Haweenka Soomaaliyeed waa laf-dhabarta bulshada, iyaga oo kaalin mug leh ka qaata dhinacyo kala duwan oo nolosha iyo hormarka aadanaha ay ka mid yihiin. Maqaalkan waxan kaga hadlayaa ‘Doorka Haweenka ee Horumarinta dalka’. Si aynu isula fahano arrintaas, waa in aynu marka hore isla fahano waxa ay tahay horumarin, noocyada horumarinta, dhinacyada iyo halbeegyada lagu cabrio horumarinta.
Waa maxay horumarin? Horumarintu waa hannaan iyo geedi socod abuura korintaan, isbedel wanaagsan ama wanaag ka muuqda dhanka muuqaalka, dhaqaalaha, deegaanka, arrimaha bulshada iyo kororka dadka. Aqoonsiga iyo la socoshada arrimahaas waxaa mar kasta loo aaneeyaa dhanka siyaasadda, dhaqandhaqaale iyo kuwa bulsho ee wadankaasi ka hormari karo.
Horumarinta Aadanaha: Horumarinta aadanaha waxaa lagu qeexaa, hannaanka fidida xornimada dadka, helidda fursadaha madaxbannaanida, wannaaga iyo jiritaankooda. Waa hannaanka xornimo ee ay dadku u heli karaan go’aansashada sida ay u noolaan karaan, waxqabadkooda iyo cida ay noqonayaan. Horumarinta aadanaha waxay ka abuurantaa laba qodob oo ah; awood siinta aadanaha iyo abuurida xaalad taageeraysa horumarinta. Sida ku xusan jaantuska hoose, qeybta hore ee garaadsiinta ama taageerida dhanka maskaxda waa in laga taageero dhanka caafimaadka iyo nolosha; aqoon inay helaan kadibna ay qaabeystaan sidii ay u noolaan lahaayeen. Dhanka abuurista xaalad taageeeraysa horumarintu waa kaqeybgelinta arrimaha bulshada, siyaasada, inay helaan deegaan nolol ku habboon, amni iyo xuquuq dhawrsoon oo aan xadgudub lahayn iyo weliba helidda cadaalad loo siman yahay oo aan eex lahayn.

Hadaba waa maxay doorka haweenka ee arrimaha horumarinta bulshada? Hooyadu waa lafdhabrta, aasaasaha, kaabaha, keydiyaha iyo haggaha bulsho kasta, ayadaana fure u ah nolosha aadanaha marka laga gudbo qadarta iyo awoodda Alle.
Waxaa jira shan arrimood oo aad loogaga hadlo horumarinta aadanaha, waxaana ka mid ah; horumarinta dhaqanka, bulshada, deegaanka, dhaqaalaha iyo siyaasadda.
2. Horumarinta dhaqanka: Horumarinta dhaqanka hooyadu waa tan wajahda ama yagyeesha dejinta aqoonta, qiyamka, caqiidada, habdhaqanka iyo fahanka qoyska iyo heybada bulsho kasta. Gaar ahaan dhaqanka waxaa ka mid ah; habdhaqanka, labiska, luqada, farsamada casriga ah, diinta iyo shuruucda u degsan wadankaas. Haddii intaas aan kor ku xusnay aanay hooyo soo saxar tirin, qoyskaasi bulshada dhaqankeeda ayuu ku noqdaa caqabad. Tusaalena waxaa inoogu filan, kolkii Soomaaliya dhibku ka dhacay ee agoon iyo rajjo badani soo baxdey waxaa soo baxay jiil aan dhaqan toosan lahayn oo had iyo jeer ku kaca habdhaqan aan wanaagsaneyn. Dad badan oo wax qora waxay burburka dalka u aaneeyaan in qoys burbur iyo bulsho burbur ay ka sii horeeyeen qaranka burburay. Sidaas daraadeed horumarinta dhaqanka bulshada waxaa lafdhabar u ah hooyada ee yaan loo daymo daraan.

