Hordhac
Dad badan oo adduunka iyo Soomaaliyaba ku nool, gaar ahaan meelaha magaalooyinka ah waxay cunto kulul ka iibsadaan suuqyada, makhaayadaha yaryar ama waddooyinka. Cuntooyinkan waxaa badanaa lagu bixiyaa ama lagu qaataa bac ama caag (plastic bags), si qofku uu ugu qaato gurigiisa, shaqada, ama meel kale. U adeegsiga bacaha iyo balaastikada cuntooyinka kulul sida: suugada, bariiska, baastada, iyo cuntooyinka kale ee dareeraha ah—shaaha, maraqa iwm—waa mid aad innoogu badan. Sababaha ugu badan ee loo adeegsado bacahan ama caagadahan ayaa ah inay raqiis yihiin, fudud yihiin, meel kastana laga heli karo. Hasa’ahaatee, halkaan waxa ku jira halis qarsoon: marka cunto kulul lagu shubo bac ama caag, kulaylku wuxuu keeni karaa in maaddooyinka kiimikada ah ee ku jira bacda ama caagga ay ku siqaan ama u gudbaan (leach) isla cuntadii aad bacda ku sidatay. Waa halkan meesha ay qormadeennu saldhigan doonto. Qormadan waxaynu ku qaadaa-dhigi doonnaa khataraha caafimaad ee ka dhasha adeegsiga bacaha iyo waxa ay cilmibaarisyadu ka leeyihiin arrintan.
Jaadadka khataraha caafimaad ee la xidhiidha adeegsiga bacaha iyo caagga.
Bacda iyo caaggu waxay ka kooban yihiin maaddooyin kala duwan. Maaddooyinkan intooda badan ama qaarkood ayaa waxay noqon karaan kuwo waxyeelleeya nidaamka shaqo ee hoormoonnada (hormone disruptors), dheefshiid iyo taranka qofka, islamarkaana kor u qaada khatarta kansar ee jidhka.
Guud ahaan waxyeelladu waxaa loo kala qaadaa laba hab:
- Leaching: waa in maaddooyinka ay ka koobantahay bacda ama caaggu—marka cunto ama cabbitaan kulul lagu shubo, laguna hayo in cabbaar ah—inta ay dhalaalaan, ku siqaan islamarkaana u gudbaan ilsa cuntadii ama cabbitaankii bacdaas ku jiray; si fudud, leaching-ku waa marka maaddooyinka sunta ah ee caaggu ay dhalaalaan oo ay ku dhex milmaan cuntada ama cabbitaanka kulul.
- Microplastics: waa in shaygii caagga ahaa ama bacdu marka cunto ama cabbitaan kulul lagu shubo uu usii kala burburo qurubyo aad u yaryar oo gaadhaya 5mm ilaa 1nm, isla markaana ay jidhka sidaas ugu gudbaan.
Qodobbada saameeya ama xidhiidhka la leh leaching-ka
B) Heerkulka sarreeya ee bacda ama caagga: cuntooyinka kulul waxay kor u
qaadaan dhaqdhaqaaqa qurubyada kiimikada ah ee bacda ama caagga, taasoo fududaynaysa inay cuntadii u gudbaan. Markasta oo kulaylku bato, leaching-kuna wuu sii badan karaa.
T) Muddada: mar walba oo uu sii dheeraado waqtiga ay cuntadu ku jirto bacda ama caagga waxaa sii siyaada qurubyada leaching-ka, sunta soo baxaysana way badanaysaa.
J) Dufanka iyo saliidda: cuntooyinka leh dufan ama saliid ayaa awood badan u leh inay qabsadaan kiimikooyinka bacda siyaadiyaanna waxa loo yaqaanno leaching-ka.
X) Awoodda aashitada: cuntooyinka leh qaddar sare oo aysiidh/aashitada ah sida cabbitaannada aashaooyinka leh ee loo yaqaanno ‘Soda’ waxay kor u qaadi karaan leaching-ka.
KH) Cilladaha caagga: haddii bacda ay dhaawacantahay, ama leedahay xarriijimo ama daloollo leaching-ka ayaa sii weynaan kara awooddiisuna way sii badan kartaa.
Maxay Cilmibaadhisyadu ka leeyihiin khataraha ka dhasha Microplastics / Nanoplastics
Cilmibaadhisyada ayaa iftiimanaya khatartan dhibteeda, islamarkaana si weyn uga digaya, cilmibaadhisyadaas waxaan ka xusi karnaa:
- Plastic food containers and your health: Plastic takeaway (2024): Daraasaddan la daabacay 2024 ayaa sheegtay in adeegsiga caadiga ah ee caagga cuntooyinka sida degdegga ah loogu qaato (takeaway) ay sababi karaan dhaawac soo gaadha xiidmaha (intestines).
