Burburka Qoyska

Hordhac

Qoys waxaan ku qeexi karnaa labo qof oo is qaba (seey iyo xaas), caruurtooda iyo dad qaraabo ah oo hal meel ku wada nool. Qoyska waa udub dhexaadka bulshada, qof kastana riyooyinkiisa waxaa kamid ah inuu qoys sameysto. Qoysku wuxuu door wayn ku leeyahay koriinshaha iyo barbaarinta caruurta.

Burburka qoyska waa kala taga labada qof ee isqaba, waana dhibaato aan laga fiirsan saameynteeda. Marka la eego qoysaska Soomaaliyeed waxaa waayihii ugu dambeeyay kusoo batay burburka qoyska, taasoo dhibaato ku ah mustaqbalka caruurta.

Qormadan kooban waxaan si guud uga hadli doonaa sababaha burburka qoyska iyo sida ugu wanaagsan ee lagu xalin karo.

Sababaha Burburka Qoyska

  • Faham yarida xuquuqda dhexdooda ah: Haddii aan fiirinno diinteenna Islaamka labada qof ee isku dhaxa, mid waliba waxay siisay xuquuq u gooni ah, tusaale ninka waxa uu xaq u leeyahay maamulka reerka, in xaaskiisu adeecdo iyo inaysan guriga ka bixin ilaa ay idin waydiisato. Halka xaasku xaq u leedahay leedahay  in ninku sifiican ula dhaqmo, inuu bixiyo nafaqadeeda IWM. Intaas waa tusaale balse waxaa jiro xuquuqo badan oo labadooda ay leeyihiin, diinteennuna si fiican ayey uga hadashay. Hadaba haddii ay garan waayaan qof walba xaqiisa waxaa ka dhasha khilaaf kaasoo ugu dambeyn qoysaska burburiya.
  • Kalsooni la’aanta: Kalsooni la’aanta waxay kamid tahay waxyaabaha qoyska burburiya, haddii labada qof ee is qaba uu jiro shaki dhexdooda ah iyo is aaminid la’aan waxaa ka dhalanaayo is maqal la’aan ku saleysan in qofba qofka kale hadalkiisa uu la noqdo mid been sheegayo. Dhanka kale waxaa dhacda xitaa in laga faa’ideysto dhexdooda, layskuna diro halkaasna uu qoysku ku burburo.
  • Duruufo dhaqaale: waqtiga hadda la joogo duruufaha dhaqaalaha waa mid ka mid ah arrimaha ugu waaweyn ee keena qoys burburka, madaama dhaqaalahu yahay midka lagu daboolo cunnada guriga, marashada xubnaha qoyska, caafimaadka, kirada guryaha iwm, haddii meesha uu ka baxo dhaqaaluhu waxaa ka dhasha kala tag.
  • Masayrka: masayrku wuxuu ku imaan karaa labo nooc; mid waa in gabadha xaaska ahi ninkeeda ku aragto isagoo la haasaawayo hablo kale, taasna ay dhaliso khilaaf lamaanaha dhexdooda ah, ilaa ay gaarto in qoysku burburo, halka midda ugu badan ee reerku ku burburo ay tahay marka ninka oo leh xaas, damco inuu guursado xaas labaad, waxayna taasi dhalisaa in xaaskii koowaad masayrto halkaasna qoysku ku burburo.

Saamaynta Burburka Qoyska

  • Niyad jab ku yimaada caruurta: Caruurta marka ay arkaan waalidkooda oo is furaya waxa ku dhaca mooraal xumo, qaarkood waxaa yaraada farxadooda, halka qaar kala ay biddo ciil iyo calool xumo taaso ugu dambeyn saameysa noolashooda si guud.
  • Dayacaadda ilmaha: marka ay kala tagaan labada qof oo isqaba waxaa ka dhasha in ilmaha masuuliyaddooda la isku dhiib dhiibo oo ilmihii la kulmaan daryeel la’aan, koriinsho xumo, caafimaad darro, waxbarasho la’aan iyo iwm.
  • Culeys soo kora hooyada: Inta badan labada qof ee isqaba marka ay kala tagaan waxaa caruurta looga tagaa hooyada, waxaana dhacda hooyooyinka qaar in aynan wax garab ah ka helin caruurta aabahood, taasoo hooyooyinka ku keenta walwal joogta ah oo la xariira koriinshaha caruurta.

siyaabaha lagu xalin karo burburka Qoyska

  • In si hoose loo wada hadlo: Haddii labada qof ay wax isku qabtaan, waa in khilaafkooda ay dhexdooda xalistaan, iyagoo wada hadlayo waqtiga ugu munaasabsan, kana fogaadaan in khilaafkoodu banaanka yimaado.
  • Isku tanaasul: Labada qof waa in ay isku tanaasulaan haddii meelaha qaar ay isku khilaafaan, iyagoo eegaaya deganaanta qoyskooda iyo danta ubadkooda. Isku tanaasulka waxa uu ka mid yahay tiirarka lagu xallin karo khilaafkasta oo soo kala dhexgala lammaanaha.
  • Latashiga labada qoys: Haddii lammaanuhu dhexdooda xallin waayaan khilaafkooda, waxaa habboon in ay la wadaagaan walidkooda madaama laga yaabo khibradda waalidka ee la xariirta khilaafka qoyska in ay ka caawiso xalinta khilaafkooda.
  • Furriinka oo laga baaqsado: Furriinka Alle ayaa jideeyay, waxaana loo arkay xal haddii labada qof ay wada noolan waayaan lagu kala saari karo. Haddaba  mid ka mid ah labada qof haddii uu u arko in uusan lasii noolaan karin qofka kale, waa in uusan go’aan kaligiis iska gaarin, lana wadaago qofka kale dhibka uu tabanayo, taaso keeni karta in xal laga gaaro tabashadiisa.

Gabagabo

Burburka qoyska waa soo afmeeridda wada noolaanshaha lammaanaha, sababo la xariira in ay jirto aqoon yari dhanka diinta ah ee xuquuqda lammaanaha, is aaminaad la’aan, duruuf dhaqaale iyo hinaaso ka yimaada ninka oo xaaskiisu ku aragto isagoo shukaansanayo gabdho kale ama in uu guursado xaas kale. Burburka qoyska waxaa ka dhasha dayacaad ku timaada ubadka, culeys soo kora hooyooyinka lagu furo caruurta iyo in saameyn maskaxeed uu ku yeesho caruurta.

Si looga baaqsado burburka qoyska waxaa muhiim ah haddii ninka iyo xaaskiisa ay is khilaafaan in arimahooda si hoose u xalistaan, isku tanaasulaan, in ay waalidiintooda la tashtaan haddii ay khilaafkooda xalin waayaan iyo in aynan furriinka ku fududaan oo haddii labada qof mid ka mid ah dhib tirsado la wadaago qofka kale, taasoo dhalin karta in si wada jir ah u xaliyaan arinkooda.

***************************************

Maxamed Suleymaan Cabdi

Kaaliye Cilmibaare Xarunta Dhaxalreeb