MAGAC QOYS (SURNAME)

Hordhac

​Magaca gaar ah, sidiisaba, waa astaan lagu aqoonsado qof, dal, iwm, oo looga sooco dadka iyo dalalka kale. Waxaan tusaale u soo qaadan karnaa magacyada juquraafiyeed ee gaarka ah sida: Muqdisho, Hargeysa, Kenya, London, iyo kuwa kale. Sidaas oo ay tahay, waxaa dhici karta in tiro kooban oo magacyo gaar ah ay iskumid noqdaan ama isu dhawaadaan, laakiin magacyada Soomaaliyeed ee gaarka ah, intooda badani, aad ayay isugu ekaan karaan gudaha dalka. Tusaale ahaan, haddii aad cid weydiiso, “Yaa yaqaan Maxamed Cabdullahi?” Waxaa markiiba lagu weydiinayaa “Maxamed Cabdullahigee?” Si loo garto, waxaa khasab ah in la sheego naaneystiisa ama qoyska iyo cidda uu ka dhashay.

 

Adduunka waxaa ka jira qaab dhigaallo lagu garto cid walba iyo dal walba, kuwaasi oo loo yaqaanno “Surname” ama “اسم العائلة” (Magaca Qoyska). Cilladda magac qoys la’aanta waxaa si weyn u dareema Soomaalida u hayaantay qurbaha, maadaama ay la falgaleen bulshooyin ka duwan xagga dhaqanka iyo nidaamka magacyada. Haddaba, baahi ma loo qabaa in la sameeyo magac qoyseed?  Waxay Soomaalidu tiraahdaa: “Nin aan naaneys laheyn waa ri’ aan geeso laheyn.” Naaneysyada faraha badan ee ay Soomaalidu leedahay, kuwaas oo qaarkood kakan yihiin, saw astaan uma ahan baahida weyn ee loo qabo magac qoys? Naaneysyada Soomaalidu waxay badanaa tilmaamaan astaan jireed ama dabeecad uu qofka leeyahay, sida: Iley, Gacamey, Afqallooc, Madaxey, Laangare, Jinnoole, Shiino, iwm.

Sidee ku Suurtagali Kartaa In La Sameeyo Magac Qoys?

​Maadaama dhaqanka Soomaaliyeed uu leeyahay abtirsiimo qabaa’il, magacyo reereed, iyo naaneysyo aan qaarkood xumayn, maxaa inoo diiday in aan sameysanno “Magac qoyseed” rasmi ah?

​Si arrintan ay u suurtagasho, Prof. Cabdalla Cumar Mansuur wuxuu soo jeediyay talooyinkan soo socda:

Adeegsiga Magaca Abka ama Reerka: In magaca qoyska loo adeegsado magac reer ama magac ab (oo aan adeegsigiisu badneyn). Sida dadka qaar ay caan ku noqdeen magaca aabbaha ama awoowga oo ah magac aan aad loola bixin, tusaale: Maxamed Siyaad Barre (Barre), Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal (Cigaal), Cabdalla Cumar Mansuur (Mansuur).

Habaynta Sadexda Magac: Si ubadka iyo aabahood loogu maleeynin walaalo, waxaa habboon in la qaato nidaamka: Qofka magaciisa + Magaca aabbaha + Magaca qoyska.

Ka Tagista Magac Sharafeedyada: In aan dukumentiyada rasmiga ah lagu qorin magac sharafeedyada horay u galo magaca sida: Macallin, Sheekh, Xaaji, iwm.

Xal u Helista Magacyada Lammaanan:

Magacyada lammaanan sida Maxamed-Deeq, Caasho-Kiin, Maxamed-Nuur, Cali-Nuur, Sayyid-Cumar, iwm, waa in magaca rasmiga ah uun la qaato marka dukumentiyada lagu qoraayo, ama la dhex dhigo xarrijin (-) si aan loogu khaldin magaca labaad ee aabbaha.

Afarta Qaab ee loo Sameeyo Magac Qoyseedka

​Sida uu soo jeediyay Prof. Mansuur, waxaa jira afar qaab oo fududayn kara in la helo magac qoys rasmi ah:

​1. Magaca Isirka (Abtirsiinta): Waxaan u sii kala qaadi karnaa laba qaybood:

​B. Magac Abka: Sida Yaasiin Cismaan Keenadiid (Yaasiin Cismaan Yuusuf Keenadiid),

​T. Magaca Reerka (Beeleed): Sida Sh. Cabdullahi Yuusuf Qudubi, Sh. Cabdiraxman Cumar Celi, ama Sh. Xasan Barsane.

​2. Magac Deegaanka: In qofka loogu magacdaro deegaankiisa ama meesha uu kasoo jeedo, sida: Maxamed Cusmaan Jawaari (Magaalo) ama Faarax Maxamed Gololey (Deegaan/Tuulo),

​3. Magac Sifada Qofka: In la qaato naaneys tilmaan fiican leh oo qofka lagu yaqaan, sida: Aadan Cabdulle Cismaan (Cadde) ama Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi),

​4. Magaca Xirfadda: In magac qoyska laga dhigo shaqada ama xirfadda qoyska lagu yaqaan, sida: Cabdiraxmaan Nuur Garaash, Xasan Biyoole, Rootile, Barafle, ama Cabdi Fuundi.

 

Faa’iidada Magac Qoyseedka

Yareynta Isku-ekaanshiyaha: Waxaa meesha ka baxaya ama yaraanaya magacyada badan ee isku midka ah, kuwaasoo mararka qaar jahwareerka keena.

