Qalin Xarrago: wax qor, qoraal sanna qor!

Qalin Xarrago: wax qor, qoraal sanna qor!

Soomaalida waxay weligeed ahayd bulsho oraah keliya adeegsata ilaa ay ka heshay far rasmi ah muddo hadda laga joogo nus qarni. Ummad waliba waxay leedahay suugaan, laakiin shisheeyihii Soomaalida la falgalay, laga soo bilaabo dabayaaqadii qarnigii 19aad, waxay aad u la yaabeen hodantinnimada suugaanta Soomaaliyeed iyo sida ay bulshada ugu badanyihiin dadka gabya. Suugaantaas waxaa lagu ilaalinayay oo lagu kaydinayay murtida, dhaqanka iyo taariikhda ummadda. Wax badan oo arrimahaas laga qoray waxay ku dayacmeen dagaalkii sokeeye, waxaase qaar badan laga heli karaa maktabadaha iyo madxafyada adduunka qaarkood. Waxaa kaloo jira kaydad buugaag iyo qoraallo taariikhi ah oo dad ay shakhsi ahaan u leeyihin kuna haystaan guryaha, ama ay ka geeriyoodeen oo qoysaskooda ay gacanta ugu jiraan hadda, laakiinse loo baahanyahay in laga faa’iidaysto.  Waa kaydad wax weyn ka tari kara cilmibaarisyada lagu darsayo dhibaatooyinka horumarinta dalka iyo dakiisa.

Maantay, inkasta oo aan meel qura lagu ururin, waxaa jira qoraallo buugaag u badan oo jiil cusub oo qorayaal ah ay soo bandhigeen. Waa arrin aad loogu farxo una baahan in la bogaadiyo. Waxaanse la dafiri karin in Soomaalidii dhaqan ahaan oraahda ku noolayd ay maanta heshay warbaahinta baraha bulshada oo ku qarqisay hadal iyo muqaallo is wata. Waxaa la wada qirsanyahay in taasi ay tartan adag ku furtay dhaqanka curdanka ah ee qoridda iyo akhrinta waxa la qoro.  Waxaa loo baahanyahay in la dhiirrigeliyo dhaqanka qoraalka.  Xarunta Horumarinta Hoggaaminta ee Dhaxalreeb waxay sannadka 2024 go’aansatay in ay hawlaheeda ku soo biiriso Bog/Bloog loogu magacdaray QALIN XARRAGO.

Bogga QALIN XARRAGO wuxuu qayb ka yahay dadaallada lagu korinayo dhaqanka qoraalka ee meelo kala duwan laga wado. Waa madal loogu talagalay in lagu soo bandhigo afkaarta ku saabsan arrimaha bulshada, dhaqaalaha, dhaqanka, diinta, siyaasadda, cilmiga iyo teknoolojiyada. QALIN XARRAGO wuxuu isku dhafayaa saddex ujeeddo: (i) horumarinta dhaqanka qoraalka, (ii) tayaynta habqoraalka Af Soomaaliga, iyo (iii) gudbinta nuxur qiimo u leh horumarinta bulshada. Waa madal u furan saaxibbada Xarunta Dhaxalreeb iyo guud ahaan bahda qorayaasha.

Bogga waxaa maamulaya Guddiga Tifaftirka oo ay xubno ka yihiin Miski Xaashi Isaq, Cabdiraxmaan Mustaf Cabdullaahi, Bashiir Nuur iyo Saalax Cabdiweli Baarbe. Waxaan qorayaasha adeegsanaya QALIN XARRAGO ugu baaqaynaa in ay si xarrago leh wax u qoraan. Xarrago waxaa ah in si qumman oo xirfad leh wax loo qoro, qoraal qiimo leh oo dadka iyo dalka faa’ido u leh la soo bandhigo, si asluubaysanna wax loo dhaliilo marka wax la diidayo. Dhagax meel dhow ayuu ku dhacaa dhawaqna meel dheer, waa maahmaah Soomaaliyeed oo tilmaamaysa in hadal midkiisa san iyo kiisa xunba uu aakhirka dadka gaarayo noqondoonana mid uurka uu ka soo baxay lagu qiimaynayo. Maahmaah murti xambaarsanna waxay leedahay: “doo haay, koo wal kiin tarow haay”.  

Ku soo dhowaada QALIN XARRAGO! Hawl barakaysan Allaha ka dhigo!

Agaasimaha Xarunta Dhaxalreeb

Cabdi Axmed Maxamed (Baafo)

abdi.mohamed@dhaxalreeb.org.so

4 Maarso, 2024