Dhaqan ahaan reerka Soomaaliyeed – xooladhaqato, beeraley, kalluumaysato, ugaarsato, ama magaalo ku nool midkuu ahaadaba – waxaa madax u ahan jiray odayga guriga ama aabbaha qoyska. Isagaa ka arrimin jiray danta guud; wakhtiyada adagna goโaan u gaari jiray, isagoo aalaba la tashan jiray xubnaha kale ee reerka oo hooyadu ugu horreeyso iyo ilmaha wixii daโ talabixin gaaray.
Reero isu tagay oo xiriir wadanoolaasho uu ka dhaxeeyo ayaa beel danwadaag ah noqon jirtay. Beel kasta oo xooladhaqato ah waxa ay lahayd oday-dhaqameed lagu maamuso in taladiisa la qaato. Beeralayda waxay u badanayd in beelo kala duwan ay hal tuulo wada degaan, sidaas darteedna dhowr oday oo la isku raacsan yahay ay usha u hayaan, iyagaasna qof baa ka soo dhex bixi jiray oo si gaar ah xushmad loo siin jiray. Xishmaddaasi wuxuu ku heli jiray daโdiisa iyo waaya-aragnimadiisa, aqoontiisa diineed, gar-aqoontiisa ama maslaxa-jacaylkiisa.
Waxaa mar dambe loo gudbay in uu soo ifbaxo nidaam boqortooyo iyo saldano, oo inta badan ku koobnaa hal qabiil gudihiisa, laakiin ay jireen qaar qabaaโil badan ay hoos imanayeen.ย ย
Qarnigii toddobiyotobanaad iyo kii siddeediyotobanaad waxaa ummadda Soomaaliyeed dhexdeeda aad ugu faafay barashada diinta Islaamka. Waxaa dhashay dariiqooyin iyo xarumo diinta lagu barto oo ay saldhig u ahaayeen culimmo. Sheekhyadaasi waaweyn ayaa noqday kuwo isu keenay oo ay ku qanceen qabaaโil badan; taasina waxay keentay in ay ka arrimiyaan arrimaha diinta iyo kuwa bulshadaba. Hoggaamiyeyaashii beelaha waxaa markaasi ku soo biiray hoggaamiyeyaal diinta ay u dheertahay.
Inta uusan iman gumeystihii Yurub, dagaalka ugu weyn ee geeska Africa ka socday wuxuu ahaa kii isballarinta Amxaarada lagaga soo horjeeday oo Soomaalida ay qayb ka ahayd. Talyaani iyo Ingiriis sahal kuma qabsan dalka Soomaaliyeed. Waxaa lagala hor yimid dagaal ay horseed ka ahaayeen hoggaamiyayaashii diinta. Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Sheekh Xasan Barsane, Sheekh Bashiir iyo kuwo kale oo qiimo badan ayaa halgankoodi aad loo xasuustaa.
Sayid Maxamed waa tuu lahaa:
โDalka ma lihid anigaa ku iri, doora weynaha e
Daliilkii Rasuulkii anaa, doonayoo helaye
Anaa diiday maantuu lahaa, deeqan iga hooye
Diinkayga anigaan ku gadan, dabaqii naareede
Anaan labada daarood, tan hore derajo moodayneโ
Ugu dambaystii gumeeystuhu wuxuu dalka ku qabsaday xoog iyo khiyaano uu dadka Soomaaliyeed isaga soo horjeediyay dhexdooda.
Gumaysiga waxa uu noo keenay nidaam maamul dowladeed, oo meel isugu keenay Soomaali aan isku deegaan ahaan jirin, isku beelna ahayn. Waxa dhashay ama ballaartay magaalooyin leh dhaqan hor leh oo ka duwan kii miyiga. Marka laga reebo kuwii taariikhiga ahaa ee xeebaha ku yiillay, magaalooyinkaaas waxay dhismeen intii ka dambaysay soo geliddii gumeysiga, waxaana loo soo degayay si tartib tartiib ah. Taasi waxa ay keentay in dadka soo galootida ah ay mar kasta tirahaan ka yaraadaan dakii horey u deggaanaa. Xubnaha cusubi waxay ku qasbanaayeen in ay ilaaliyaan xeerka iyo dhaqanka meesha ay ugu yimaadeen. Kuxadgudbka dhaqankaasi waxaa lagu tilmaami jiray magaala-joogxumo. Saldhig boolis la iska dacweeyo, maxkamad la isa saaro iyo xabsi la isku xirayo ayuu dhaqankaasi la yimid.
