Waxaa guud ahaan jira cudurro kale duwan oo ku dhaca aadanaha. Haddana waxaa jiri kara cudurro gooni u ah inay ku dhacaan carruurta, sababta oo noqon karta xaaladda nololeed ee qoyska, xaaladda nadaafadeed, xaaladda quudineed iyo xaaladda xanaaneynta goonida ah ee uu ubadku u baahan yahay. Dhammaan carruurtu waxay mudan yihiin daryeel caafimaad oo tayo sare leh. Waalid ahaan, waxaa muhiim ah in laga feejignaado dayaca ku imaan kara carruurta si looga hortagi karo in loo baahdo daaweyn lagaba yaabo inaan laguba guuleysan. Waajibaadka saaran waalidka waxaa ka mid ah xaqiijinta in ilmahaagu helayo daryeelka ugu fiican ee ugu macquulsan. Qaddarta Alle ayaa haya balse waalidka taxadar iyo dadaalka ayaa waajib ka saranyahay.
Cudurrada iyo daaweynta aan maqaalkan kaga hadlayno maaha dhammaan cudurrada ku dhici kara carruurta iyo daaweyntooda. Qodobadani waxay ku saleysan yihiin caddaynta sayniska iyo hababka ugu fiican. Si kastaba ha noqotee, waxaa jiri kara sababo uu dhakhtarkaaga carruurtu uu ugu leeyahay talooyin kala duwan ilmahaaga, gaar ahaan haddii ilmahaagu qabo xaalad caafimaad oo joogto ah ama xasaasiyad. Dhakhtarkaaga caafimaadka ayaa kaala hadli doona wixii ku saabsan kala duwanaanshaha daaweynta carruurta. Haddii aad wax su’aalo ah ka qabtid daryeelka ku habboon ee ilmahaaga, fadlan kala hadal dhakhtarkaaga carruurta.
Waxaa jira xanuuno yaryar oo uu ilmuhu dareemo marka uu dhasho sida in neeftu ku xidhanto, calool majiir iyo shuban. Kuwani inta badan dawo lagulama degdego in kasta oo loo baahdo talooyin muhiim ah iyo in ilmaha laga ilaaliyo fuuqbaxa. Macluumaadka soo socda waxaa ku xusan qaar ka mid ah cudurrada carruurta ku dhaca ee ugu caansan iyo daaweyntooda.
- Caloolmajiirka ilmaha ku dhashay
Caloolmajiirka ugu caansan ee nuunayaasha ku dhaco waa midka ka dhasha hawada caloosha ku xiranto, waana cillad ku badan carruurta u dhaxayso da’dooda 1 illaa 4 bil maadaama korriinka calooshooda iyo mindhicirrada aysan dhameestirmin. Qiyaastii boqolkiiba 70 ka mid ah carruurta waa lagu arkaa caloolmajiirka. Waxay ku dhici kartaa carruurta naaska la nuujiyo iyo kuwa dhalada caanaha lagu siiyo labadaba.
Waxaa is weydiin mudan maxaa keena caloolmajiirka? Dhibka wuxuu ka yimaadaa markuu ilmaha nuugay hawada ama hawo afka ka gashay markii caanaha la siinayay naaska ama dhalada labada ha ahaato in ay ku xirmaan caloosha oo ay cadaadis saaraan mindhicirrada iyo caloosha, waxay dhibaatadan timaadaa haddii lixdaan sabab mid ka mid ah ay dhacdo:
- Haddii hooyada ay naaska si aan sax ahayn ilmaha u siiso oo qaabka ay u qabanayso uu qaldan yahay oo cunuga afka si fiican ugu qabsan waayo naaska
- Haddii cunugga si siyaado ah loo nuujiyo ama caano loo siiyo hal mar
- Haddii cunugga uu dhasho isagoo waqtigiisa uusan dhamaysan
- Hadduu cunuga allerji ama xasaasiyad ku yahay caanaha naaska ama kuwa kalaba
- Haddii caanaha cunuga la siinayo ay ku badan tahay maaddada la yiraahdo Lactose.