Sawirka 1: Sawirkan wuxuu muujinayaa haween Soomaaliyeed oo ku hawlan farsamada gacanta. (www.hagaag.com)
2. Horumarinta Arrimaha Bulashada: waa wanaajinta jiritaanka bulshada si ay u gaadho heerka horumarineed ee ay bulshadaasi hiigsaneyso. Horumarinta bulshadu waa maalgelinta aadanaha iyo qaadida caqabadaha horyaala bulshada si loo hiigsado kalsooni iyo sumcad. Marka laga reebo inyar ooo rajjo ku korey, dadka nool maanta waxaa dhashay, barbaarisey oo haddana meel ku hubsatay hooyo. Hadaba aynu isla qooraansano xaggee ayay ka soo biqishaa maalgelinta aadanuhu? Waxay ka soo bilaabataa kolka ilmuhu ku jiro dharabta ee ay hooyadu umusho ilaa uu ka dhinto. Ilmahaasi wuxuu u baahan yahay nadaafad, quudin, tarbiyad, hagaajin, kalgacal, bulsho, dhiirigelin, taageerid iyo garab istaag. Horumarinta waa kaqeybgelinta bulshada, xoojinta isku-xirka bulshada, xog wadaagid iyo isla-xisaabtan. Sidaas daraadeed, hooyadu waa tan sameysa ee Ilaah u fududeeyay qabashada hawlahaas maalgelinta aadanaha ilaa qaangaadhka ayada oo kaashanaysa lamaanaheeda iyo bulshada ku hareeraysan. Hooyadu waa macalinka koowaad ee waxbara bulshada dhanka guriga, suuqa iyo goobaha waxbarashada intaba.
Kaddib sanado badan oo ay socdeen dagaallo sokeeye oo Soomaaliya ka dhigay dal aan lahayn dowlad dhexe, haweenka Soomaaliyeed ayaa waxa ay hormuud ka noqdeen aayaha dalka iyaga oo sare u qaadaya nolosha boqollaal qof. Iyaga oo u maraya barnaamijyadooda haddii ay ahaan lahaayeen kuwo yar iyo kuwa waaweynba. Haweenku waxay door laxaad leh ka soo qaateen dhanka halabuurka adeegyo caafimaad, waxbarasho, ganacsiyo, aalada casriga ah ama technolojiyada. Haweenka Soomaaliyeed iyaga oo ah xirfadleyaal, ganacsatada, siyaasiyiin ama dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ah, ayay waxay saameynayaan isla markaana horumarinayaan nolosha bulsho ayaga oo la daala-dhacaya colaad, amni la’aan, saboolnimo iyo abaar. “Haweenka ayaa isku hayay qoysaska Soomaaliyeed intii lagu jiray sannadihii dheeraa ee fowdada iyo colaadda hubaysan ee dalka,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating.
Hooyo Soomaaliyeed oo Kismayo deggan ayaa laga soo xigtey (Jubbalnd24.com) inay shaqo shaah karin ah ku bilowdey Tarmuusyo iyo Bakeeriyo ay amaah ku soo qaadey lana fadhiisatey darbi si ay u daboosho nolosha qoyskeeda, si aanay caruurteedu u gaajoon, waxbarasho la’aan u noqon oo aanay haddana facood uga hooseyn waaney ku guuleysatey.

Sawirka 2: Hooyo Taarmuusyo & koobab deyn ah shaqo ku bilowday darbi, kuna guuleeysatay (www.jubbaland24.com )
3. Horumarinta deegaanka: Waa natiijada tooska ah ee ka timaada maalgelinta kaabayaasha, beerida dhirta, sameynta jardiinooyin cagaaran iyo sameynta deegaan bed qaba. Meelaha laga eego in ay bulshadaasi ka hayso wadada lagu hormariyo deegaanka waxaa ka mid ah; goobo baabuurta la dhigto, iskuullada, xarumo ganacsi oo laga dukaameyso, adeeg dadweyne, goobo caruurta lagu xanaaneeyo, goobo lagu nasto iyo goobo ay bulshadu ku kulanto. Astaamaha lagu garan karo deegaan bed-qaba waxaa ka mid ah;
- Muuqaalka iyo nadaafada deegaanka oo hagaagta
- Nolosha deriska iyo isku xirka bulshada oo xoogeysta
- Qiimaha agabka iyo hantida ayaa kordha haddii loo baahdo in la iibiyo
- Waxaa soo kordha dadka soo degaya degsiimadaas oo deriskaa badanaya
Sidaas daraadeed hooyada Soomaaliyeed waxay abuureen shaqo abuur, nadaafad mutadawacnimo ah iyo naf huri aan caadi ahayn oo xitaa qaarkood naftooda ku waayay. Insta oo aanay dhameystireyn arinta horumarinta deegaanka, haddana dadaal badan ayaa jira waxaana la rajaynayaa in lagu guuleysto mudo dhow.
