Aadanahu, wuxuu samaynayaa maalinba maalinta ka dambaysa horumarro dhan walba leh, kuwaas oo saamayn taban iyo mid toganba ku yeesha noloshiisa. Bartanka qarnigii tagay ayay ahayd markii binu’aadanka uu is waydiiyay “Mashiinadu awood ma u leeyihiin in ay u fikiraan sida aadanaha?” Waydiintaas waxay ahayd bar-billowgii farasamaynta caqli samays ah, waxaana si buuxda u guulaystay hayaankii uu aadanaha ugu jiray in uu hirgaliyo garaadgacmeedka.
Garaadgacmeed (Artificial Intelligence-AI) inta aan la guda galin waxaa marka hore fahan u baahan garaadka aadanaha, kadib waxa la is-barbar-dhigi karaa caqliga aadanaha iyo caqliga aaladaha, ayada oo halbeeg laga qaadanaayo garaadka aadanaha. Haddaba, ka hor qeexitannada guud ee garaadka iyo garaadgacmeedka, aan dib u fiirinno qeexitaanka Caqli ee afkeenna. Caqli “Waa awood binu’aadanka u gaar ah oo ay wax ku kala gartaan” (Qaamuuska Prof. C.Mansuur iyo Annarita Puglielli ).
Garaadgacmeedka, si aan u fahanno kama helayno qaamuusyada aqooneed ee afkeenna, waxaase lama-huraan ah in aan soo rogno qeexitaanno guud si aan fahanka u soo dhawayno. “Waa adeegsiga barnaamijyada kumbuyuutarada kuwaas oo leh qayb ka mid ah tayada maskaxeed ee aadanaha, sida; awoodda fahanka luqadaha, aqoonsiga sawirada, iyo in ay wax ka bartaan khibradooda” (Qaamuuska Cambridge). Professor John McCarthy oo ah hindisaha iyo bud-dhigaha Garaadgacmeedka (AI), sidoo kalena ah ninkii majaalkani u magaca bixiyay, wuxuu ku soo koobay “Waa Sayniska iyo Handasada ee samaynta aalad garaad leh” (Crevier 1993, p. 50).
Halbeegga caqliga aadanaha waxa ka mid ah, in uu fikiri karo, dhib xalin karo, qorsha samayn karo, wax adag fahmi karo, go’aan gaari karo, iyo qaar kale. Haddaba hal tilmaam oo ka mid ah tilmaamaha caqliga aadanaha, haddii laga helo mashiinka, waxay ka dhigan tahay in mashiinkaasi uu yahay mashiin garaadgacmeed leh, waayo, ayagu in dhammaan tilmaamaha laga helo muhiim ma ahan. Garaadgacmeedka, waxay mashiinadu awood u siinayaan; in ay u fikiraan sida aadanaha, fahmi karaan luqadaha, dhibaatooyin xalliyaan, ogaan karaan xaaladda caafimaad ee qof xanuunsanayo, sidoo kalena gaari wadi karaan, ciyaari karaan, iyo kuwa kale oo badan. Waxay u sameysan yihiin in ay jilaan dabeecadaha ama hab-dhaqanka aadmiga. Waxay aaladaha awood u yeelanayaan, in ay qabtaan howlo loo tabo-baray iyo kuwa ay barteen, sidoo kalena waxay jawaab ka bixin karaan haddii ay la kulmaan wax aysan aqoon ama dhici jiray, ayaga oo adeegsanaayo qaab loo xaliyo cilladda jirto (Heuristics) waxay na ugu danbeyn sameynayaan soo-saarista natiijada. Mashiinada ku shaqeeya garaadgacmeedka, waxay awood u yeelanayaan xalinta dhibta, samaynta wax maangal ah, iyo u dhaqmidda sida aadanaha.
Taariikhda garaadgacmeedka waxay dunidani casriga ah ku soo biireen bartamihii qarniga 20-aad, isaga oo soo maray heerar kala duwan aadanahuna marba qayb uu ka fahmaayay. Injineerada, xisaabyahannada iyo culimada kumbuyuutarka ayaa ahaa sahmiyaasha aqoontaan casriga ah. Ragii laf-dhabarka u ahaa waxaa ka mid ah Alan Turing. Asiga, wuxuu ka mid ahaa bud-dhigiyaashii garaadgacmeedka, wuxuuna dadaal badan ku bixiyay fahanka mashiinka.