- Haddii cunugga uu aad u ooyo, waxay keenaysaa inuu hawo badan liqo.
Haddaba waa maxay calaamadaha ama sidee lagu ogaan karaa in cilladdaan cunuga hayso? Ilmaha yar wuxuu yeeshaa staamahan soo socda:
- Ooyin badan
- Dilqis siyaado ah
- Caloosha oo dibbirsan
- Dhuuso iyo aaryo badan
Haddaba waxaan u baahan nahay inaan ka fekerno sidee lagu xalin karaa arrintaan? Waxaa ugu muhiimsan in saddex shay la sameeyo si looga hortago ama loo yareeyo cilladaan:
- In qaabka saxda ah ee loo nuujiyo carruurta in aad taqaanid, halkaan ka akhriso qaabka iyo talooyinka la rabo in aad raacdo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,409.0.html
- Ku dadaal markastoo aad nuujiso cunugaaga in aad daacsiisid oo illaa uu ka daacsado aadan sariirta ku ridin, waxay arintaan yaraynaysaa in calool majiir ku dhaco, sida ugu fiican ee loo daacsiiyo carruurta. Waa in aad xabad xabadkaaga u saartaa, qoortane dhinaca qoortaada u saarto, kadibna dhabarka u salaaxdo, haddii ay dhacdo in adigoo daacsiinin aad jiifisid oo majiir ku aragtid waa in aad caloosha u salaaxdaa ama cadaadis yar u samaysaa si aad u caawisid hawada in ay soo baxdo ama waxaad cunuga ku jiifin kartaa gacantaada adigoo madaxiisa waxyar hoos u janjeeriya ka dibna dhabarka u salaax dhinaca qoorta si hawada u soo baxdo ama cunuga dhabarka u jiifi ka dibna lugaha u dhaqaaji sidii qof baaskiil adoo wada oo kale, waxay keenaysaa in hawada ku jirta mindhicirrada qeybaha hoose in ay soo saarto.
- Haddii intaa wax tari wayso oo dibbiriyo iyo ooyin siyaado ah aad ku aragtid cunuga waa in aad isticmaashaa goojooyinka caloolmajiirka nuunayaasha loogu talagalay oo aad farmashiyada ka heli karto ama kala tashan kartid dhakhtarkaaga.
Goojooyinka loo isticmaalo arrintaan waxaa ugu caansan 3 nuuc:
- Simethicone waa goojo loogu talagalay dibbirada, inkastoo carruurta qaar aysan waxba u tarin.
- Gripe Water (Maalqariib) waa goojada ugu caansan dunida ee lagu xalliyo arrintaan, inkastoo ay noocyo badan yihiin, waxaa ugu fiican nooca la yiraahdo “Colic Calm”, badanaa ugu badnaan 5 daqiiqo in ka yar ayay caloolmajiirka ku joojisaa.
- Tummy Calm, waa iyadane goojo kale oo dabiici ah oo sida gripe water-ka si degdeg ah u joojiso calool majiirka.
Haddii hooyo kasta oo ilmaheeda nuujiso ama masaasad caano ku siiso ay raacdo tallooyinkaas, ilaahay idinkiis caloolmajiir ma arkayo cunugeeda haddey aragtana si dhakhsa ah ayay uga caawin doontaa.