4. Horumarinta dhaqaalaha: Horumarinta dhaqaaluhu waa koboca ama kororka nolosha dadka wadankaas degan laga soo bilaabo dadka dhaqaalohoodu hooseeyo ilaa kuwa dhaqaalahoodu sareeyo. Mar kasta oo nolosha bulshadu wanaagsanaato dhaqaaluhuna wuu kobcaa. Horumarka dhaqaalaha waxaa si gaar ah looga eegaa horumarinta dhanka kaabayaasha, waxbarashada, caafimaadka iyo jiritaanka bulshada; cadaalada, amniga, ilaalinta dadka iyo ganacsi xor ah oo lagu tartamo. Dhaqaale wuxuu ka abuurmaa jiritaanka afar arimood oo aas aas u ah wax-soosaarka waxaana ka mid ah; dhulka (waa deeqda Ilaahay sida ciida, beeraha, keymaha, webiyada, macdanta, hawada, shidaalka IWM); dadka (Muruq iyo maskax); raasamaal (Warshadaha, dhismaha, baabuurta); iyo shirkad ama maamul isku xira sadexdaas kale (Khatar qaataha, isku habeeyaha dhammaan hawlaha kale). Soomaaliya, ayada oo ka soo kabanaysa sodomeeyo sano oo colaad, xasilooni la’aan iyo hoggaan xumo ah, maanta waxay tiigsanaysaa inay ka maydhato dhibaatadii soo martey balse waxaa aad u yar helitaanka maalgashi debadeed, shaqa abuurka oo yar iyo shaqo la’aanta oo aad u sareysa.
Haweenku waa kuwa lafdhabar u ah soo kabashada dalka haddana waxay aad ugu yar yihiin miiska go’aan gaarista dalka ama ganacsiga waaweyn soo dejinta iyo wax-dhoofinta dalka balse waxay si laxaad leh uga muuqdaan waxsoosaarka beeraha, xoolaha iyo ganacsiga yaryar kuwaas oo maareeya waxabarashada, caafimaadka iyo nolosha bulshada. Afar ka mid ah toban kasta oo haweenka dhallinyarada ahi waa kuwo dhaqaale ahaan u firfircoon, haweenkuna way ku fideen dhinacyada qabashada shaqada iyo wax soo saarka nolosha ee dhaqan ahaan ay raggu qaban jireen, gaar ahaan haween badan ayaa qabtay mas’uuliyadda wax soo saarka dakhliga qoyska. Hase yeeshee, haweenka iyo gabdhuhu waxay weli wajahayaan takoor ballaadhan iyo caqabado badan oo hortaagan horumarkooda xirfadeed iyo kan waxbarasho si ay dhaqaale kordhin ugu talaabsadaan. Wadamada dunida sadexaaad, haweenku ayagaa qabta shaqo badan oo aan u xisaabsaneyn maamulana gaar ahaan kuwa beeraleyda iyo xoolo dhaqatada. Meelo badan oo dalkeena ah, haweenku ayagaa ka shaqeeya waxsoosaarka beerta, xoolo dhaqida, ganacsiyo yaryar iyo dhar sameynta, mana helaan daymo iyo adeeg bangi oo ay ku hormariyaan waxsoosaarkooda.
Gebagabadii, haweenku waa u muhiim inay fursado badan ka helaan dhanka caafimaadka, bangiyada, waxbarashada, cadaalada, xildhibaanada, dowlada, dhismaha iyo meel kasta oo ay bulshada horumarkeeda wax ku soo biirin karaan. Maxaa yeelay waxaynu u baahan nahay inaan ka faaiideysano awoodaa xooggan, waxsoosaar, caqli, maskax ee Ilaahay ugu deeqay haweenka oo aynaan iska beylihin.
