Akhriska iyo muhiimaddiisa

Hordhac

Soomaalida marka la dhaho akhrisku, wuxuu ka mid yahay waxyaabaha aysan ku fiicnayn, inkasta oo marba marka ka danbaysa dadku ay soo fahmayaan. Haddana wali maqaamka akhrisku ka joogo bulshada Soomaaliyeed maaha middii loo baahnaa. Sidaa darteed maqaalkan waxaan wax kaga tilmaamaynaa akhriska, annaga oo ka fiirinayna dhinacyo badan sida taariikhda akhriska, muhiimaddiisa iyo qaabka ugu habboon ee wax loo akhriyo.

Taariikhda Akhriska

Akhrisku waa hab iyo nidaam dadku ay ku hantiyaan xogo badan. Sida dhaguhu ay u maqlaan dhacdooyin aysan goobjoog u ahayn, ayaa indhuhuna u akhriyaan qoraallo laga sameeyay dhacdooyin aysan la kulmin isku wakhtina ahayn. Akhrisku waa kicinta, ku dhawaaqidda ereyo ama xarfo meel ku qoran, kuwaas oo ku siinaya xogo kala duwan, ujeedkuna yahay inaad qoraalka fahantid, si aad u falanqaysid, u naqdisid,  uguna darsatid aragtidaada.

Taariikh ahaan  akhriska waxaan u soo qaadan karnaa in aayaddii ugu horraysay ee Alle Nabi Maxamed (N.N.K.H) ku soo dajiyo ay ku billaabanaysay erayga “Iqra” oo la macno ah “Akhri”. Taas oo inoo muujinaysa muhiimadda akhriska, maaddaama oo Alle (SWT) ku billaabay Qur’aanka. Erayga “Reading” oo ah kalmad ingiriisi ah ayaa la isticmaalay qarnigii lixaad ee tirsiga Miilaadiga, sida aan kasoo xiganay buugga Caalamka Akhriska. Akhrisku wuxuu soo bilowday waqti aad u fog, iyadoo uu soo maray marxalado kala duwan oo ay jireen xiliyo dhagxaanta iyo looxaanta wax laga akhrin jiray. Maantana waxaa lagaaray heer aad wax ka akhrisan karto Kumbuurtarkaaga iyo taleefankaaga gacanta.

Muhiimadda Akhriska

Akhrisku wuxuu kobciyaa maskaxda qofka wuxuuna siiyaa aqoon dheeraad ah iyo duruus nololeed oo uu ku wajihi karo waayihiisa, isagoo ka caawinaya akhristaha inuu xog ka helo adduunka ku xeeran, si uu wax ula qaybsado, uga feejignaado, ugana daydo waxyaabaha wanaagsan. Kobcinta maskaxdu waxay qofka siinaysaa firfircooni iyo habfikirkiisa oo ballaarta, taasoo sababaysa sare uqaadayso awooddihiisa hal-abuurnimo, kaana dhigaysa qof waxsoosaarkiisu fiican yahay.

Wax akhrisku wuxuu horumariyaa ereyada qofka, mar walba oo aad wax akhrisid waxaa kuu kordhaya ereyo farabadan oo aadan horay u aqoon. Sidoo kale wuxuu kugu abuurayaa xiiso qoraal. Qofka wax badan akhriya, waxaa ku dhalanaya inuu qoraal u rogo aragtiyihiisa, si uu isaguna wax ugu darsado fikradaha uu wax ka akhriyay. Taasoo keenaysa in ay ka soo burqadaan qoraallo badan oo dadku ka faa’iidaan karaan.

Akhrisku wuxuu sare uqaadaa xirfadaha isgaarsiineed ee akhristaha, wuxuuna baraa luqadda uu hadba wax ku akhriyo oo uu ku xeeldheeraado, qaabqoraalkiisa, astaamayntiisa iyo ku hadalkiisa oo noqda mid xog badan gudbini kara.

Akhrisku wuxuu yareeya walwalka haddii aad wax badan akhrisid waxaa kaa yaraanaya walwalka maskaxeed ee ku haystay, sababtoo ah waxaa laga yaabaa inaad xalkaaga ka dhex heshid dhiganayaasha aad daalacatay.

Qaabka ugu habboon ee akhriska

Akhrisku wuxuu u baahan yahay inaad u diyaarsan tahay oo aad goob, goor iyo mawduuc ahaanba taqaanid, si uu xiiso kuugu yeesho. Haddaba qaybtan waxaan kaga hadlaynaa sida ugu habboon ee akhristuhu akhriskiisa uga dhigi karo mid miro dhala.

Mowduuca aad akhrinaysid haddii uu noqdo mid aadan ku salayn xulasho, waxay caqabad ku noqon kartaa akhriskaaga. Xulashadu waxay kaa caawinaysaa inuu akhriskaagu noqdo mid xiisad leh, aadna mar walba ku dareemin caajis. Sidaa darteed akhri oo dooro mawduuc aad xiisaysid. Kaddib dhiganaha inta aadan akhris ku bilaabin si guud indhaha u mari. Marka aad indhaha marisid waxaad ogaanaysaa guud ahaan dhiganuhu wuxuu ka hadlayo, lagana yaabee inaad ka sii heshid ciwaan si gaar ah aad u xiisaynaysid oo kaaga filnaado akhrinta dhiganahaas.

Caadada akhriska marka aad ka mid yeelayso dhaqamadaada waa inaad wakhti go’an u yeeshaa si aadan u nicin ama aad uga caajisin akhriskaaga. Waxana hubaal ah in akhrisku yahay caadooyinka ugu adag ee dadku yeeshaan, sidaa darteed muddo badan ku bixi la qabsigiisa.

Xilliga aad wax akhrinaysid dooro goob ku habboon oo aan buuq lahayn, goobta aad wax ku akhrinaysid waxay ka qayb qaadataa hagaajinta qaab akhriskaaga. Iska fogee aaladaha wax mashquuliya oo iska xir si aysan kaaga dhexgelin akhriskaaga.

Si akhriskaagu u noqdo mid miro dhala oo aad wax uga faa’iidid, qaado qalin iyo buug oo ku qoro fikradaha kusoo jiita adiga oo soo koobanaya, si aad beri ka maalin mar kale u daalacan kartid.

Gabagabo

Guud ahaan akhriska waxaa lagu tilmaami karaa quudinta maanka iyo ogaanshaha xogaha nafeed, bulsheed ama caalam, wuxuuna kugu hagayaa nolol ogaal iyo wacyi badan u saaxiib ah. Ugu danbaynna waxaan ku soo gabagabaynaynaa, si kasta oo bulshadeenu ugu yar tahay wax akhriska, adigu ka duwanow oo la saaxiib dhiganayaasha, si aad uga mid noqotid indheergaradka iyo waaya-aragga bulshada.

 

  1. Ayman Cabdi Socdaal
  2. Cali Cabdikariin Cawed
  3. Maxamed Axmed Cali
  4. Maxamed Sulaymaan Cabdi

 

qalin.xarrago@dhaxalreeb.org.so