- Cune xanuun/dhuunta xanuunta
Cudurkan Cune xanuunku aad ayuu ugu badan yahay carruurta wuxuuna ilmaha ku keenaa xanuun daran. Jiradan waxaa keena fayras umana baahna in ilmaha la siiyo daawada la dagaalanta caabuqa ama antibiyootiko. Haddii aad ubadkaaga ku aragto cune xanuun ha siin daawo, ilmahaaguna wuu iska bogsoon doonaa ama waa inuu ku fiicnaadaa toddobo ilaa toban maalmood si iskiis ah. Haddii aanu intaas ku kaban waxaa jiri kara xaalado kale ama noocyo kale oo cuna xanuun ah. Noocyadan cuna xanuun waxaa sababi kara caabuq loo yaqaan ‘streptococcal’ (strep hunguri). Noocan cuna xanuun ee Strep si sax ah looma ogaan karo inuu jiro iyadoo si fudud loo fiiriyo cunaha mooyaane. Waxaa keliya lagu ogaan karaa baadhitaanka ama Tijaabada shaybaarka ama baaritaanka strep-ka ee degdega ah. Waxaa kale oo lagu arki karaa qoorta oo si dhakhso ah uu nabar buuran uga soo baxo. Waxaase lagama maarmaan ah in si degdeg ah ilmaha loo geeyo goob baadhitaan sax ah leh. Haddii ay ilmaha ku dhacdo strep, dhakhtarkaaga carruurta ayaa kuu qori doona dawada ku haboon ee wax ka qaban karta/la dagaalami karta. Aad ayey muhiim u tahay in ilmahaagu u qaato antibiyootikada xadiga loogu tala galay oo dhameystiran oo aan wakhti dhaaf laheyn. Qaadashada daawada u raac sida laguu qoray, xitaa haddii ay calaamaduhu fiicnaadaan ama ka baxaan. Daawooyinka isteeroydhiska (sida prednisone) maahan daaweyn ku habboon kiisaska badankood ee cuna xanuun.
Waxaa mararka qaar dhacda in dhallaanka aadka u yar iyo kuwa socod-baradka ah, ay marar dhif ah dareemaan xanuun dhuunta ah ama cunaha, laakiin waxay u badan tahay inay tahay bakteeriyada streptococcus. Weliba waxaad eegtaa in ilmaha ka weyni qabey cudurka. In kasta oo strep ku faafo badanaa qufaca iyo hindhisada, cunugaaga sidoo kale wuxuu ku heli karaa isagoo taabto alaabta uu cunugga cudurka qaba ku ciyaaray. Aad ugu fiirso nooca cuna xanuun ee haya ubadkaaga intaadan siin dawo waxaa haboon inaad la tashato dhakhtarkaaga. Hooyooyinka qaar waxay ugu luqluqaan ilmaha biyo qandac ah oo milix leh si ay u yareeyaan xanuunka.
- Dheg xanuun
Xanuunkan dhegaha wuxuu inta badan aad ugu badan yahay ubadka waxaana keeni kara sababo kale duwan. Sababaha keena waxaa ka mid noqon kara in ilmaha oo aad u yar ay hooyadu naaska ku siiso jiifka, caabuqa dhegaha (otitis media), dhegta oo biyo galaan xilliga dabbaasha (infakshanka maqaarka ee kanaalka dhegta), cadaadis ka yimaada hargab ama sanka infekshan, ilig xanuun oo u soo baxa daanka ilaa daanka dhegta, iyo kuwa kale. Si loo kala saaro nooca dhega xanuun ee jira, waxaad u baahan tahay inaad la kulanto dhakhtarkaaga carruurta oo u baahan doona inuu baaro dhegta ilmahaaga. Haddii xanuunka dhegta ee cunugaaga uu la socdo qandho aad u sareysa iyo xanuun labada dhegoodba ah. Waxaa kale oo jiri kara in ilmahaagu leeyahay calaamado kale oo cudur kale ah. La tasho khubarada caafimaadka gaar ahaan dhakhtarkaaga carruurta waxaa laga yaabaa inuu go’aansado in ay daaweynta ugu habooni tahay caabuq dile ama dawo kale. Caabuqyo badan oo ku dhaca dhegaha maaha kuwii dhabta ahaa oo waxaa sababa fayras umana baahna antibiyootiko. Haddii dhakhtarkaagu ka shakiyo in caabuqa dhegaha ee ilmahaaga laga yaabo inuu ka yimid fayras, isaga ama iyadu waxay kaala hadli doonaan qaababka ugu wanaagsan ee looga caawin karo yareynta xanuunka dhegaha ilmahaaga illaa iyo inta fayraskaasi ka dhamaanayo. Dawooyinka ugu badan ee dhakhtaradu qoraan waxaa ka mid ah; Amoxicillin: waa waa caabuq dile/antibayotik la doorbido in lagu dagaalamo caabuqa dhegta dhexe – marka laga reebo inuu ilmuhu xasaasiyad ku leeyahay penicillin ama uu qabo infekshannada soo noqnoqda ee laqabsada daawada.
