Caweyska dhallinyarada

π‚πšπ°πžπ²π¬π€πš 𝐝𝐑𝐚π₯π₯𝐒𝐧𝐲𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚

Hordhac

Caweys waxaa loola jeeda habeenkii fiidka hore meel lagu soo jeedo oo lagu sheekeysto laguna ciyaaro. Caweyska dhaqan ahaan waa mid muddo dheer Soomaalidu soo isticmaaleysay wuxuuna aad caan uga ahaa miyi. iyadoo xilliyada barwaaqada ee roobabku da’aan, reeruhuna soo wada naqraacaan dhallinyadu xilliyada habeenkii marka Xoolaha ay soo hooyaan isku imaan jireen iyagoo halkaas kusoo bandhigaayo ciyaar dhaqameedyo kala duwan haba lagu kala geddisnaado deegaannada Soomaalida. Dhanka kale, dhalinyada magaalooyinka iyaguna waxay la haayeen caweysyo u gaar ah oo ay isku madadaaliyaan xilliyada habeenkii.

Sannadahaan dambe dhaqankii caweyska wax weyn ayaa iska baddelay si gaar ah magaalooyinka, oo waxa soo kordhay noocyo cusub oo madaddaalo ah kana duwan kuwii hore. Waxaa xitaa isbeddelay goobahii loo caweys tagi jiray oo u badnaa hoteellada iyo goobaha laga daawado riwaayadaha iyo aflaanta. Hadda waxa soo kordhay goobo madaddaalo kaliya loogu talagalay in ay dhallinyaradu waqti ku qaataan xilliyada habeenkii kuna caweeyaan, iyada oo ay ganacsato badan u tahay fursad ay lacag ku sameeyaan. Goobahaan inta badan waxay aad ugu badan yihiin magaalooyinka waa weyn ee ay Soomaalidu degto, iyadoo haddii aad habeenkii dhexqaaddo wadooyinka magaalooyinka ay indhahaagu qabanayaan dhallinyo raxaraxan u fadhiyo kuna mashquushan ciyaarista noocyada kala duwaan ee ciyaaraha.

Maqaalkaan waxaa ugu hadli doonnaa Caweyska dhallinyarada, iyadoo laga fiirinaayo qaabka dhalinyadu u caweyaan miyiga iyo magaallada, goobaha loo caweys tago iyo isbeddellada ku yimid iyo muhiimadda uu caweysku u leeyahay dhallinyada.

Caweyska dhallinyarada

Dhallinyarada ku nool magaallooyinka maalintii waxay ku howlan yihiin shaqooyin iyo waxbarasho, halka kuwa miyiga ay ku mashquulsan yihiin Xoolo raacasho iyo tacabka beeraha. Xilliga habeenkii dhallinyadu waxay waqti uu helaan in ay aadaan goobaha lagu caweeyo, iyagoo u tagaya nasiino, hawabedelasho, kala warqaadasho iyo isbarasho dhexdooda ah.

Dhallinyarada habeenkii magaalada u soo caweys taga, waxay inta badan aad u falanqeeyaan arrimaha siyaasadda Soomaaliya. Haddii aad tagto goobaha lagu caweeyo waxaad arkaysaa dhallinyaro iska waraysanaysa xaaladaha kala duwan ee ka taagan guud ahaan siyaasadda Soomaaliya. Taasoo muujinaysa sida ay u xiiseynayaan ka qaybgalka siyaasadda dalka. Waxa kale oo ay dhallinyaradu waqtigooda ku qataan ciyaarista Turubka, Laadhuuga, Jeeska iyo Dubladda, PlayStation, Buul ama Bilyaardi iyo daawashada ciyaaraha kubadda cagta, gaar ahaan waxa ay daawadaan horyaallada qaaradda Yurub, sida horyaalka Ingiriiska. Intaas waxa dheer, in dhallinyaradu ay aadan goobaha Qaaciga lagu tumo oo dhallintu habeenkii kusoo jeeddo, kuwaas oo heesaha laga qaado ay yihiin heeso horay looqaaday. Qaar kale waxay hawo neecow qabow u doontaan Xeebaha.

Miyiga oo ah dhulka ka fog magaalada inta badan dhallinyarada ku nool cawayskoodu waxa uu ku salaysanyahay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka habeenkii lagu soo jeedo, iyadoo lagu soo bandhigaa ciyaaro dhaqameeyo kala duwan. Goobaha ay isugu yimaadan dhallinyadu waxay ku soo bandhigaan tartanno kala duwan, sida orod, Ool, Lagdin, Bootin iyo kuwa kale. Miyiga xilliyada habeenkii waxaa la dhigaa aroosyo, halkaas oo ay dhallinyaro badani u caways tagaan. Iyagoo kusoo bandhiga aroosyadaas heeso, gabayo iyo ciyaaro dhaqameedyo kala duwan, ciyaarahaas waxa ka mid ah: Dhaanto, Saar, Waalo, Wilisiqo iyo kuwa kale.

Waagii hore dhallinyaradu ma xiisayn jirin arrimaha siyaasadda, iyagoo caweyskoodu u badnaa in ay u daawasho tagaan goobaha lagu daawado riyaayadaha. aflaanta iyo bandhigyada heesaha hirgalay. Horumarka Tiknoolojiyadeed awgeed waxaa meesha ka baxay goobihii riwaayadaha iyo aflaanta laga daawan jiray, iyadoo ay beddeleen taleefannada casriga oo laga daawan karo wax walba iyo baraha bulshada. Hasayeeshe waxa weli jira goobo laga daawado ciyaaraha kubadda cagta, iyadoo ay dhalliyaro badani halkaas waqti ku qaataan, kuna caweeyaan.