Turing, wuxuu 1950kii faafiyay maqaal uu ugu magac daray “Computing Machinery and Intelligence” asiga oo baadigoobayo sidoo kalena diiraddana saarayo weydiinta ah “Can machines think?” wuxuuna Alan sameeyay taxanayaal tijaabooyin (Turing Test ), kuwaasi uu ku raadinaay jawaabta in mashiinadu fikiraan, is la markaana u fikiraan sida aadanaha. Ugu danbayna tijaabooyinkaasi waxa ugu soo baxay in mashiinadu ay awood u leeyihiin in ay u fikiraan sida aadanaha, waxa ayna jawaabtaasi noqotay bar-billowgii dhalashada Garaadgacmeedka . Wuxuu sidoo kale tijaabadiisa ku sahmiyay in mashiinada u falcelin karaan sida aadanaha.
Garaadgacmeedka (AI) waxaa loo qeybiyaa saddex qayb:
- Artificial Narrow Intelligence (ANI), waa caqli samays ah is la markaana ay awoodiisa xaddidan tahay, kaliyana diiradda saaraayo qabashada howl gaar ah, taas oo lagu keydiyay xog ahaan. Qaybtaani awood uma lahan in ay jilaan caqliga aadanaha balse waxay awoodaan in ay bartaan hab-dhaqanka aadanaha, kadibna ay u fududeeyaan helitaanka rabitaankiisa maadaama ay barteen dabciga qofka. Waxay u muuqdaan in ay go’aan gaari karaan balse waa xisaabaadka ku kaysan oo shaqaynaayo. Waxay u samaysan yihiin in ay qabtaan howlo yaryar, sida, aqoonsiga wajiga, xog ka raadinta Internetka, gaari is-wado, iwm.
- Artificial General Intelligence (AGI), wuxuu ku awood iyo tabar yahay aadanaha, asiga oo qaban kara shaqooyinka uu aadanaha qabto oo idil. Waxaa qaybtani weli ku socda horumarin iyo ballaarin, taas oo aan weli laga sal gaarin natiijadiisa. Caqligani samayska ah wuxuu ku heer noqonayaa garaadka aadanaha (Human-Level Artificial Intelligence).
- Artificial Superintelligence (ASI), wuxuu awood u leeyahay wax uusan aadanaha karin. Waa caqli samays ah haddana ka dheereeya aadanaha. Qaybtani weli lama gaarin, kaliya waxaa ay dunida ku jirtaa iskudayga hirgalintiisa ayada oo weli aan lagu guulaysan ASI, ayaa sida la rajaynaayo noqon doono mid si buuxda aadanaha kaga madax bannaan, oo wuxuu awood u yeelanayaa, in uu go’aan gaaro, qorsha dajiya, u fikiro si maangal ah, wax barto, curin uu sameeyo, dhibna uu xaliyo.
Dheefta garaadgacmeedka waxaa ka mid ah, in mashiinada aysan u baahan nasiino, waxayna awood u yeelanayaan in aysan shaqada joojin, noloshana ay ka dhigaan mid fudud ayada oo mashiinadu ku dadaalayaan in ay bartaan hab-dhaqanka qofka adeegsanaayo si ay u saadaaliyaan una keenaan rabitaanka qofka. Waxay karaan in ay qabtaan howl soo noqnoqanayso oo joogta ah, taas oo binu’aadanka ku adag. Sidoo kale waxay karaan in ay suurtogaliyaan gaarista saxnaanta. Dheef-darridana waxaa ka ah; in ay horseedaan shaqo la’aanta, masuuliyad darro, hal’abuur la’aan iyo dhibaatooyin akhlaaqeed.
Mustaqbalka garaadgacmeedka, waxay aqoonyahannadu, cilmibaarayaasha iyo daneeyaasha, qaarkood, ay saadaalinayaan in uu si buuxdo u qaban doona dhammaan shaqooyinka uu aadanaha qabto. Waxay ifafaalo wanaagsan ka muujinayaan waxtarka uu aadanaha u yeelan doona, ayaga oo dadaal dheeri ah ku bixinaayo hirgalinta iyo horumarintiisa. Hebert Simon oo ka mid aha culimada ku suntan Garaadgacmeedka , wuxuu saadaal ahaan u sheegay in mashiinadu ay qaban doonaan wax walba uu aadanaha qabto. “Mashiinadu ama Aaladuhu waxay awoodi doonaan, labaatan sano gudahood, in ay qabtaan ama sameeyaan wax walba uu aadanaha qaban karo” ayuu Hebert Simon qoray 1956dii.