Markasta la soco macluumaadka ku saabsan caabuqa Dhegaha, Cudurrada Dhegta dhexe, iyo Cudurrada iyo caafimaadka caruurta ee mareegaha, buugta iyo majaalaadka kale.
- Caabuqa kaadi mareenka
Caabuqa/infekshinka kaadiheysta, oo sida kale loo yaqaanno infekshinka kaadi mareenka ama UTIs, waa xanuun aad u dhib badan mararka qaarna soo boodo noqon kara. Cudurkan wuxuu ka dhashaa marka ay bacteria ay ku soo korodho kaadi mareenka. Caabuqa Kaaadimareenka wuxuu ku dhici karaa carruurta laga soo bilaabo markay yaryihiin ilaa iyo ilaa heerka qaan-gaarnimada. Astaamaha lagu garto waxaa ka mid ah xanuun ama gubasho xilliga kaadida, baahida loo qabo in si joogto ah ama deg deg ah loo kaadiyo, sariirta inuu ku kaadsho ilmuhu isaga oo hurdaya, xanuun qeybta hoose caloosha, ama dhabar xanuun.
Haddii aad ilmahaaga ku aragto astaamahaas waxaad si degdeg ah ula xidhiidheysaa dhakhtarka. Dhakhtarku wuxuu u baahan doonaa muunad kaadi ah si looga baaro Ucaabuqa ka hor intaan la go’aamin daaweynta. Dhakhtarkaagu wuxuu hagaajin karaa daaweynta iyadoo kuxiran bakteeriyada laga helo baaritaanka kaadida ilmahaaga. Had iyo jeer haku degdegin inaad daawo iska siiso ilmaha adiga oo aan la tashan dhakhtarkaaga ama khubarada caafimaadka. Ugu dadaal in ilmahaagu cabo biyo ku filan maalintii si looga hortago caabuqa kaadihaysta ama kaadi mareenka.
- Caabuqa Maqaarka
Waxaa ayadana muhiim ah inaan ka hadalano cudurada maqaaraka ma caabuq ku dhaca maqaarka. Carruurta badankood ee qaba caabuqa maqaarka, waxaa dhakhtarada la geeyaa mar uu xanuunki fidey ama uu gaarey heer uu isu bedelo xanuun kale. Baaritaanka maqaarka (dhaqanka ama suufka) ayaa loo baahan yahay si loo go’aamiyo daaweynta ugu habboon. U sheeg dhakhtarkaaga haddii ilmahaagu leeyahay taariikh caabuq maqaar ama bakteeriyada kale ee iska caabinta ama haddii isaga ama iyadu ay la kulmeen ama ay qabi jireen xubnaha kale ee qoyska ama xiriir la leh bakteeriyada iska caabinta maqaarka. Had iyo jeer la soco nabarada, boogaha iyo isbedelada ku imanaya maqaarka ilmahaaga si aad wax uga qabato ama loo daweeyo xili ku haboon.
- Qaarjeex/Boronkiito/wareento
Boronkiito waa soo bararidda dhinacyada marinnada waaweyn ee hawada ee loo yaqaanno bronchi ee ku jira sanbabada. Bararku wuxuu keenaa dheecaan ka badan kan caadiga ah inuu sameysmo. Kani wuxuu xannibi karayaa maritaanka hawadu ay mari lahayd sanbabada waxaana laga yaabaa iney waxyeello u geysato sanbabada. Boronkiito daran waxay ku dhammaataa 2 illaa 4 toddobaad waana la daaweyn karaa.