Ururkii Leegada ayaa u kacay sidii reeryada gumeysiga la isaga qaadi lahaa. Dhallinyaro aan dugsiyo sare iyo jaamacad ka soo bixin ayaa aragti dheer iyo waddaniyad la yimid. Waxay muujiyeen abaabul aan horey loo arag. Riyadoodi qaybtii koowaad waxay ku rumoowday gobannimadii la soo dhacsaday iyo iskudarankii 1960. Waxaa la yiri โaan maalno hasheenni maandeeqโ.
Waxaa bilaabatay hawl hor leh: kow, dhammaystirka xoraynta gobolladii maqnaa iyo meel isugu keenidda ummadda Soomaaliyeed waxay dowladdii dhalatay u noqotay siyaasadda ugu muhiimsan; labo, latacaalidda maamulidda dadkii iyo dalkii la xoreeyay. Dadkii halganka horseedka ka ahaa ee shalay gaalada la dagaalayay ayaa bilaabay in ay u dhaqmaan sidii caddaankii ay xukunka kala wareegeen: sidooda u lebistaan, baabuurtii ku xarragoodaan, sidooda u fakaraan, kala xirmaan iyaga iyo dadweynihii ay u adeegayeen. Xukunjeclaysigii wuxuu keenay in talada dalka hal xisbi la isugu geeyo, dantii guudna la illaawo. Waxaa ka dhashay xukun militari.
Abwaaniinta oo ka tarjumaya dareenka dadweynaha waxay isbeddelkaasi ku soo dhoweeyeen heestiii miraheeda ay ka mid ahaayeen:
โTowraddatan barakaysan, tallaabadii aad qaaddeen
Tabar iyo taagba, garabkiinnaan taagannaheeโ
Labaatan-jir markii ay gaartaay, towraddaasi sidii laga filayay way noqon weyday. Jabhado ayaa ku kacay; iyagana way u midoobi waayeen qaabkii loo beddeli lahaa taliska. Waxa keliya ay heshiiska ku noqdeen waxay ahayd in Siyaad Barre xukunka xoog looga qaado. Bishii Jannaayo 26keedi 1991, ayuu taliskii militariga ahaa dhacay. Ummaddii ayaa isku jeesatay. Deriskii ayaa is cunay. Wax kala qabtana waa la waayay. Taladii dalka waxaa isku qabsaday hoggaamiyo kooxeedyo isu tanaasuli waayay kalana adkaan waayay.
Toban sano ayuu dalku kala goโnaa markii Carta la isugu tagay oo dowladnimadii dib loo yagleelay. Maantay, shan iyo labaatan sano ka dib weli dowladnimadii ma saldhigin: Somaliland arrinteeda meel lama saarin; dowladduna xukunkeeda gobollada kale ma gaarsiisna. Qoriga xabbaddiisi ma aamusin, qaraxna wuu soo kordhay. Dadka weli qaar baa colladda darteed dalka uga guuraya.
Ummadda Soomaaliyeed marba meel ayay soo mareeysay: gumeysiga ka hor, gumeysi iskakicin, dowlad-barasho, talis militari, jabhad iyo dagaal sokeeye, dad iskusoocelin iyo dibudhis dowladnimo. Xilli walba wuxuu lahaa bahi hoggaamineed. Dowladdii rayidka waxaa dilay musuqmaasuq. Dadaalkii Aadan Cadde iyo Cabdirisaaq ma noqon mid siyaasiyiintii markaa joogay qiimo u yeesha. Siyaad Barre sidii uu ku bilaabay kuma dhammaysan. Jabhadihii looma aayin. Dib marka loo eego, hoggaankii ugu fiicnaa ee dadka soo mara wuxuu ahaa kii Leegada ay gobannimada ku dhalisay. Guushii gobannimadoonka waxaa la gaarayay markii dadka iyo hoggaankooda ay isku xirmeen. Waxaa la helay hoggaan la isku raacsan yahay. Wixii xilligaa ka dambeeyay hoggaan la isku raacsan yahay ma dhalan. Ummaddda Soomaaliyeed waxa dib u riday waa qalalaase siyaasadeed iyo hoggaan sida ugu habboon u maarayn kara khilaafka oo la waayay.
