Maxaa kala Dhantaalay Awoodda Dhallinyarada Soomaaliyeed?

Bulshada Soomaaliyeed, qiyaastii 75% waa dhallinyaro (IOM). Arrintaas ayaa si cad u muujinaysa awoodda iyo baaxadda ay dhalinyarada ku dhex leeyihiin mujtamaca. Sababtaas darteed, waxaa aad u faafay aragtiyo ay ka mid yihiin: “Dhallinyaradu waa laf-dhabarta bulshada“, Waa hoggaanka berri“, iyo “Dhallinyarada ayaa ah kuwa wax beddeli kara”.Aragtiyadan oo dhan waa kuwa ka marqaati kacaya in ay dhallinyaradu yihiin mid ka mid ah rejooyinka ugu waaweyn ee ay lahaan karaan bulsho, gaar ahaan Soomaalida. Nasiibdarrose, waxaa awoodda baaxadda leh iyo tiradaas badan kala dhantaalaya waa isku duubni la‘aanta iyo in aysan jirin wacyi-wadaag guud oo qaabeeya hab-fekerka dhalinyarada iyo adduun-aragooda.Tiradu haddii aysan lahayn tayo iyo aragti midaysan, waxay noqotaa unugyo kala baahsan oo aan dhismi karin.

Dhallinyaradii dhalatay ka dib burburkii dowladnimada Soomaaliya (1991-kii), waa kuwa aan guud ahaan fursad u helin inay arkaan xasillooni, nabad, iyo adeegyadii dowladeed ee asaasiga ahaa. Caqabaddaas waxaa ka dhalatay in bulshada wacyigoodu kala daato gaar ahaan dhallinyarada oo waayey madal qaran oo isku keenta.  

 

​Maadaama uusan jirin nidaam waxbarasho oo mideysan, arrintaasina ay dalka oo dhan ka jirtay muddo dheer, deegaan kasta wuxuu yeeshay hab-feker u gaar ah iyo fahan gooni ah oo ku saabsan nolosha, qaranka, iyo dadka kale. Kala go‘an bulsheed wuxuu dhalay in dhallinyaradii maanta ay noqdaan kuwa ku kala koray “guryo goonigooni ah” oo mid waliba uu daaqad gaar ah leeyahay.

 

Haddaba, waa ayo dhallinyarada aan rabno in ay noo horseedaan isbeddel bulshadan lagu samatabixiyo?

Ma kuwii aan soo sheegnay ee aan rag wax dowlad ah oo ku koray fowdadaa?

Ma kuwan loogu sheekeeyay in uu reerkoodu reeraha kale ka wacan yahay ee aynu ku argno baraha bulshadaa?

Maya, intaba ma aha! Kuwa aan rabno in ay u dhabba-xaaraan mustaqbalka bulshadan, waa kuwa intaan oo daruufo ahi u hareereysan yihiin:-

1. Waa dhallinyaro kala koray wacyi ahaan oo aan isku wacyi ahayn; ma jiro deegaan deegaan kale ku wacyi ah! Waa jiil loo kala sheekeeyay oo aan isku xan ahayn, islamarkaana la daalaadhacaya qabyaalad, eex, caadifad, aqoonyari iyo dhibaatooyin kale.
2. Waa jiil ay ragaadisay dhibaatada qabyaaladdu leedahay, kuwaas oo isku colaaadiyaiskuna dila si aan ka fiirsi lahayn! Doodahooda ugu waaweyn waxay ku soo ururtaa reerkeygaa kaaga ka fiican’ oo ay la taagan yihiin baraha bulshada! Waxay dhaqan geliyeen oraah hore oo ahayd “Goortii hore qofka waxaa lala colloobi jiray markii ay dirir idin dhexmarto halka maanta lala colloobo goortii qabiilkiisa la ogaado!”  
3. Waa barbaar ku soo aaday xilli ay dowladdu aad ugu gaabisay doorkeedii wacyigelinta guud ahaan bulshada, gaara ahaan jiheynta dhallinta. Sidoo kale, saxaafaddeena ma buuxin gaabkaas; waxayna noqotay mid tabisa dhiillo iyo khilaaf dhexmara siyaasiyiinta. Tani waxay salka ku haysaa aragti ah in saxaafadda loo arko afmiishaarnimo, waxayna abuurtay kala fogaansho bulsho iyo tabinta natiijooyin qaraar!