- The contamination of some chemical pollutants in hot foods stored in plastic bags and containers: Cilmibaadhistani waxay tilmaantay in bacaha iyo walxaha laga sameeyaa ay ka mid yihiin walxo wasakhaysan oo waxyeelladooda caafimaad aad u sarrayso sida: Lead, Cadmium, Arsenic, Mercury, iyo Zinc, kuwaasoo dhibaatadii sii laba jibbaaraya.
- Eating from plastic takeout containers can increase heart failure risk (2025): Daraasaddan caafimaad oo lagu sameeyey dalka Shiinaha ayaa lagu ogaaday, in cuntooyinka lagu qaato weelasha caagga ah ay si wayn uga qayb qaataan khataraha sii kordhaya ee dhanka wadnaha iyo hoos u dhaca nidaamka shaqo ee habdhiska dhiig-wareegga ee jidhka, iyadoo lagu sheegay cilmibaadhistaas in xitaa ay sababi karaan in wadnuhu istaago.
- Maqaal kale oo warbixin ah ayaa lagu sheegay in qofku sannadkiiba ay ku tagaan una gudbaan jidhkiisa qaybo yaryar oo caag ah, haddii uu qofkaasi bac iyo caag u adeegsanayay in uu cunto ku qaato.
Xaaladda Soomaaliya
Soomaaliya, u adeegsiga bacaha cuntooyinka kulul waa mid aad u badan, gaar ahaanna magaalooyinka. Inkasta oo aysan jirin xog rasmi ah oo dalkeenna laga soo saaray, haddana waxaan aragnaa kor u kaca xanuunno iyo cudurro waagii hore yaraa sida: kansarka, madhalaysnimada, iyo xanuunnada wadnaha. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Marka wax lagu sheego ayaad wax kala garataa”; innaga oo kaashanaynna cilmibaadhisyada iyo xogaha aynnu soo xigannay, waxaa halkaa uga bilaabmaysa qof walba iswaydiin ku aaddan sida aynnu ugu badannahay adeegsiga bacaha iyo sida aynnu ugu dhaaddannahay halistaas aadka u wayn! Isku soo duube, aqoonta iyo wacyiga bulshada oo hooseeysa ayaa keentay inaynu sunta gacanteena ku iibsanno.
Gabagabo
Cuntada kulul ee bacda lagu qaato ma ahan caafimaad, ee waa “cudur la soo iibsaday.” Waxay halis caafimaad aan la iska indhatiri karin ku yihiin bedqabkenna jidheed iyo keenna maskaxeedba. Waxaa la joogaa xilligii aqoonta, baraarugga iyo wacyiga bulshada ee ku aadan arrinkaas kor loogu qaadi lahaa.
Talo Bixin
Si looga hortago halista cuntooyinka kulul ee lagu qaato bacaha ama ugu yaraanna loo yareeyo khatartooda, waxaan soo jeedinayaa talooyinkan:
- Wacyigelin Ballaadhan:
Wacyigalintu waa mid ka mid ah doorka ugu muhiimsan ee bulsho fahankeeda guud iyo ogaalkeeda lagu kobciyo, sidaas awgeed doorkan waa inay qaataan: dawladda, hay’addaha caafimaadka, jaamacadaha dalka, bahda qalin-leeyda, iyo guud ahaan cid walba oo wuxuun ka og halistaas.
- Sharici-dejin:
Dowladda waa inay xeerar iyo shuruuc adag kasoo saartaa soo dejinta iyo adeegsiga bacaha, laguna dhiirigeliyo bulshada adeegsiga badalka bacaha waxyaabo badbaada leh sida dambiilaha. - Cilmibaadhisyo gudaha ah:
Waa in cilmbibaadhisyo la xidhiidha khataraha caafimaad ee adeegsida bacaha laga sameeyo gudaha dalka. Arrintani waxay kor u qaadi kartaa baraarugga bulshada. - Sicirka weelka aan caagga ahayn oo hoos loo dhigo iyo kordhinta qiimaha iyo cashuurta bacaha: Qodobkani waa mid si wayn uga qayb qaadanaya yaraynta adeegsiga bacaha, culaysna saaraya ganacsatada dalka soo gelisa balaastikada, islmarkaana korna u qaadaya adeegsiga weelasha aan caaga ahayn.
Caafimaadkaagu waa hantidaada ugu qaalisan, ha ku beddelan sahlashada adeegsiga bac raqiis ah.
W/Q: Macallin Cabdicasiis Cabdiqaadir Cali