Suโaasha ugu weyn ee maanta ummadda Soomaaliyeed hortaalla waxa ay tahay: ma la heli karaa dal dib u midooba oo ay maamusho dowlad caddaalad ku dhisan? In dib loo midoobo waxay ku iman kartaa oo keliya in reer Somaliland ay ku qancaan in ay ka tanaasulaan gooni-isu-taagga. Hawl sahlan ma aha. Nidaam gooni-isu-taag oo shan iyo soddon sano lagu soo dhaqmayay waa xaqiiqo aan sahal looga guuri karin. Waxay u baahan tahay wadahadal run ah, dulqaad iyo dhiraandhiris. Nidaamka dowladeed oo ay qayb ka noqon doonaan reer Somaliland, ma noqon karo mid lagu casumo in ay ku soo biiraan, waa inuu ka dhashaa wadahadal dhab oo si laab furan loo abbaarayo gorgortanka siyaasadeed ee ku xiran. Nidaamkaasi dowladeed waa inuu noqdo mid bogsiyo dhaawac jira, sugana xuquudooda iyo danahahooda, wixii lagu soo jabayna aan dib loogu noqon.
Waxaa kaloo muhiim ah in federaalka si fiican loo fahmo si xaaladda maamullada kala socda looga baxo. Waa in maamulka guud ee dalka aan lagu qabsan dowladda dhexe, iyana ayan u guryadhaafin maamulla dowlad-gobolyeedyada. Waa in si cad loo qeexo heerka wasatashi ee loo baahanyahay.
Waxaasi oo dhammi waxaa asal u ah in la helo hoggaan aragti fog oo aayaha dambe ee ummadda ka fekera iyo dowladnimo ayan qof iyo koox ku danaysanayn. Waxay u baahan tahay arrinta hoggaaminta in loo soo jeesto. Dalka hantida uu leeyahay iyo deeqda soo gashaa waynagu filan tahay haddii si fiican loo maamulo. Caddaalad ayaa dadka deeqda.
Haddii aan la helin hoggaan lagu midaysan yahay, adduunyada waan ka haraynaa, horumarna gaari mayno, cadowgana wuu naga shaqaysan. In la raadiyo oo laga miradhaliyo hoggaan midaysan waa masuuliyad wadareed dhallinyarada ay qayb ku leedahay. โWaayeel waa innagoon isyeelyeelaynโ! Konton sano ka dib sida Soomaaliya ay u ekaan doonto waa sida dhallinyaradeeda maanta ay ka yeesho. Waa in siyaasad wax toosisa ay maanta la timaaddo; inta siyaasadda gashana laga arko aragti iyo dhaqan hoggaamiyenimo oo dadweynaha u adeega, masaakiinta u naxaya, walwalkooduna uu yahay dal nabdoon oo horumarsan sidii loo heli lahaa.
๐ช๐๐๐ ๐ ๐จ๐๐๐๐ ๐ด๐๐๐๐๐๐ (๐ฉ๐๐๐๐), ๐จ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ซ๐๐๐๐๐๐๐๐๐
abdi.mohamed@dhaxalreeb.org.so

Mahad sanid waa cilmi baarid dhab ah habeen badanna aad u soo jeday.
Somalidu waa qoysas isu timid oo si ay wada nooladan ku heshiyay wax dhigan ma jirin lkn baa jirey jntaan gumeysi dalka soo galin. Marka labo gumeysi baa baxay ee labo dad oo kala duwani isuma tagin waa labo walalo ah oo isticmaar kala qaybiyay oo hashodi mali aqoon waayey.
Mudane Cabdi Axmed Baaffo aad ayaan u bogaadinayaa qoraalka aad dhalinyarada la wadaagtey. Waa xaqqiiq arintani balse hoggaan in la isku raaco waxaa ka horeysa in bulshadan calamada qabyaaladaysan la ordaysa loo sheego in qaran deeqi karo. Su’aashu waa sidee? Aniga waxaan ka fekerayaa in bulshada Allah ka cabsi lagu wacyigeliyo ayna arkaan dad ku dhaqma waxa ayaga loo sheegayo. Loo sheego muhimada dawladnimada ayada oo laga shaqeeyo bedelida habdhaqanka dhalinyarada inaanay u dhaqmin sida ay madaxda maanta u dhaqmaan iyo musuqmaasuqa la sheego ee aan la diiwaangelina markhaati loo helo oo qofka cadaalad la marsiiyo oo aan makhaayadaha iyo baraha bulshada laga sheekayn si ay kuwa kale ay Cashar ugu noqoto.
Tan midnimadu waa muhiim maanta caalamku is gaashaanbuureysi ayuu u gudbey kii aan garab laheyna dharaar cad ayaa la dubanayaa. In Soomaali kala tagto waa ba’eeda balse dad 35 sano wax soo dhisayay oo xasilooni amni haysta malagala hadli karaa midnimo adiga oo aan ka shaqeyn soo gaarista halka ay marayaan? Miyaanay ayagana saameyneyn ddhibta halkan haysata?