Doorka Ay Warbaahinta Ku Leedahay Isbeddelka Dhaqanka Ee Bulshada.

Warbaahintu waa mid ka mid ah awoodaha ugu saameynta badan ee dunida casriga ah. Waxayna door muuqda ku leedahay qaab-dhismeedka fikirka iyo dhaqanka bulshada, iyada oo beddesha sida dadka u arkaan dunida, noloshooda iyo xiriirkooda bulshada. Doorka ay warbaahintu ku leedahay isbeddelka dhaqanka waa mid aan la iska indho tiri karin oo ballaaran, waana sababta ay bulshooyinka badankoodu u aaminsanyihiin in warbaahintu tahay “quwadda afraad ee dalka”.

W/Q Sahra Axmed

Warbaahintu waxay bulshada gaarsiisaa fikrado cusub iyo aragtiyo ka kala yimaada meelo kala duwan oo caalamka ah. Marka dadku helaan fursado ay kula socdaan barnaamijyada TV-yada, filimaan, iyo baraha bulshada waxay bartaan dhaqamada kale ee ka jira caalamka, taasoo horseeddi karta in ay dib u eegaan dhaqankooda iyo caadooyinkooda. Tusaale ahaan, habka labiska, cuntada, iyo xitaa hab-dhaqanka bulshada ayaa isbeddela iyadoo ay sabab u yihiinxogaha iyo fikradaha ay ka helaan warbaahinta.

Dhanka kale, filimada Hollywood iyo Bollywood yaa door muuqda ku leh qaabka isbeddelka dhaqanka ee jiilka koraya. Filimadaas waxay bulshada u gudbiyaan nolol iyo qiyam ku dhisan habdhaqan shisheeye sida jacaylka xad-dhaafka ah, xorriyadda shakhsi ahaaneed, iyo nolosha raaxada ku dhisan. Dhalinyaranimada oo ah xilli la jecelyahay ku dayashada iyo tijaabooyinka cusub, ayaana sababta in ay si fudud u qaataan fikradahaas, taasoo sababta in dhaqankii asaliga ahaa uu yaraado.

Si la mid ah baraha bulshada gaar ahaan TikTok ayaa ah awood si degdeg ah u beddesha dhaqanka iyo anshaxa bulshooyinka. Inkasta oo ay tahay madal madadaalo hadana  waa meel ay dhalinyaradu si toos ah uga qaataan dhaqammo cusub, iyadoo hal muuqaal uu sababi karo inuu saameeyo labiska, hadalka, iyo fikirka jiilka koraya, taas oo dhalinyarada u horseedda ku dayasho aan kala fiirsi lahayn. Sidaas awgeed, baraha bulshada waa goob isbeddel dhaqameed oo aan lahayn xakame iyo jihayn toona.

Sidoo kale, warbaahinta waxay door weyn ka qaadataa kor u qaadidda wacyiga bulshada. Fariimaha ku saabsan caafimaadka, waxbarashada, xuquuqda haweenka, iyo ilaalinta deegaanka ayaa bulshada ka caawiya inay helaan faham cusub oo nolosha ku saabsan. Markii warbaahintu si joogto ah u gudbiso fariimo wanaagsan, bulshada waxaa ku dhaca isbeddel togan oo ku saleysan aqoon iyo faham.

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta ma aha kaliya mid keenta fikrado cusub, balse sidoo kale waa meel lagu ilaaliyo dhaqanka iyo hiddaha. Barnaamijyada lagu soo bandhigo suugaanta, ciyaaraha dhaqameed, iyo sheekooyinka taariikhiga ah waxay kaalin weyn ka qaataan xasuusinta bulshada qiimaha ay leedahay dhaqankeedii hore. Sidan ayay warbaahintu u noqotaa xasuusqor iyo xoojiye aqoonsiga dhaqanka. Hase yeeshee, waxaa jirta dhinac kale oo la arki karaa in ay warbaahinta casriga ah mararka qaar soo dedejiso dhaqammo cusub oo aan ku habboonayn diinta ama dhaqanka bulshada. Tani waxay cadeyneysaa in warbaahintu tahay sababta ugu weyn ee lagu luminayo dhaqankii suubanaa ee la dhaxlay. Sidaa darteed, masuuliyadda warbaahinta iyo dadka wax ku soo gudbiya baraha bulshada guud ahaan waa mid culus; waa inay dheelitirtaa ilaalinta dhaqanka iyo dhiirrigelinta isbeddelka togan.