Shaki ma lahan in uu dardar ku socda kororka mashiinada ku shaqaynaayo garaadgacmeedka oo uu binu’aadanka farsameeyay, ayada oo tallaabadaasi saamayn dhinac walba ah ku leh hab-nololeedka aadanaha ee dhaqan-dhaqaale. Waxay dunida hardan ugu jirtaa, daraasaynta iyo hirgalinta qaybaha harsan ee caqliga macmalka ah, si is-baddel la taaban karo ay ku soo kordhiyaan nolosha casriga ah, ayada oo aadanaha wax walba loo fududaynaayo sidoo kalena lagu raad jiro waxa qarsoon ee lagu tuhmaayo tallaabo horumareed. Kobaca uu samaynaayo waxaa si gaar ah looga dareemayaa teknoolajiyadda iyo ganacsiyada.
Waxaa dhanka kale jira walaac xooggan kaas oo ay dad badani qabaan, kuna aaddan mashiinada ku shaqeeya garaadgacmeedka . Waxay rejo xuma ka muujinayaan kororka garaadgacmeedka iyo saamaynta uu ku yeelan karo nolosha aadanaha, sida in uu dhaawac u gaysto dhaqanka iyo dhaqaalaha bulshada. Shirwayne ku saabsanaaa garaadgacmeedka oo lagu qabtay magaalada Buenos Aires ee Argentina, sanadkii 2015, waxaana shirkaasi looga hadlay saamaynta taban ee uu caqliga samayska ah ku yeelan karo nolosha aadanaha. Waxaa shirkaasi ka qab galay Elon Musk, Stephen Hawking iyo kun Cilmibaarayaal Robotics ah, ayaga oo soo saaray warqad-furan “Autonomous Weapons” oo ay ku dirayaan digniin ku aaddan musiibada ka iman karto garaadgacmeedka , ayaga oo si gaar ah walaaca kaga muujiyay in la gaaro heer dagaaladu la isu adeegsado hub garaadgacmeed ku shaqaynaayo, taas oo horseed u noqom karto halis uu aadanaha wajihi karo.
Waxay qiraal ka muujiyaan dheefta uu garaadgacmeedka uu aadanaha u leeyahay, balse waxay si wayn kaga soo horjeedaan in garaadgacmeedka loo adeegsado hub ahaan, oo sidaasi dagaallo ku qarxaan. Waxay ka digayaan in aan la billaabin farasamaynta hubkaas ku shaqaynaayo garaadgacmeedka “Waan rumaysannahay in garaadgacmeedka uu aadanaha u leeyhay waxtar badan, habab kala geddisan, waana in ujeedka majaalkani uu sidaasi noqdo. Billaabidda tartanka hub garaadgacmeedka waa aragti xun, waana in laga hortago ayada oo la xanibaayo hubka madaxa-bannaan ee is-maamulaayo kana baxsan xakamaynta aadanaha” ayaa lagu soo gunaanaday warqadda-furan ee shirkaasi ka soo baxday, taas oo ilaa hadda ay saxiixeen kumanaan, si ay codkooda ugu biiriyaan in aan la billaabin fara-samaynta hub is-maamulaayo.
Elon Musk, wuxuu asiga si gaar ah kaga digay halisaha uu horseedi karo garaadgacmeedka ah, asiga oo sheegay in ay awoodaha dunida oo maamulo caqliga aaladaha in ay keeni karto dagaal cusub oo ay dunida gasho, waxa uuna qabaa in ay kaga sii dari doonta dagaalka nukliyeerka ee dunida is ku baacsato. Elon Musk, milkiilaha shirkadda Tesla Motors iyo Space X, wuxuu bartiisa Twitter ka ku baahiyay: “Waxa aan u baahannay in aan ka feejignaanno garaadgacmeedka, sababtoo ah way ka halis badan yihiin banbooyinka nukliyeerka”.
Tixraac:
- “Why are we afraid of Artificial Intelligence (AI)?,” European Review of Applied Sociology 8 Volume 11, Number 17, 2018.
- R. a. P. Norvig, “Artificial Intelligence A Modern Approach,” Third Edition, 2010.
- “Artificial Intelligence-intelligent systems,” Tutorials Point, K. AlSedrah, “Artificial Intelligence,” 2017.
W/Q:Axmed Dhuubow