Soo Koobista Magaca: Waxaa meesha ka baxaya baahida loo qabo magacyada afarnaa ama in hooyada magaceeda la raadiyo si qofka loo aqoonsado.

Adeegsi Toosan oo Isirka ah: Waxaa caadi noqonaya adeegsiga magacyada isirka ama qabiilka oo loo adeegsanayo is-barasho iyo nidaam, sida uu Alle Qur’aanka ku sheegay: “وجعلناكم شعوبا وقبائل لتعارفوا” (Waxaan idinkaga dhignay dadyow iyo qabiilooyin si aad isu aqoonsataan).

 

Haddaba, akhriste, ma leedahay magac-qoyseed ku saleysan afarta arrin ee aan soo xusnay ee kala ah: Mid deegaan (sida Prof. Jawaari), Mid qabiil/isir (sida Sheekh Cabdiraxmaan Celi), Mid sifo qofeed (sida Aadan Cadde), iyo Mid xirfad (sida Cali Askari)?

 

 

Tixraac:

Habdhigaalka Af-Soomaaliga Guud ee Prof. Cabdalla Cumar Mansuur

 

W/Q: Ismaacil Iidle

2016 – 2020

Ministry of Culture Strategic Plan 2016 – 2020

2018-2020

Federal government of Somalia ministry of education, culture and higher education education sector strategic plan

2017 – 2019

National development plan

Somali Federal Constitution

120913 Somali Federal Constitution (Final Somali version)

Somali-English Dictionary

Afmaal Somali-English Dictionary

Africa’s First Democrats Somalia’s

Africa’s First Democrats Somalia’s Aden A. Osman and Abdirazak H. Hussen by Abdi Ismail Samatar

2004

Axdiga-ku-Meelgaarka-ah-ee-Soomaaliya-2004

Barashada Naxwaha Af Soomaaliga.

Barashada Naxwaha Af Soomaaliga. A Somali School Grammar. Furaha Layliyada Barashada Naxwaha Af Soomaaliga. Answers to Exercises in a Somali School Grammar by Abdalla Omar Mansur, Annarita Puglielli

1991

Clan Cleansing in Somalia The Ruinous Legacy of 1991 by Lidwien Kapteijns

Critical Realism

Critical Realism, Somalia and the Diaspora Community by Abdullahi Haji-Abdi

1979

Dastuurka-Jamhuuriyadda-Dimuqraadiga-Soomaaliya-1979

1990

Dastuurka-Jamhuuriyadda-Dimuqraadiga-Soomaaliya-1990

1960

Dastuurka-Jamhuuriyadda-Soomaaliya-1960

Ererybixinta Af-Soomaaliga

Diiwaanka Ererybixinta Af-Soomaaliga (Ereybixinta Cilmiga) by Cabdalla Cumar Mansuur

Diiwaanka Ererybixinta Af-Soomaaliga

Diiwaanka Ererybixinta Af-Soomaaliga (Ereybixinta Farsamada Culuunta) by Cabdalla Cumar Mansuur

Ereybixinta Maamulka Afka

Diiwaanka Ererybixinta Af-Soomaaliga (Ereybixinta Maamulka Afka) by Cabdalla Cumar Mansuur

Geeddiga wadaay

Geeddiga wadaay by Cabdi Muxumud Aammin

Historical Dictionary of Somalia

Historical Dictionary of Somalia (African Historical Dictionaries Historical Dictionaries of Africa) by Mohamed Haji Mukhtar

Naxwaha Cusub ee Afsoomaaliga

Naxwaha Cusub ee Afsoomaaliga. Buugga 1d by Maxamed Xaaji Xuseen Raabbi

Oral Poetry and Somali Nationalism

Oral Poetry and Somali Nationalism The Case of Sayid Mahammad Abdille Hasan (African Studies) by Said S. Samatar

Qaamuuska Af-Soomaaliga

Qaamuuska Af-Soomaaliga by Puglielli Annarita, Mansuur Cabdalla Cumar

Somali Nationalism International Politics

Somali Nationalism International Politics and the Drive for Unity in the Horn of Africa by Saadia Touval

Somalia - The Untold Story

Somalia – The Untold Story The War Through the Eyes of Somali Women by Judith Gardner, Judy El Bushra

Somalia A Government at War

Somalia A Government at War with its own People by Africa Watch

2006

Somalia in Transition since 2006 by Shaul Shay

Somalia Operations Lessons

Somalia Operations Lessons Learned by Kenneth Allard

Somalia. A Nation Driven to Despair

Somalia. A Nation Driven to Despair. A Case of Leadership Failure by Mohamed Osman Omar

Somalia. Past and Present

Somalia. Past and Present by Mohamed Osman Omar

The Colonial Legacy in Somalia Rome

The Colonial Legacy in Somalia Rome and Mogadishu from Colonial Administration to Operation Restore Hope by Paolo Tripodi (auth.)

The Geology of Somalia

The Geology of Somalia – Defense Technical Information Center

The Road to Zero

The Road to Zero. Somalia’s Self-Destruction by Mohamed Osman Omar

The Roots of Somali

The Roots of Somali Political Culture by M. J. Fox

The Travels of Ibn Battuta

The Travels of Ibn Battuta in the Near East, Asia and Africa, 1325–1354 by Ibn Battuta, Samuel Lee

2020-2024

NDP-9-2020-2024