Qaarjeexa badanaa waxaa sababa fayras, oo aan u baahnayn in la siiyo caabuqantibiyootiko. Taas bedelkeed, tallooyinka daaweynta badankood waxay ku wajahnaan doonaan xogta aad bixisey iyo baaritaanka la sameeyay. Arinta bixinta xogta saxda ah iyo xanaanada ilmuhu waxay door muhiim ah ka qaataan in dhakhtarku ka qaato go’aan sax ah. Boronkiitadada ama qaarjeexu waacaabuq ku dhaca neef mareenada waaweyn ee sambabada waxaana badanaa lagu arkaa dadka waaweyn iyo kuwa yaryarba. Badanaa erayga “boronkiito” waxaa loo isticmaalaa in lagu sharaxo feyraska xabadka umana baahna antibiyootiko. Had iyo jeer la soco hab neefsiga ilmahaaga si aad ula xiriirto dhakhtarka. Xanuunkan wuxuu ku badan yahay dhallaanka iyo carruurta yaryar inta lagu jiro xilliga qabow iyo ifilada. Dhakhtarkaagu wuxuu maqli karaa “xiiq” markii ilmahaagu neefsado kolka uu eegeego.
Calaamadaha Boronkiitada waxaa ka mid ah; Qufac is-daba-joog ah, Neefsasho dhawaq leh. Neefsashada oo kugu gaabata, Qandho ama qar-qaryo, Cune xanuun, San biyo ka dareerayaan ama cabbursan, Sababaha keena Boronkiitada, dhaawac bakteeriyo ama fayras. Isticmaalidda biyo saare qaabka jidhka iyo feedho riixe si loo dabciyo xabka sanbabadaada ka imaanaya. Waa lagu bari doonaa sida taas loo sameeyo. Xanuunka qaarjeexa ama caabuqa saableyda kudhaca waa mdi had iyo jeer ku badan caruurta xilliyada kalaguurka cimilada sida Guga, dayrta, xagaaga iyo jiilaalka.
- Qandho iyo Xanuun
Mararka qaar waxaa dhacda in ilmuhu yeesho qandho iyo xumad joogta ah. Marka aad aragto xaaladan waxaa haboon in aad ilmaha shukumaan qoyan saarsaarto oo xumada si joogta ah uga dejiso. Xaqiiji inay nabaro ama jug ku taalo keeni karta qandho. Hakula degdegin inaad daawo iska siiso adiga oo aan la tashan dhakhtar. Haddii daawo laga maarmi waayo, Daawooyinka ugu fiican ee xanuunka looga joojiyo carruurta waa acetaminophen ama ibuprofen. Kala hadal dhakhtarkaaga xaddiga ma qiyaasta daawada ay tahay in la siiyo ilmahaaga, maadaama ay tahay inay ku salaysnaato culeyska ilmahaaga. Daawooyinka xanuunka Narcotic kuma habboona carruurta dhaawacyada caadiga ah leh ama cabashooyinka sida murgacashada murqaha, dhegta xanuun, ama cunaha oo xanuuna. Ogsoonow inaad u baahan tahay inaad si hoose ula socoto xaalada caafimaad iyo isbedel ee ilamahaaga weliba haddii aanu hadal gaadhin.
- Hargab caadi ah
Hargabka waxaa sababa fayrasyo ku jira neef mareenka sare ee dhuunta. Carruur badan oo yaryar – gaar ahaan kuwa ku jira heerka xanaanada – ayaa qaadi kara 6 ilaa 8 jee oo hargab ah sanadkiiba. Calaamadaha hargabka (oo ay ku jiraan sanka oo dareera, ciriiriga hawada, iyo qufaca) ayaa socon kara illaa toban maalmood. Hargabka caadiga ah waligood uma baahna in la siiyo caabuq dile ama antibiyootiko. Si kastaba ha noqotee, haddii laga shakiyo infekshinka sanka ah ama saableyda, dhakhtarkaaga ayaa si taxaddar leh u go’aamin doona haddii antibiyootigyadu yihiin xulashada ugu fiican ee ku saleysan astaamaha ilmahaaga iyo baaritaanka jirka. Haku degdegin inaad daawo iska siiso ilmaha hargabka qaba. Dhaqan ahaan khudaar shiidan, caano qandac ah iyo naas nuujinta oo loo badiyo si isu dhow waa tusaalooyinka ugu wanaagsan ee ay bixiyaan hooyooyinka waaya araga ah.