Gabagabadii, warbaahintu waa awood si joogto ah u saameysa nolosha iyo dhaqanka bulshada. Waxay awood u leedahay inay dhisto ama dumiso qiyamka iyo hiddaha, iyadoo ku xiran sida loo adeegsado. Haddii warbaahinta lagu maamulo daacadnimo, aqoon, iyo anshax, waxay noqon kartaa qalab kor u qaada horumarka iyo isbeddelka togan ee bulshada. Laakiin haddii loo isticmaalo si aan masuuliyad lahayn, waxay sababi kartaa in la burburiyo dhaqanka iyo qiyamka bulshada. Sidaas darteed, warbaahinta waxtarka leh waa tan dhowrta hiddaha iyo qiyamka bulshada, isla markaana dhiirrigelisa isbeddel wax ku ool ah oo la jaanqaadaya waayaha casriga ah.

2016 – 2020

Ministry of Culture Strategic Plan 2016 – 2020

2018-2020

Federal government of Somalia ministry of education, culture and higher education education sector strategic plan

2017 – 2019

National development plan

Somali Federal Constitution

120913 Somali Federal Constitution (Final Somali version)

Somali-English Dictionary

Afmaal Somali-English Dictionary

Africa’s First Democrats Somalia’s

Africa’s First Democrats Somalia’s Aden A. Osman and Abdirazak H. Hussen by Abdi Ismail Samatar

2004

Axdiga-ku-Meelgaarka-ah-ee-Soomaaliya-2004

Barashada Naxwaha Af Soomaaliga.

Barashada Naxwaha Af Soomaaliga. A Somali School Grammar. Furaha Layliyada Barashada Naxwaha Af Soomaaliga. Answers to Exercises in a Somali School Grammar by Abdalla Omar Mansur, Annarita Puglielli

1991

Clan Cleansing in Somalia The Ruinous Legacy of 1991 by Lidwien Kapteijns

Critical Realism

Critical Realism, Somalia and the Diaspora Community by Abdullahi Haji-Abdi

1979

Dastuurka-Jamhuuriyadda-Dimuqraadiga-Soomaaliya-1979

1990

Dastuurka-Jamhuuriyadda-Dimuqraadiga-Soomaaliya-1990

1960

Dastuurka-Jamhuuriyadda-Soomaaliya-1960

Ererybixinta Af-Soomaaliga

Diiwaanka Ererybixinta Af-Soomaaliga (Ereybixinta Cilmiga) by Cabdalla Cumar Mansuur

Diiwaanka Ererybixinta Af-Soomaaliga

Diiwaanka Ererybixinta Af-Soomaaliga (Ereybixinta Farsamada Culuunta) by Cabdalla Cumar Mansuur

Ereybixinta Maamulka Afka

Diiwaanka Ererybixinta Af-Soomaaliga (Ereybixinta Maamulka Afka) by Cabdalla Cumar Mansuur

Geeddiga wadaay

Geeddiga wadaay by Cabdi Muxumud Aammin

Historical Dictionary of Somalia

Historical Dictionary of Somalia (African Historical Dictionaries Historical Dictionaries of Africa) by Mohamed Haji Mukhtar

Naxwaha Cusub ee Afsoomaaliga

Naxwaha Cusub ee Afsoomaaliga. Buugga 1d by Maxamed Xaaji Xuseen Raabbi

Oral Poetry and Somali Nationalism

Oral Poetry and Somali Nationalism The Case of Sayid Mahammad Abdille Hasan (African Studies) by Said S. Samatar

Qaamuuska Af-Soomaaliga

Qaamuuska Af-Soomaaliga by Puglielli Annarita, Mansuur Cabdalla Cumar

Somali Nationalism International Politics

Somali Nationalism International Politics and the Drive for Unity in the Horn of Africa by Saadia Touval

Somalia - The Untold Story

Somalia – The Untold Story The War Through the Eyes of Somali Women by Judith Gardner, Judy El Bushra

Somalia A Government at War

Somalia A Government at War with its own People by Africa Watch

2006

Somalia in Transition since 2006 by Shaul Shay

Somalia Operations Lessons

Somalia Operations Lessons Learned by Kenneth Allard

Somalia. A Nation Driven to Despair

Somalia. A Nation Driven to Despair. A Case of Leadership Failure by Mohamed Osman Omar

Somalia. Past and Present

Somalia. Past and Present by Mohamed Osman Omar

The Colonial Legacy in Somalia Rome

The Colonial Legacy in Somalia Rome and Mogadishu from Colonial Administration to Operation Restore Hope by Paolo Tripodi (auth.)

The Geology of Somalia

The Geology of Somalia – Defense Technical Information Center

The Road to Zero

The Road to Zero. Somalia’s Self-Destruction by Mohamed Osman Omar

The Roots of Somali

The Roots of Somali Political Culture by M. J. Fox

The Travels of Ibn Battuta

The Travels of Ibn Battuta in the Near East, Asia and Africa, 1325–1354 by Ibn Battuta, Samuel Lee

2020-2024

NDP-9-2020-2024