor ka ahaato in lagu maamulo, mise inaad shaqo uun ka dhigato oo aad nolol maalmeedka ka hesho, mise inaad xaliso dhib gaar ah oo bulshada haysta?
  2. Waa maxay xirfadaha aad taqaano ee munaasibka ku ah ganacsiga ama shirkada aad sameyneyso?
  3. Ma adeeg baad dooneysaa inaad qabato mise inaad alaab keento?
  4. Ma saacadaha yar ee aad fasaxa ka tahay waxbarashada ayaad dooneysaa inaad qabato shaqada mise maalin iyo habeenba waad ka shaqaynaysaa?

J. Daraasee oo qiimee nooca ganacsiga aad doonayso iyo sida uu ushaqeeyo.

X. Wax ka baro nooca macaamiisha aad u adeegi doonto iyo habdhaqankooda

Kh. Diyaarso qorshe ganacsi ama waxa afka qalaad loo yaqaano “Business Plan” oo kugu haga ha-abuurka aad daneynayso.

Ogow, haddii ganacsigaaga ama hal-abuurkaagu guuleysto waxaa laga yaabaa inaad caawiso dad kale oo badan. Sida inaad shaqo siiso, inaad qaadhaanka wax ka bixiso, inaad qof kale ganacsi u maalgeliso ama qof dhiban loogu taageero.

Sidee usameyn kartaa ganacsi la xidhiidha aqoontaada iyo waaya-aragnimadaada

Aqoon kasta oo aad jaamacadda ku baratey ama aad wax ka taqaano ama aad waaya-aragnimadeeda leedahay waxaa laga heli karaa hal-abuur iyo fikrado ganacsi oo aad ku shaqeysan karto. Biyo sacabahaaga ayaa laga dhergaa! Tusaale: Aqoonta Beeraha waxaa laga hirgelin karaa ama laga aasaasi karaa ganacsiyo kale duwan sida; beerida quudka, beerida midhaha la iibiyo, cawska, Fardaha lagu dalxiiso, naaxinta xoolaha, dhaqashada diggaaga, dhaqashada shinnida, IWM.  Dhanka aqoonta farsamada birta culus waxaad ka shaqeyn kartaa dayactirka, iibinta qalabka Gawaadhida lagu dayac tiro, bedelida qalabka duugooba ama jaba, IWM. Dhanka aqoonta dhismaha waxaad geli kartaa sameynta nashqadaha meheradaha, soo dajinta iyo kireynta qalabka dhismaha, IWM. Sidaas daraadeed, ma jirto aqoon aan laga abuuri karin xirfad lagu shaqeysto ama ganacsi.

Calaamado muujinaya inaad hal-abuure ganacsi noqon karto

Hal-abuurayaasha ganacsi ee la daraaseeyay, waa dad u fikira inta badan, si ka duwan sida dadka kale u fikiraan. Waxaanay la yimaadaan fikrado mararka qaar aan hore u jirin ama kuwa jira waxyar ka beddelan. Hadana hal-abuuraha ganacsi maaha kaliya kan keena fikrad cusub ee sidoo kale waa qofkasta oo ganacsi ka abuura magaalo, dal ama xaafad aan adeegaas ama waxsoosaarkaas laga hirgelin oo ay ka jirtey baahi dhab ah. Waxa jira dhawr calaamadood oo muujinaya qofka hal-abuure ganacsi noqon kara waxaaney kala yihiin:

  1. In qoyskiisu yahay mid ku dhex jira ganacsiga. Micnaha, waalidkii ama walaaladii ayaa ganacsiyo leh, taasina waa sababta aad ganacsiga wax uga taqaano.
  2. In uu neceb yahay dabeecadaha bulshadaadu caadeysatey. Wuxuu noqdey qof jecel inuu wax kasmar kasta isweydiiya sababta loo sameeyo iyo waxay dadku ugu dhaqmaan sidey iminka udhaqmaan. Taasi waxay ka dhigtey qof jecel inuu sameeyo wax cusub oo xaliya dhibaatooyinka bulshada haysta ee aanay cidina isku xilqaamin.
  3. In uu jecel yahay inuu qabto shaqo waxsoosaar leh ama adeeg aan deegaanka iyo dalka ka jirin oo ka jawaabeysa baahi gooni ah.
  4. In uu leeyahay kartiyo iyo haybado badan, oo uu aaminsan yahay in uu qaban karo waxyaabo badan oo aanay dadku horaan u qaban ama bixiso adeeg aan horaan loo bixin.

