
Muqdisho, Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, magaaladii ilbaxnimada iyo adkaysiga, muddo dheer oo ay la daalaa dalaacaysay daruufo ay ka dhaxashay dagaalladii sokeeye kaddib, waxay waayadan dambe ku tillaabsatay hormar dhinacyo badan leh, ayada oo baadigoob ugu jirta sidii ay u soo ceshan laheyd kaalinteedii ay Afrika iyo adduunkaba ku laheyd. Balse weli waxaa jira caqabado u baahan in xal loo helo. Caqabadahaas waxaa ka mid ah ciriiriga waddooyinka oo culeys ku keenay nolosha dadka dhowrka milyan ah ee ku nool magaalada. Haddii aad joogto Muqdisho, ereyada ugu badan ee dhegahaaga kusoo dhacaya waa “Jaam ayaan ku jiraa”,“Jaamka naga ilaali”, Jaam baa na dhibay”, “Armay waddadu jaam tahay”, iwm.
Waa Maxay Ciriiriga Waddooyinka (Traffic Jam)?
Ereyga “Jaam”oo hadda u muuqda mid af Soomaaliyoobay (kase yimid “Traffic Jam”), waxaa af Soomaali ahaan lagu yiraahdaa “Ciriiri” ama “Saxmad”. Waa xaalad dhacda marka ay waddadu buuxsanto oo gaadiidku uusan si xor ah u socon karin, ama isusocodku uu aad u gaabiyo. Tani waxay badanaa dhacdaa marka tirada gaadiidka ay ka badato awoodda qaadma ee waddada ama marka nidaamka taraafikada uu aad u daciif yahay.
Saababaha Keena Ciriiriga Waddooyinka
- Habsan ka jira meelaha gaadiidka lagu hubiyo (checkpoints): Goobaha baaritaanka waxaa inta badan jooga askar tira yar, shaqada oo ku badan awgeedna aan firfircooni badani ka muuqan. Gaadiidka oo dhowr saf ku jira ayaa mid mid loo baarayaa, taasoo qaadanaysa waqti badan dhalinaysana in silsilad noqodaan gaadiidkii baarista sugayay. Sugitaankaas wuxuu sababayaa si fudud istaagga socodka gaadiid waddooyin kale oo dhowr ah marayay, wuxuuna abuurayaa ciriiri aan ku ekayn meesha uu ka samaysmay.
- Dekedda iyo Garoonka Muqdisho oo gudaha magaalada ku yaalla: Muqdisho waxaa ku yaal Dekedda iyo Garoonka dalka ugu weyn, waana halka ugu badan ee wixii dalka soo gelaya ama ka baxaya maraan. Maadaama ay labadaba ku yaallaan bartamaha magaalada, gaadiiid xamuulka ah ee ka imaanya dekadda Muqdisho waxaa qasab noqotay inay adeegsadaan waddooyinka caasimadda wadnaha u ah. Waxaa inta badan lasoo fasaxaa gaadiidkaas galabtii, xilligaas oo ay dadku kasoo rawaxayaan shaqooyinka iyo waxbarashada, taasoo keenta ciriiri baaxad leh.
- Khilaaf askarta iyo wadayaasha waadada dhexdeeda: Mararka qaar waxaa dhacda in askarta waddooyinka jooga iyo wadayaasha gaadiidku isqabsadaan. Isfahan waa’ggaas wuxuu sababaa in gaarigii uu dhex istaago waddada dhexdeeda, taas oo xirta socodka boqollaal gaari oo kale.
- Xeer-ilaalin la’aanta wadayaasha: Wadayaasha qaarkood ayaa isku daya in ay waddada ka jaraan meel aan loogu talogelin, ama seed qaldan gala. Mararka qaarkoodna inta gaariga istaajiyaan wadadadhexdeeda ayay dad is kala sheekeystaan. Taasina waxay si deg deg ah u abuurtaa ciriiri, waxayna keentaa culeys badan.
- Gaadiidka caasimadda jooga oo aad u tiro badan: Magaalada waxaa kusoo batay noocyada kaladuwan ee gaadiidka sida: baabuurta raaxada, mootooyinka oo noocyo kaladuwan ah, xamuulka, iyo gaadiidka ciidanka. Kororka gaadiidka oo lagu daray nidaamka taraafikada oo aan gaarsiisnayn heerkii loogu talo galay, waxay ka mid tahay sababa waaweyn ee dhaliya ciriiriga culeysyada badan keena.
- Waddo xummo iyo baakin la’aan: Waddooyinka Caasimadda qaarkood waa burbursan yihiin, kuwa roobab burburiyeen iyo kuwa aan la dayactirin in muddo ahba. Taas waxay keentay in wadayaashu ay doorbidaan marista kuwa dhisan oo aysan ku dhibtoonayn. Dhanka kale, dhismayaasha iyo ganacsiyada oo qaarkood waddooyinka gudaha u soo galeen, arrintaasoo yareysay badkii waddadu, sidoo kala dadka ganacsiyadaas ka adeeganayaa ay waddadii soo buux dhaafiyaan, taas oo ciriiriga qayb ka ah.