 

Guntii iyo gebagebadii, si loo helo dhallinyaro hab-fekerkooda sarreeyo oo leh adduun-arag midaysan, waa in dowladda abuurtaa wacyi guud oo ay wadaagi karaan dhallinyarada oo dhan. Arrintan waxay ku imaan kartaa in ay xoogga saarto farriimo ku qotomo wadaniyadda iyo in dib loo curiyo xasuus wadareedda bulshada Soomaaliyeed, iyada oo loo maraayo barnaamijyo ay saxaafadda garwadeen ka tahay.

W/Q: Maxamed Xuubeey

2016 – 2020

Ministry of Culture Strategic Plan 2016 – 2020

2018-2020

Federal government of Somalia ministry of education, culture and higher education education sector strategic plan

2017 – 2019

National development plan

Somali Federal Constitution

120913 Somali Federal Constitution (Final Somali version)

Somali-English Dictionary

Afmaal Somali-English Dictionary

Africa’s First Democrats Somalia’s

Africa’s First Democrats Somalia’s Aden A. Osman and Abdirazak H. Hussen by Abdi Ismail Samatar

2004

Axdiga-ku-Meelgaarka-ah-ee-Soomaaliya-2004

Barashada Naxwaha Af Soomaaliga.

Barashada Naxwaha Af Soomaaliga. A Somali School Grammar. Furaha Layliyada Barashada Naxwaha Af Soomaaliga. Answers to Exercises in a Somali School Grammar by Abdalla Omar Mansur, Annarita Puglielli

1991

Clan Cleansing in Somalia The Ruinous Legacy of 1991 by Lidwien Kapteijns

Critical Realism

Critical Realism, Somalia and the Diaspora Community by Abdullahi Haji-Abdi

1979

Dastuurka-Jamhuuriyadda-Dimuqraadiga-Soomaaliya-1979

1990

Dastuurka-Jamhuuriyadda-Dimuqraadiga-Soomaaliya-1990

1960

Dastuurka-Jamhuuriyadda-Soomaaliya-1960

Ererybixinta Af-Soomaaliga

Diiwaanka Ererybixinta Af-Soomaaliga (Ereybixinta Cilmiga) by Cabdalla Cumar Mansuur

Diiwaanka Ererybixinta Af-Soomaaliga

Diiwaanka Ererybixinta Af-Soomaaliga (Ereybixinta Farsamada Culuunta) by Cabdalla Cumar Mansuur

Ereybixinta Maamulka Afka

Diiwaanka Ererybixinta Af-Soomaaliga (Ereybixinta Maamulka Afka) by Cabdalla Cumar Mansuur

Geeddiga wadaay

Geeddiga wadaay by Cabdi Muxumud Aammin

Historical Dictionary of Somalia

Historical Dictionary of Somalia (African Historical Dictionaries Historical Dictionaries of Africa) by Mohamed Haji Mukhtar

Naxwaha Cusub ee Afsoomaaliga

Naxwaha Cusub ee Afsoomaaliga. Buugga 1d by Maxamed Xaaji Xuseen Raabbi

Oral Poetry and Somali Nationalism

Oral Poetry and Somali Nationalism The Case of Sayid Mahammad Abdille Hasan (African Studies) by Said S. Samatar

Qaamuuska Af-Soomaaliga

Qaamuuska Af-Soomaaliga by Puglielli Annarita, Mansuur Cabdalla Cumar

Somali Nationalism International Politics

Somali Nationalism International Politics and the Drive for Unity in the Horn of Africa by Saadia Touval

Somalia - The Untold Story

Somalia – The Untold Story The War Through the Eyes of Somali Women by Judith Gardner, Judy El Bushra

Somalia A Government at War

Somalia A Government at War with its own People by Africa Watch

2006

Somalia in Transition since 2006 by Shaul Shay

Somalia Operations Lessons

Somalia Operations Lessons Learned by Kenneth Allard

Somalia. A Nation Driven to Despair

Somalia. A Nation Driven to Despair. A Case of Leadership Failure by Mohamed Osman Omar

Somalia. Past and Present

Somalia. Past and Present by Mohamed Osman Omar

The Colonial Legacy in Somalia Rome

The Colonial Legacy in Somalia Rome and Mogadishu from Colonial Administration to Operation Restore Hope by Paolo Tripodi (auth.)

The Geology of Somalia

The Geology of Somalia – Defense Technical Information Center

The Road to Zero

The Road to Zero. Somalia’s Self-Destruction by Mohamed Osman Omar

The Roots of Somali

The Roots of Somali Political Culture by M. J. Fox

The Travels of Ibn Battuta

The Travels of Ibn Battuta in the Near East, Asia and Africa, 1325–1354 by Ibn Battuta, Samuel Lee

2020-2024

NDP-9-2020-2024