Waxaa la sheegaa in ay dunidan jiraan saddex nooc oo dad ah kalana noqon kara sidan soo socota:

  1. Qof raadiya marwalba hibadiisa kadibna shaqo ku hela ama isagu shaqo sameysta isaga u gaar ah.
  2. Qof raadiya shaqo uu qabto uun marka baahi lacageed qabato si uu u noolaado.
  3. Qof aan shaqo raadsan oo aan shaqana sameysan xataa hadii ay baahi lacageed qabato

Qof raadiya hibadiisa; haddii aan si gaar ah usharraxno qeybta raadinta hibada waa dad dunida ku yar, laakiin saameyn badan ku leh dadka kale oo dhan. Waa dadka inta badan caanka ah sida Albert Einstein, oo ahaa saynisyahan ikhtiraacay qaacidooyin iyo aragtiyo aad u muhiim ahaa kuwaas oo qeyb laxaad leh ka qaatey horumarka aduunka iyo Tiknolojiyada casrigan. Hadal kamid ah xikmadaha uu Albert Einstein dunida kaga tagay waxa kamid ah ” Qofka qiimihiisa waa in lagu cabiro wuxuu dadka kusoo kordhiyey balse maaha in lagu cabiro dadka ka helay micnaha qofku waa inuu bulshada wax taraa xataa hadaanu lacag badan ka helayn.” Steve Jobs waa aasaasaha shirkadda Apple, waana mid kamid ah dadka ugu saameynta badan dunida qarnigii 20aad iyo 21aad. Xikmadihii uu ka tagay waxa kamid ah “Markaan ahaa 23 waxaan shaqeystey hal milyan oo doolar. Markaan ahaa 24 sana jirna waxaan shaqeystey toban milyan oo doolar. Markaan ahaa 25 jir waxaan shaqeystey boqol milyan oo doolar, sidaasay ahayd hadana aniga lacagtu muhiim iima aheyn maadaama aanan usameyn shirkadda Apple si aan ku taajiro balse waxay aheyd inaan dunida wax ku soo biiriyo”.

Qof raadiya shaqo uu qabto; qeybta labaad waxaa leh astaantan dadka ugu badan dunida, waxaana lagu magacaabaa celceliska loo badan yahay dunida “Average people”. Dadkani way shaqaysan karaan haddii ay fursad shaqo helaan, laakiin malaha hami aad u dheer oo aan ka aheyn in ay shaqeeyaan si ay noloshooda u dabaraan. Dadaal kasta oo ay sameeyaan waa mid ku saleysan si ay naftooda dabaraan, baahiyahoodana u dhameystiraan.

Qof aan shaqo raadsan; qeybta saddexaad waa dadka inta badan aan shaqeysan ee shaxaadka ku nool ama cid kale wax weydiista. Waa dad hawl neceb, jecelna in ay helaan quud ama waxay cunaan si aanay gaajo ugu dhiman.

Hadaba akhristoow adigu qeybtee baad ku jirtaa? Bal adigu is cabir oo muuji hibadaada oo iska ilaali inaad beylihiso hibada Ilaahay kugu maneystay.

Tallaabooyinka ay tahay inaad qaado ka hor intaanad ganacsi abuurin

Haddii uu hamigaaga, himiladada iyo qorshahaagu yihiin inaad ganacsi abuurto sannadkan 2024 ama sannadaha soo socda, waxaa habboon inaad raacdo tallaabooyinkan soo socda:

  1. Daraasee oo garo nooca ganacsiga qof ahaan kugu habboon. Waxa jira ganacsiyo kala duwan oo isku heer ah, balse aan isku si loo suuqgeyn karin oo laga yaabo inaanay adiga kugu habboonayn ama aadan ka midho dhalin karin. Sidaa darteed, dooro nooca ganacsiga ee kugu habboon adiga iyo waxa aad xiiseysaba.  Tusaale, hadaad jeceshahay qurxinta, dooro ganacsi la xidhiidha qurxinta.
  2. Daraasee dadka ku jira ganacsiga aad daneynayso oo garo tartamayaashaada suuqa kugula tartami doona. Markaad dooneyso inaad ganacsi abuurto u kuurgal oo aad u lafagur noocyada ganacsiga ee jira, kuwaasoo iibiya ama bixiya adeega aad dooneyso inaad sameyso. Ka dib u fiirso waxyaabaha iyaga ka dhiman ee aad adigu kusoo kordhin laheyd adeegaas ama waxsoosaarkaas.
  3. Ka fikir sida ugu habboon, xalaalsan uguna sahlan ee aad dakhli uga heli lahayd ganacsigaaga.
  4. Raadi tallooyin iyo warbixinno ku saabsan sida gancsiga loo kobciyo, loogana dhigo mid macaash leh oo waara ama in badan jira.
  5. Tijaabi fikirkaaga ganacsi, una bandhig adeegaaga ama waxsoosaarkaaga dad kale si aad u ogaato in ay fikradaadu shaqeyneyso iyo inkale.
  6. Qorshe aad si qotodheer uga fikirtay u samee, kuna salee saadaal dhab ah
  7. Diyaarso hannaan la xisaabtan xitaa haddii aad keligaa lahaan doonto iyo mudo xisaabxir bille ah, afar biloodle, lixbillodle, sannadle ama ka yar hadba kii ku habboon.
  8. Had iyo jeer ka feejiignoow oo xafid xogta ganacsigaaga iyo diiwaannadaada oo isku day inaad sameysato dhowr nuqul oo yaala meelo kale duwan.

 

𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐢𝐧 𝐅𝐚𝐚𝐝𝐮𝐦𝐨 𝐀𝐚𝐝𝐞𝐧 𝐈𝐢𝐝𝐥𝐞

iidle1969@yahoo.com