- Bakteeriyada Gasho Sanqada/Sanbuuqada/Sinusitis
Bakteeriyada gasha sanbuuqada/sinusitis waxaa sababa bakteeriyada ku xanniban sanka. Sinusitis-ka ayaa la tuhunsan yahay inay timaado marka ubadku hargab hayo, qabow darani jiro ama dheecaan ka imanayo sanka, qufac maalmo ah iyo qandho. Xaaladaan ayaa laga yaabaa inay ku dhammaato in ka badan toban maalmood iyada oo aan la nadiifin. Mararka qaar cad ayaa ka soo baxa, caabuq qaada oo xidha sanka. Kolka aad aragto in ilmahaagu ka xirmay sanbuuqada/sanqada, ha yareysan oo la xiriir dhakhtar ama khabiir caafimaad. Antibiyootikada ayaa loo baahan karaa haddii xaaladdani ay weheliso dheecaan sanka oo huruud ah leh iyo qandho ugu yaraan 3 ama 4 maalmood oo isku xigta.
- Qufac joogta ah
Qufacu waa calaamad muujisa in jirro ama caabuq ka jiro habdhiska neef-mareenka ee Carruurta. Qufacu waa darreen xoog leh oo sanbabka, sanka iyo hunguriga cad isaga soo saaraan wax ka kasta oo jirka dhib u keeni kara. Waa calaamad guud ah oo ku caan ah carruurta qabta neefta iyo qaar-jeexa(pneumonia), hargabka iyo wixii la mid ah. Cunug qaba neef waxaa suuragal ah inuu qufaco si uu isaga soo saaro xabka buuxinaya dhuumaha yar yar ee ciriiriga noqda marka xasaasiyadi timaado. Qaar ka mid ah carruurta qufacu wuxuu noqon karaa calaamada kaliya ee muujisa in cunugu qabo neef. Qufaca badanaa waxaa sababa fayras oo uma baahna inta badan in daawo lagula degdego ama la siiyo caabuq dile/antibiyootiko. Daawooyinka qufacu laguma talinayo carruurta 4 sano jirka ah ama ka yar, ama carruurta 4 ilaa 6 sano jir ah ilaa dhakhtarkaagu kugula taliyo mooyee. Daraasaduhu waxay si isdaba joog ah u muujiyeen in daawooyinka qufaca aysan waxba u qaban Karin carruurta afar sano jirta ama ka yaryar balse waxaa suurtgal ah inay waxyeellooyin daran u geystaan ilmaha. Daawooyinka qufaca leh maandooriyaha – sida koodhin – looma isticmaali karo carruurta. Fadlan hakula degdegin daawo balse isku day inaad dhakhtar la tashato.
Maadaama qufacu uu yahay difaac dabiici ah oo jirka aadamigu isaga soo saaro jeermis ama xasaasiyad dibada uga timaado, ayaa haddana cunnugu qufacayaa dhib wayn soo gaartaa haddii aan la daawayn. Haddaba si aad u fahanto noocyada qufacyada ee ku dhaca carruurta waxaan hoos ku soo gudbinaynaa qufacyada ay tahay inaad cunnugaaga dhaqtar u gayso.
- Qufac xabeeb wata: Inta badan qufacaan wuxuu ku dhacaa qaybta kore ee habdhiska neef-mareenka sida hunguriga cad ee neeftu marto iyo halka codku ka soo baxo. Qufacaan xabeebta iyo qaylada leh inta badan waa mid qalalan, inta badana waxaa keena jeermiska viruska. Mararka qaar waxaa keena xasaasiyadda iyo marka jawiga hawada habeenkii is badalo. Carruurta yar- yar neef-mareenkoodu aad ayuu u yar yahay oo haddii caabuq ama barar ku dhaqo waxaa laga yaabaa in neef-qabatin ku dhaco. Qufacaan xabeeblaha ahi wuxuu ku bilaabmaa si degdeg ah xilliga habeenkii saqda dhexe, wuxuu yeeshaa sharqan dheer oo la dareemayo in cunnugu hawada si dhib leh ku qaadanayo.