Dhanka kale, Muqdisho ma laha baakinno rasmi ah oo baabuurta la dhigto. Sidaas darteed, darawaliintu waxay gaadiidka ku joojiyaan ama dhigtaan meel kasta oo bannaan, taas oo waddada baldhaceedii yareysa, waxyaabaha ciriiriga abuurana ka mid ah.
Saameynta taban ee ka dhalata ciriiriga waddooyinka caasimadda
Ciriirigu wuxuu leeyahay saameyn taban oo baaxad leh, kuna leeyahay dhinacyo kala duwan oo nolosha ah, waxaana ugu waaweyn:
- Saameynta Bulshada: Ciriirigu wuxuu keenaa daal, dib-u-dhac, xanaaq, niyadjab,iyo mararka qaar isku-dhac dhex mara dadka. Waxaa dhib ku qaba dad badan oo degdegsanaa dano muhiim ahna u sucday, sida digtoor dabiibka naf bini aadan u degdegayay, dersi bixiye da’yar uu wax baro u soo kallahay, da’yar dugsiyada iyo goobaha kale ee waxbarasho udegdagaya, danyar dushu ku xamaasha oo doonaya in uu meel durugsan nolol-maalmeedkiisa ka soo dhacsado iwm.
- Saameynta Dhaqaalaha: Cariiriga waddooyinku waa dhibaato weyn oo si toos ah u saamaysa dhaqaalaha iyo waxsoosaarka magaalada uu ka jiro iyo xitaa waddanka. Marka socodka gaadiidku istaago ama uu gaabis noqdo, waxaa hoos u dhacaya dhaqdhaqaaqii shaqo, ganacsi iyo adeegyada bulshada oo idil. Saameyntaas dhaqaale waxaa loo kala saari karaa dhowrkan dhinac:
- Luminta Waqtiga
Cariirigu wuxuu sababa in shaqaalaha iyo ganacsatadu ay ku lumiyaan waqti badan waddooyinka. Arrintaasi waxay sababtaa khasaare dhaqaale oo dhowr nooc ah, sida in macaamiishu ka tagto, in shaqooyinkii qorshaysnaa la wada qaban waayo iyo in shaqaalihii iyo maamulkii isku dhacaan iwm. Waqtilumiskaas wuxuu saameeyaa dhaqaalaha ganacsatada iyo guud ahaan GDP-ga dalka.
- Kordhinta Kharashaadka:
Marka gaadiidku istaago ama si gaabis ah u socdo ciriiri awgiis, isticmaalka shidaalka ayaa kordha, badeecada qaarkeed ayaa hallowda; taasoo keenta in qiimaha gaadiidraacistu iyo badeecadaba kordhaan.
- Hoos-u-dhac Waxsoosaarka:
Marka shaqooyinku dib u dhacaan, shidaalkuna bato, lacagta gaadiidka lagu raacaa badato, badeecooyinka qaar hallaabaan, waxaa si guud u yaraada ama hoos u dhac ku yimaad waxsoosaarka dalka (GDP).
- Khasaaraha dhaqaale ee Qarsoon oo uu ciriirigu sababo
Waxaa jira jira khasaarooyin qarsoon oo aan si toos ah loo arkin —sida dayactirka baabuurta oo badata waxyeello ka dhashay ciriiriga awgeed, luminta kulamo muhiim ah iyo hoos u dhaca kalsoonida ganacsatada iyo maalgeliyayaasha.
Xalka Ciriiriga Waddooyinka Caasimadda Muqdisho
Xalka ciriiriga waddooyinka Caasimadda Muqdisho wuxuu u baahan yahay qorshe mideeya dowladda iyo bulshada. Waxaa lagama maarmaan ah in waddooyinka laballaariyo, la dayactiro, la sameeyo baakinno rasmi ah, lana nidaamiyo gaadiidka dadweynaha si loo yareeyo tirada baabuurta gaarka loo leeyahay ee waddooyinka buuxinaya. Sidoo kale, waa in la hirgeliyaa nidaam casri ah oo taraafiko, la kordhiyo wacyigelinta wadayaasha iyo ilaalinta xeerarka waddooyinka, lana yareeyo suuqyada iyo ganacsiyada waddooyinka hareerahooda ah. Isku darka tallaabooyinkan ayaa ka dhigi kara caasimadda Muqdisho magaalo leh taraafiko nidaamsan, waddooyin bilicsan, iyo dhaqaale kobcaya.
Qore: Cabdixakiim Cabdullaahi Faarax