Goobaha caweyska loo aado

Dhalinyadu waxay u baahan yihiin goobo ay u caweys tagaan, goobahaas oo leh adeegyo kala duwan. Marka la eego miyiga iyo magaalada waa ay ku kala duwanyihiin meelaha ay dhalintu ku kulanto. Dhalinyarada miyiga waxay inta badan ku kulmaaan meelaha aroosyada lagu dhigo iyo goobaha lagu soo bandhigo ciyaar dhaqameedyada. Halka goobaha la isugu yimaado magaalooyinka ay ka duwan yihiin kana ballaaran yihiin kuwa miyiga. Goobaha magaalooyinka lagu caweeyo waxaa ka mid ah: Xeebaha, maqaaxiyaha, darjiimada, masraxyada, shaneemooyinka, hoteellada, iyo goobo madadaallada u gaar ah, oo hadda aad ugu soo batay magaalooyinka, waana meelaha ugu badan oo ay xilligaan dhalinyaradu u caweys tagaan. Caweyska dhallinyada ku nool miyiga waxaa jaangooya xilliga lagu jiro iyagoo inta badan caweyskoodu u badan yahay xilliyada barwaaqada madaama xilliyada abaaraha ay latacaalan in ay Xoolaha u raadiyaan baad iyo biyo.

Goobahaas aan kor ku xusnay waxaa ku diyaarsan oo laga heli karaa adeegyo kala duwan looguna talagalay in lagu madadaalo waxaana ka mid qalabyo kala duwan oo lagu ciyaaro, sida Jeeska, Dubladda, PlayStation-ka iyo Buulka. Dhanka kale waxaa laga heli karaa noocyada cuntooyinka kala duwan oo iskugu jira kuwo fudud, kuwo culus iyo cabitaanno kala nooc ah. Haddaba qaababka ay goobahaan u bixiyaan adeegyada waa mid kala duwan: qaarkood waxa ay sameeyaan in adeegga maddaalada lacag ay dadka qaadaan oo tusaale marka aad rabto inaad dheesho turub ama landhuu waxa ay kaa qaadayaan 2- 3 doolar halkii saac, inkastoo qaarkood waqti aynan kuu qabaneeynin, halka qaar kalana aysan adeegyada wax lacag ah saaran oo ay ka dhigtaan nooc soo jiidasho macaamiil si raashinka, shaaxa iyo cabitaannada ugu gadmaan.

Muhiimadda caweyska

Caweysku waxa uu leeyahay muhiimaddo badan waxana ka mid ah: [1] Isbarasho iyo dhexgalka dhallinyarada; caweyska xilliyada habeenkii waxaa ku kulma dhallinyada kuwooda shaqeeya, kuwa aanan shaqayn iyo kuwa wali waxbarashada ku jira, halkaas oo ay isku bartaan iskuna weydaarsadaan xogo kala duwan oo la xariira shaqada, waxbarashada iyo si guud khibradahooda la xiriira nolosha iyo waayaha kala duwan. [2] Hawabeddelasho iyo nasiino; dhallinyada kuwooda shaqeeya ama waxbarta waxa ay u tahay meel ay ku nastaan, nafisaan ugana hawabaddeshaan daalkii iyo hawlihii maalin laha ahaa oo ay soo qabteen. [3] Kala warqaadasho; goobaha lagu caweeyo waxay sidoo kale madal ay ku kulmaan u yihiin dhallinyada saaxibada ah, aqoonta durugsanna isku leh iyagoo ku sheekeeysta, iskana wareeysta waxyaabaha qof walba kusoo kordhay, waxay wada qabsan karaan iyo xaaladaha asxaabtooda iyo ehelladooda.

Gabagabo

Caweyska waxa uu dhallinyarada u fududeeyaa in guryahooda kasoo baxaan, si ay waqti ugu qaatan meelo ka baxsan guryahooda, ayna uga nastaan shaqada iyo waxbarashada. Iyadoo ay ku caweeyaan ciyaaro iyo madadaallo kala duwan miyi iyo magaalaba. Dhallinyadu waxay u caweys tagaan goobaha sida maqaaxiyaha, hoteellada, aroosyada iyo goobaha qaaciga lagu tumo halkaas oo ay sidoo kale ku diyaarsanyihiin qalabyada kala duwan ee lagu ciyaaro, cuntooyin iyo cabitaanno kala nooc ah. Caweysku wuxuu leeyahay muhiimad gaar ah, kaasoo dhallinta u saamaxayo in ay helaan fursad ay ku nastaan, arrimo kala duwanna ay uga faa’ideystaan. Inkastoo caweyska dhalliyaradu yahay mid ka tarjumayo nabadda iyo isdhexgalka dhallinyarada, haddana waxaa lagamamaarmaan ah, in dhallintu ay iska ilaaliyaan waxyaabaha dhaqanka ka baxsan, sida in ay u caweys tagaan goobaha qaar oo maandooriye lagu isticmaalo. Sidoo kale in ay hablaha iyo wiilashu hal goob ay ku wada ciyaaraan, iyagoo aan ilaalin diinta dhaqankeenna suuban.

 

  1. Bashiir Nuur Cabdulle
  2. Cabdiraxmaan Mustaf Cabdullaahi
  3. Faadumo Shariif Isaaq
  4. Liibaan Xasan Cali
  5. Saalax Cabdiwali Baarbe

 

qalin.xarrago@dhaxalreeb.org.so