5. Horumarinta Siyaasadda: Siyaasad iyo dhaqan ahaan, Soomaaliya, haweenka door buuxa lagama siin jirin kaqeybgalka siyaasada balse siyaasi, macalin, dhaqaaleyahan ama hogaamiye kasta oo guuleystay waxaa ka dambeysa haweeney dadaashay. Balse sannadahan dambe waxaad moodaa inay soo badanayaan haweenka siyaasada gala ama damac kahayo inay galaan kadib wacyigelin badan oo tustay waxqabadkooda, waxqabadka haweenka oo aad u muuqday iyo ayaga oo aad uga daacadsan ragga.

Figure 3: Haweenka Baarlamaanka Soomaaliya
Xilligii hore, Soomaalidu waxay u badneyd raacato oo u baahan xoog ceelka shuba, geela soo dhiciya haddii la boobo ama xoolaha duggaaga ka ooda ama ka rida marka uu latago oo kuma habooneyn inay hawshaas u xilsaaraan haweenka. Balse maanta, waxaa loo batey magaalo oo hawsha qof kastaa dhankiisa ka qaban karo. “Doorka Siyaasada haweenka waa ku jiraan, waana ka muuqdaan, waxaana ka shaqaynaynaa in doorkaas kor loo soo qaado, dowladdan waxaa ka go’an 30% Doorka haweenka inay ku yeeshaan mataalada dowladda,” Sidaas waxaa yidhi, Mudane, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. “Haweenka Soomaaliyeed waxay dhigeen taariikh xilligii hannaankii doorashada ee sannadkii 2016kii, markaaso ay murashaxiinta haweenka ahi ay ku guuleysteen boqolkiiba 24 kuraasta baarlamaanka federaalka. Kumanaan haween ah ayaa codkooda ka dhiibtay 275 ahaa ergooyinka doorashada ee soo xulay xubnaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka. Haweenka Baarlamaanka galay waxay ku jiraan guddiyada kale duwan ee baarlaanka aqalka sare iyo kan hoose intaba. Waxaqabadkooduna si dhab ah ayuu uga dhexmuuqdaa guddiyada.
Hadaba, haweenka siyaasada kiu jira iyo kuwa u ololeeya arimaha bulshada, waxaa looga baahan yahay inay abuuraan iskaashi iyo qorshe mideysan ayaga oo uwada guntanaya sidii loo heli lahaa amni iyo nabad kuwada noolaanshaha Soomaalida, dhisitaanka iyo ka shaqeyntiinta goobo caafimaad oo u adeega hooyada iyo dhallaanka, goobo waxbarasho oo hannaan mideysan leh iyo helitaanka illo biyood bedqab leh. Waxaa ayadana biyo kama dhibcaan ah in la helo hay’ado caawiya agoonta, xirfaddo shaqo iyo shaqo abuur dhameystiran inay helaan dhalinyarada iyo haweenka.
Guntii iyo gebagabadii haweenka waxay door muhiim ah kaga jiraan dhaqanka dhaqanka, arrimaha bulshada, dhaqaalaha, ilaalinta deegaanka iyo siyaasada intaba, si toos ah iyo weliba si dadban. “Hooyooy dushaadaa nabad lagu hubaayoo, Hooyooy dhabtaadaa hurdo lagu gam’aayoo, Dugsi laga helaayoo, waxaa lagu halmaalaa hooyo ababintaadee, Hayin lagu badhaadhaay, Gogol lama huraaneey, Dugsigii Hufnaantaay, Hiddo lagu arooraay, Hooyooy la’aantaa aadanuhu hubaashii Horumar ma Hiigsado ee Hooyooy ha mudan ciil” Abwaan, Maxamed Ibraahim Hadraawi.
𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐢𝐧 𝐅𝐚𝐚𝐝𝐮𝐦𝐨 𝐀𝐚𝐝𝐞𝐧 𝐈𝐢𝐝𝐥𝐞
iidle1969@yahoo.com