- Xiiq-dheerta: Xiiq-dheerta ama xiiqda waxaa lagu yiraahdaa whooping cough ama Pertussis wuxuu ku dhacaa habdarrhiska neef-mareenka waxaana keena nooc Baakteeriya ah oo la yiraahdo Bordetella pertussis. Carruurta qabta xiiqdu waxay la kulmaan qufac aan kala joogsi lahayn oo xitaa ilmaha u diida inuu neefsado. Aaakhirka ilmuhu wuxuu qaataa neef-qaadsho dheer oo keenta sharqanta caanka cudurku ku yahay ee xiiqda. Inkastoo xiiq-dheertu da’ kasta ku dhici karto haddana waxaa ugu nugul carruurta ka yar halka sanno oo haddii aan la talaalin galaafan karta nolosha ilmaha yar. Cudurka xiiqdu waa mid aad u fida sidaas awgeed waa in ilmaha la talaalaa marka uu jiro labo bilood,afar bilood, lix bilood iyo aakhirka marka cunnugu gaaro 15 billood. Talaalka xiiqda waxaa la isla siiyaa oo lagu daraa kuwa teetanada iyo gawracatada. Xiiqdheerta waxaa lagu kala qaadaa neefta,dheecaan ka yimid qufac ama hindhiso qof qaba xiiqda oo gaaray ilmo kale.
- Qufac foori ah: Haddii cunnugu sameeyo qufac foori ah marka uu neefta banaanka isaga soo saarayo waxay taasi muujinaysaa in ilmuhu la il-daranyahay caabuq qaybta hoose ee neef-mareenka sida tuubooyinka sanbabka. Waxaa quafacaan keeni kara neefta ama jeermiska Viruska.
- Qufaca habeenkii: Qufaca noocan ah wuxuu sii daraadaa habeenkii, tusaale ahaan, marka cunnug qaba hargab ama durrey uu seexdo dheecaanadii sanka iyo moqorada madaxa ka imaanayay ayaa xira neef-mareenka. Inta badan qufacaani ilmaha hurdada ayuu u diidaa. Waxaa kale oo laga yaabaa in ilmaha haddii uu saacadaha danbe ee habeenkii qufaco, oo uu yeesho qandho yar iyo dhidid iyo qufaca oo soo socday in ka badan 3 asbuuc, in markaas laga fakaro in Qaaxo ama TB laga shakiyo.
- Qufac qandho wata: Ilmo la il-daran qandho ladifan iyo qufac inta badan waxaa la qiyaasaa inuu jiro hargab ama durrey u baahan nasaho iyo fuuq-celin, laakiin haddii ay jirto qandho ka saraysa 39C iyo boobsiis xagga neeft ah, waxaa farta lagu fiiqaa inuu jiro Nimooniya. Waxaa habboon in markiiba ilmaha lala gaaro goob caafimaad.
Hadaba goorma ayay habboon tahay in waalidku dhaqtarka u yeerto ama ilmaha isbitaalka gayso?
- Haddii ilmuhu neef-qabatin leeyahay oo neeftu ku dhagan tahay.
- Haddii midabka jirtka sida bushimaha, carrabka iyo wajigu isku badalo baluug.
- Haddii ilmaha ay isagu darsamaan qandho sare iyo qufac.
- Haddii ilmaha qandhan uu ka yar yahay 3 billood.
- Haddii qufaca ilmuhu yahay mid xiiq, sharqan badan leh oo foori leh.
- Haddii ay jiraan fuuqbax, tabardaro iyo oohin badan.
𝐃𝐫. 𝐂𝐚𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧
Dhakhtar Cudurrada Carruurta
dr.caasha@gmail.com
